Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:10aad..Calinuur Xoogsade.

by admin | Tuesday, Aug 9, 2011

Suurada 23aad Al-Mu’minuun:
Suuradaan waxaa loogu Magac daray Muminuun si Muslimiinta loo Xasuusiyo Darajooyinka wanaagsan ay ku leeyihiin Janda Fidowsa Dhexdeeda.

Suurada waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 118, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Anbiyaa ka dib, waxeyna ku bilaabataa Aayado Xambaarsan Kalimaad Muujinaya liibaanta Mumniinta Maalinta Qiyaame gaarayaan, Juz ahaana waxey kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 18aad ilaa ku Dhawaad kaloo Bar.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mumnuun:
Suurada waxey ka Hadashaa Arimaha Quseeya Caqiidada sida Toowxiidka, Risaalada, iyo Soo Bixinta Maalinta Qiyaame, waxeyna Faahfaahin ka bixisaa Tilmaamaha kuwa Janada Firdowsa Dhaxalka u yeelan Doona, waxaana ka mid ah Tilmaamahaas:In Salaada lagu Khushuuco, in Hadalada Macno Darada ah laga Jeesto, in Zakada la Guto (Bixiyo), in Zinda laga Fogaado, in Amanaada iyo Balamada la ilaaliyo, in Salaadaha la Dhowro.

Waxaa kaloo xasuusin mudan Suuradan iyo Suurado badan oo Quraanka ahba in ay Muujiyaan Quraanka inuu yahay Mucjizo weyn waxaana ka mid ah waxyaabaha ay Mucjizadaas ka muuqato in Suuradan ay ku jiraan Aayado tilmaamay Insaanka iyo Heerarkii uusoo maray amaba maro xaga Abuurka, waxaa uu Allaah ku Sheegay Suuradaan gudaheeda Aayadahan Dhahaya {waxaan ka abuurnay dadka wax lagasoo soocay Dhoobo, markaasaan ka yeelnay Dhibic ku jirta meel sugan, markaasaan ka Abuurnay Dhibicdii Calaqo, kana Abuurnay calaqadii Goosin, kana Abuurnay Goosintii Lafo oon huwinay Lafihii Hilib, markaasaan ka aheysiinay Khalqi kale, waxaa kheyr badnaaday Eebaha Abuurkiisu fiican yahay}.

Ayaadahan waxay la yaab ku noqdeen Dhaqaatiirta ku Taqasustay Cilmiga Uur ku jirka kuwaasoo ilaa waqtiyo dhaw aaminsanaa in Insaanka Abuurkiisa uu soo maro marxalado khilaafsan tilmaamaha Aaayadahan cadeeyeen [Biyo, Calaqo,Cad Hilib, laho, Insaan kaamil ah] taasoo aad ula yaabeen marka ay Ogaadeen Quraankan inuu tilmaamo ka bixiyay ilaa heerkaas gaarsiisan ayadoo arintaas iyo Arimaha la midka ah sababtay Dad badan inay Rumeeyaan xaqnimada Diinta Islaamka iyo Kitaabkan Quraanka ah ka yimid Xaga Allaah, waayo suuragal marna ma aha in la yiraahdo Nabiga ayaa Cilmi Naftiis ah ku gaaray Qaabka Inasaanka loo Abuuro, maxaa yeelay Nabiga Suuban waxaa uu Noolaa 1400 sano ka hor xiligaasna majirin Aqoon lagu Ogaan karo Uur ku jirka, Insaanka Caalamka ku noolna ilaa laga soo Gaaro Qarnigaan Labaatanaad ma ogeyn Cilmi ku saamsan Marxaladaha Abuurka Insaanka soo maro.

Suurada 24aad Al-Nuur:
Suuradan waxaa loogu magac Daray Al-Nuur, maadama ay Xambaarsan tahay Nuurkii Shareecada ku Jideysay Aadabo Far badan, waxaana ku jirta Aayad tilmaameysa in Allaah yahay kan Nuuriya Koonka oo Dhan, taasoo laga qaatay Magaca Suuradan.

Suuradan Al-Nuur waxa ay soo Dagatay Magaalada Madiina Markii loo Hijrooday ka dib,Aayadaheeduna waa 64 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Xashri ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaha Juzka 18aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Nuur:
Suuradaan waxa ay aad uga hadashaa Sharciyada iyo Aadaabta, waxeyna Fiiro gaara u leedahay Arimaha Guud iyo Gaar ahaaneed ee ay tahay Muslimiinta in ay ilaaliyaan, Bulsho ahaan ama Afraad ahaanba, Suuradaana waxaa ku jira Axkaam Muhiim u ah Qoyska Muslimka iyo Bulshada Muslimiintaba, waxeyna Suurada Dadka Muslimiintaa Bartaa Khatarta ay leedahay Dacaayada Faafinteeda, iyo Cadawga Muslimiinta Faa’iidada ugu Jirta in ay Muslimiinta Gudahooda is dacaayadeeyaan.

