Shirkii wadda-tashiga siyaasada Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Sep 21, 2015

Muqdisho : HN :–Kulankii wadda-tashiga heer Qaran ee Muqdisho uga socday madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka oo ay Goob-joogayaal ka ahaayeen xubno ka socday beesha caalamka ayaa goor-dhow lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho, iyadoo la filayo in goor-dhow lagu dhawaaqo war-murtiyeedkii lagu heshiiyay.Shirkii_Wadatashiga_Muqdisho_oo_lasoo_Gunaanaday

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhinacyadu ay ku heshiiyeen qodobbo ay ka mid ahaayeen; In la dhiso Madal wadatashi oo ay xubno ka yihiin dowladda Soomalia, maamul-goboleedyada dalka ka jira, ururrada Bulshada Rayidka iyo Baarlamaanka.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in Madashan ay kulankooda ugu horreeya yeelan doonaan Bisha soo socota ee Oktoobar, iyagoo Qaabeyn doona doorashada dalka ka dhici doona Sannadka soo socda ee 2016-ka iyo in Bisha Jannaayo ee soo Socota lagu dhawaaqo qaabka loosoo dooranayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waan idin soo gudbin doonaan war-murtiyeedka shirka oo dhameystiran………

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!