Shirkii xuska maalinta afka hooyo oo maanta oo Muqdisho lagu soo xirray

by admin | Wednesday, Feb 25, 2015

Muqdisho : HN :–Shirkii looga hadllayay sare u qaadista iyo tayeeynt  afka Soomaaliga ee maalmihii ugu danbeeyayba ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka qeyb-gallay munaasabada xiritaankiisa xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirka Wasaarada Warfaafinta hidaha iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Islaamka Dhaqanka iyo Awqaafta Janhuuriyada Jabuuti Iyadoo lagu soo bandhigay Madasha War Murtiyeed Dhowr iyo Toban Qodob ka kooban oo laga soo saaray Shirkaas.

Wasiirka warfaafinta Hidaha iyo Dalxiiska Somalia Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay Xiritaanka Shirka ayaa waxaa uu Mahad Naq balaaran u jeediyay Aqoon yahanada ka kala yimid Goobo Fog fog ee ka qayb galay Shirkaan Caalamiga ah waxaana uu sheegay in Geesiyada u soo halgamay Afka Hooyo ay Taariikhdu Xusi Doonto.

Wasiirka Wasaarada Islaamka Dhaqanka iyo awqafta Dowladda Jabuuti Mudane Aadan Xasan Aadan  oo ka hadlay Gaba gabadaDSC06490-620x264 Shirkaas ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Jabuuti iyo Dowladda Federaalka ah ay iska kaashan doonaan Dhismaha Xarunta Akadamiyad Goboleedka Dhawaan Muqdisho ay ka fureen Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti  Waxaana uu kula Dar daarmay Dhalinta ku Hadasha Afka Soomaaliga in ay Kor u qaadaan.

21 kii Bishaan Feberaayo ayuu Magaalada Muqdisho ka Furmay Shirkaan Todobaadka Afka Soomaaliga iyadoo Furitaankiisa ay ka qyab galeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah Ee Somalia Mudane xasan Sheikh Maxamuud iyo Dhigiisa Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele waxaana ka qayb galay Ergooyin ka kala yimid Maamul Goboleedyada Dalka ka jira iyo Dowladaha Jabuuti Kenya iyo Ethiopia Sidoo kale Aqon yahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gudaha Dalka iyo Dibadiisa waxaana ay si wada jir ah u Bogaadiyeen Ergadu Hirgalinta Akadamiyad Goboleedka Dhaqanka .

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!