Shirkii wada-xaajoodka mooshinka oo si rasmi ah uga furmay madaxtooyada

by admin | Saturday, Oct 10, 2015

Muqdisho : HN :– Kulankii looga hadlayay wada xaajoodka mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhow furay, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu shirka si rasmi ah u furay, isla markaana ka hadlay muhiimada uu shirkan leeyahay.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada mooshidedegnka keenay, waxaana la filayaa in laga soo saaro war saxaafadeed ku saabsan xalka mooshinka.

Guddoomiye Pro Jawaari ayaa sheegay in muhiim tahay in la soo afjaro muranka siyaasadeed ee uu dalka galay, isla markaana horay loo socdo.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo shirka ka qeyb galay ayaa cudur daar ka bixiyay in shirka uu u baaqday dartiis, isla markaana ay aheyd inuu horay u sii socdo, waxaana Ra’iisul Wasaaraha wakiil uu ka ahaa Madaxweynaha.

Ugu danbeyntii, waxaa kulanka ka hadlay xildhibaannada saxiixay mooshinka, waxaana ay sheegeen inay muhiim tahay in mooshinka la soo afjaro, waxaana qaarkood ay xuseen in mooshinkaas oo keenistiisa laga joogo muddo ka badan 50-cisho uu dalka geliyay qal qal siyaasadeed.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!