Suuradaan waxaa Xasuusin Mudan waxey si Faahfaahsan uga Sheekeysay Been Abuurkii loo Geestay Qoyskii Nabiga ee lagu Beegsaday Sharafta Caaisha (Alaha ka raali Noqdee) iyo sida kuwa Munaafiqiinta ah u Buunbuuniyeen Dacaayadaas ayagoo Dano gaar ah ka alaahaa, waxey kaloo Suurado Sheegtay inay jireen kuwa Iimaan leh laakiin dacaayadii Markii ay Badatay Run Mooday oo Faafinteeda ka qeyb qaatay, taasoo tuseysa in Dadka aad uga Digtoonaadaan dacaayadaha Dadka Muslimiinta ah Dhexdooda ku Faafsan, maxaa yeelay Allaah (Cw) waxaa uu Tilmaamay in Dadku Maleeyaan Daacayada wax yar , laakiin ay Alle Agtiisa ku Weyn tahay.

Suurada 25aad Al-Furqaan:
Suuradaan waxaa loogu Magac darat Al-Furqaan oo ah Magac ka Mid ah Magacyada Kitaabka Quraanka loo yaqaan, Magacaas oo loola Jeedo Macno ahaan in Kitaabku yahay kala Saaraha Xaqa iyo Baadilka, Iimaanka iyo Kufriga, Nuurka iyo Mugdiga:

Suuradan waxaa ay ka mid tahay Suuradaha soo Dagtay intii Magaalada Makah la Joogay, Marka laga reebo Aayadaha kala ah: 68, 69, 70, Cadadka Aayadaheedu waa 77 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Yaasiin ka dib, waxa ayna ku Beegan tahay Biloowga Juzka 19aaad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Furqaan:
Suuradaan waxey Guud ahaan ka Hadashaa Sugitaanka Dhabnimada Quraanka iyo Rasuulnimada Nabi Muxamad (Scw), waxayna soo Bandhigtaa Qisooyin ay ku jirto Waana Qaadasho.

Waxaana si gaar ah Xasuusin u Mudan Suuradan in ay Dhamaadkeeda Soo Bandhigto Tilmaamo Gaaraya 12 ah oo  Calaamad u ah Awliyada Alle (Cw) Tilmaamahaas waxa ay ka Kooban yihiin kuwa Isugu Jira Caqiidada lagu Yaqaan Awliyada Alle (Cw) Ciibaadooyinka Awliyada Alle (Cw) iyo Aaadabta Awliyada, waloow Maanta Dadkii ayagoo Tilmaamahaas garab Marsan Hadana Sheeganaayaan in ay Awliyo Alle (Cw) yihiin, Hadey Tahay Dhowritaanka Caqiidada, hadey tahay Cibaada ku Dadaalka, Hadey tahay ka Dhowrsashada Xumaanta Sida Dhiiga Muslimiinta, Faaxishada Zinada, ka tagida Waajibaadka sida Salaadaha, Soonka, Beenta Iwm.

Suurada 26aad Al-Shucaraa:
Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Shucaraa, Maadama Suurada ay ka Hadashay gabyaaga Cida Raacada iyo Astaamaha lagu yaqaan, taasoo Meesha ka Saareysa in Nabiga Suuban (Scw) lagu Tuhunsado in uu Gabyow yahay.

Suurada Al-Shucaraa waa makiyah, marka laga Reebo Aayadaha kala 197, 224, 225, 226, 227, kuwaas oo ah Aayada kusoo dagtay Markii Madiina loo Hijrooday ka dib, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Waaqica ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Shucaraa:
Suuradaan maadama ay ka mid tahay kuwii Makah kusoo Dagtay waxey si gaar ah Xooga u Saartaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada, waxeyna Soo Bandhigtaa Tusaalooyin Cadcad oo Muujinaya Dhibaatooyinkii Aduunka ku Qabsaday Kuwii Toowxiidka Diiday sida Nabi muuase kuwii Beeniyay Fircoon Dadkiisii, Qoomkii Nabi Ibraahiim Beeniyay, Qoomkii Nabi Nuux Beeniyay, Qoomkii Nabi Huuh Beeniyay, Qoomkii Nabi Saalix Beeniyay, Qoomkii Nabi Luudh Beeniyay, Qoomkii Nabi Shuceyb Beeniyay, waxa ayna Suuradan Dadka ku Waanisaa in lagu Tusaale qaato Cadaabka ku Dhacay Qolooyinkaas Diiday Dacwadii Toowxiidka ee ay Nabyadooda u wadeen.

Waxaa kaloo Suuradaan laga Faa’iidaa Nabiyadu in ahayeen Dad Caadi ah, maxaa yeelay Suurrada waxa ay Tilmaantay Nabi Walba inuu Qolo ka Dhashay, laakiin waxa ay dadka Dheeraayeen inuu Allaah ku Karaameeyay Waxyi xagiisa kaga yimid, waxaa kaloo suuradaan laga Faa’iidaa in Nabiyada aysan Dacawada Gaarsiinteeda waxba kaga Dooneyn dadka ay Dacwada ugu yeerayeen, laakiin in ay Ula jeedadooda aheyd kaliya Gudashada Waajibka Rabi (CW).

Waxaa Xasuusin Mudan Nabiyadaas oo Dhan dacwadooda waxey aheyd Mid ku gaar ah Qoomkooda ama Qabiiloadooda, halka Dacwada Nabi Muxamad ay ka tahay Dacwo Caalamka oo Dhan ku Socota ha haado Carab ama cajam, Madow ma Cadaan, ha ku Noolaado Caalamka meel kastaba.

W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com
waxaa gacan ka geestay Hey’ada Soeg Info@soeg.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!