Shirkii wasiirro-arrimo dibadeedka IGAD oo ka furmay goor dhaw Muqdisho

by admin | Saturday, Jan 10, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa saakay daah furay shirkii wasiirro-arrimo dibadeedka urur gobolleedka IGAD oo si rasmi ah uga furmay hoteelka SYL ee ku dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa la leeyahay wajigiisa hore waa mid dhax-mari doona wasiirada arrimaha dibadda IGAD, safiirrada caalamka u fadhiya Somalia iyo madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, markaas kaddibna uu shirka IGAD noqon doono mid ay albaabbadu u xiran yihiin.

Xubnaha IGAD ee shirka ka qaybgalaya ayaa waxay isugu jiraan wasiirro iyo wasiir-u-dowlayaal waxayna kala yihiinIGAD sumit; wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom, wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda Koonfurta Suudaan, Barnaba Marial Benjamin iyo wasiir u dowlayaasha dalalka; Suudaan, Kamal-Eddin Ismail Saeed, Uganda, Asuman Kiyingi iyo xoghayaha guud ee IGAD Inj. Maxbuub Macallin.

Kulankan ayaa intiisa badan looga hadli doonaa arrimaha Somalia, gaar ahaan isbedellada dhinacyada amniga iyo horumarka, iyadoo sidoo kale lagu soo qaadayo hiigsiga sannadka 2016-ka oo la doonayo inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho xor ah.

Si kasta ha ahaatee, waxaa lagu wadaa in shirka war-murtiyeed ay kasoo saaraan gellinka dambe ee maanta wasiirrada arrimaha dibadda IGAD, kaas oo ku aaddan waxyaabihii ay xubnaha shiraya isku afgarteen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!