Shirweynaha SAMADOOM II oo maalintii labaad ka socda magaalada Beledweyne

by wadani | Monday, Dec 28, 2015

Beledweyne : HN :–Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan shir uu soo qaban-qaabiyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif kaa oo ay ka qeyb-qaadanayaan. odayaasha dhaqanka  waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarrada beesha Xawaadle.

Marka la eego waqtiga uu shirka ku soo beegmay iyo mid ka mid ah qodob ajandaha shirka looga hadlayo oo ah Ayaaha iyo mustaqbalka beesha, waxaa ay dad badani qabaan in shirka marka danbe isku badali karo shir lagu gorfeeyo marxalada maanta uu dalku marayo, iyo kaalinta beesha kaga aadan oo ay arrimo badan soo hoos-galin doonaan

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo maalintii shalay ka hadlay munaasabadii furitaanka shirka, ayaa sheegay in ay soo IMG_1019dhaweynayaan shirweynaha wadda-tashiga beesha, isaga oo  sheegay in shirku yahay mid dhaqan maamulkana mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta ammnigiisa.

Marka laga soo tago odayaasha dhaqanka, waxgaradka, dhalinyarrada iyo haweenka shirka ka qeybta ka ah, dhinaca kale waxaa iyagana madasha ku sugan qurbo joog shirka uga timid dalalka dariska ah, waxaana la filayaa in maanta ilaa berri siddoo kale ku soo biiraan  wajiyo kale oo laftirkooda miisaan u yeellaya shirka iyo sii socoshadiisa.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in magaalada Jowhar uu ka furmayo shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe kaddib markii ay siddaa isku afgarteen madaxweyne Xassan Sheekh iyo gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, laakiin haddana dhinaca kalan marka aad eegto wali waxaa jira siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeedda gobolka oo aan ku qanacsaneyn go’aanka dowladda dhexe iyo odayaasha dhaqanka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo dhawaan hadal ka jeedinayay munaasabad ka dhacday magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in gudaha magaalada lagu qaban karin shirar siyaasadeed oo aan la soo marin maamulka, isaga oo qeybaha warbaahinta uga digay baahinta wararka shir aan fasax looga heysa maamulka gobolka.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo lahaa qaban-qaabada shirka ayaa sheegay in ajandaha hore yahay dib-u-dhiska garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne iyo sidda ay bulshada uga qeyb-qaadan karto, waxaana marka uu soo xirmo qodobaa lagu waddaa in loo guda-gallo qodobka labaad oo ah ”Wadda-tashi & Aaayo ka talinta beesha” waxaana isha lagu wadda hayaan ugu danbeyntii go’aamada ka soo baxa shirka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!