Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:20aad..Calinuur Xoogsade.

by admin | Tuesday, Aug 23, 2011

Suurada 70aad Al-Micraaj:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Micraaj oo ah Macno ahaan kor u fuulid, maadaama ay Suurada soo Hadal qaaday Malaaigta Samada Kor u Fuusha, waxaa kaloo Suuradan loo yaqaan Sa’ala oo ah kalimad ay ku Bilaabato Suurada.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 44Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaaqqah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilowga Qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Micraaj:

Suuradaan wax ay aad u faahfaahisaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada Islaamka Gaar ahaan waxey si gaar ah uga Hadshaa Qiyaamha iyo xaaladaha ka jiri Doono marka Meesha la tago, waxa ayna Suurada Dadka Xasuusisaa in Dadka Qaarna ku Hoogi Doonaan, Qaarna Maaliankaas Nicmo oo dhan Halkaas ka heli Doonaan.

Suuradaan waxa ay aad u Naqdisaa Dadka Beeniya Jiritaanka Maalinta Qiyaamaha ee Diidan in Geerida ka Dib ay Jirto Nolol kale iyo Xisaab, taasoo ay ka Dhalaneyso in Qof walba laga Abaal marin Doono wuxuu kasbaday intuu Aduunka Joogay.

Suurada 71aad Nuux:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Nuux oo ahaa Rasuulkii ugu horeeyay ee Diinta Toowxiidka ugu yeeray markii Aduunka uu ku Biloowday Shirki iyo Kufri.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Naxl ka dib, Musxafkana Juz ahaan waxey kaga Beegan tahay Bilooga Qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Nuux:

Hadii aan si Dul mara Taariikhda Nabi Nuux wax ka iraahdo, Nabi Nuux waxaa uu ahaa Nabi uu Allaah soo saaray xili ay dadkii waagaas joogay ay Taalooyin ay Caabudaan dhisteen ayagoo weyneynaya Dad ka horeeyay oo Diin ahaan wanaagsanaa Jaceyl loo haayay darted, markii uu Nabi Nuux u istaagay inuu ku waaniyo inay Allaah weyneeyaan Cibaadada ku gaar yeelaan waxa si gaar ah uga horyimid Duqoowdii iyo hogaankii Qabiilkiisa ayagoo u heesta in ay Xaq tahay Cibaadada Taalooyinka (sanamyada) waxaana Rumeeyay dadkii Masaakiinta u badnaa yagoo taasoo ku kaliftay Nabi Nuux inuu habeen iyo Maalin Sir iyo Jaharba u istaago siduu Xaqa u gaarsiin lahaa Dhamaan, waxaa uuna Dadaalka Dacwada u taagnaa 950 sano ayadoo aysan Qaadan dacwada dad badan.

Nabi nuux Markii uu Dacwada dadaal intaas la eg galiyay ayaa Allaah u waxyooday inaysan tolkiisa cid kale oo Rumeyn doontaa ku jirin lana faray inuu diyaariyo doon ay ku baxsadaan asaga iyo inta raacday saarana doontaas wax walba Lab iyo Dhedig, waxaana la halaagay Qoomkiisa Dhamaan marka laga reebo in yar oo Doontaas raacday.

Aragtida Muslimiinta iyo Ahlu Kitaabka ee ku Aaadan Nabi Nuux 

Nabi Nuux waxaa Quraanka kusoo arooray Amaan gaar ah inuu lahaa inuu iyo Dadaal aad u weyn waxaa uuna ka mid yahay 5 Nabi oo loo yaqaan Ulul Cazmi ah oo ah Horjoogayaasha Nabiyada aritaasoo muunjineysa Darajo ahaan iyo Sharafba halka uu ka joogo Nabi Nuux Dadka Muslimiinta ah, waxaa kaloo Nabiga ku faahfaahiyay fadliga Nabi Nuux Axaadiistiisa waxaa uuna ku tilmaamay inuu ahaa Nabi aad u Cibaado badan, hase yeeshee Ahlu kitaabka Masiixiyada iyo Yuhuuda waxaa Kitaabadooda ku qoran Nabi Nuux inuu xataa Khamri cabay oo uu ku Daroogoobay Cawradiisana qarsan wayay ayadoo mar dambe mid ka mid caruurtiisa u asturay, arintaas oo muujineysa Mowqifkooda ku aadan guud ahaan Nabiya iyo inaysan Xormad iyo Xushamadba u heyn taasoo ah Daliil cad in Kitaabada ay heestaan yihiin kuwa ay dad Gacmahooda ku qoreen maxaa yeelay illaaha ma dhihin mana soo dajin Kitaab sheegaya inuu Nabi Nuux Khamri Cabay!

Faaiidooyinka ku jira Qisada Nabi Nuux

Suuradaan waxa ay ka hadahashaa Asalada Caqiidada Islaamka, waxa ayna Suuradan si Faahfaahsan usoo Tabisaa Qisadii Nabi Nuux oo ahaa Nabigii ugu Dheeraa Xaga Zamanka uu Dacwada waday Dadaal weyna ku Bixiyay sidii ay Qoomkiisa Toowxiidka u Qaadan lahaayeen, wallow Dad yar uun Dacwo ahaan Ajiibeen, taasoo Macnaheedu yahay in Dadka Ducaada ah looga Baahan yahay in Dacwada waqti badan galiyaan, oo aysan ka Daalin Hadii laga Ajiibo iyo hadaanan laga Ajiibin, maxaa yeelay Gaarsiinta Dacwda waxa ay ka mid tahay Cibaadooyinka Alle (Cw) loogu Dhawaado Xataa hadaanan Qofna kaa Aqbalin.

Sidoo kalana Suurada Nuux waxa ay Dadka ku Baraarujineysaa Goobaha dacwda la gaarsiinayo iyo saacadaha dacwada laga Shaqeynayo iyo Nidaamka loo Gaarsiiyo Dacwada.

Nabu Nuux waxaa uu Sheegay in uu Dacwda Gaarsiinayay Qoomkiisa Habeen iyo Maalian arintaas oo Tuseysa Diinta Faafinteeda in Habeean iyo Maalinba loo Baahan yahay in laga Shaqeeyo, sidoo kalana Nabi Nuux waxaa uu Sheegay inuu Dacwada si sir ah iyo Iclaan ahba u Faafinayay, taasoo Macnahedy yahay in Dacwada looga Shaqeyn karo Qalabka Maanta Dunida yaal ee casriga sida Taleefoonada Webst-yada, TV-yada, Raadiyaha iyo Warbaahainta kala Duwan.

Suuradaan waxaa kaloo laga Faaiidaa in Dadka Marka Diinka laga hadlayo Dacwada looga Bilaabo in Allaah loogu yeero sida Nabi walbaba Caadada u aheyd inuu Dacwadiisa Toowxiidka ka Bilaabo.

Suuradana waxey Dadka ku Baraarujisaa in Dacwada Towxiidka hadii si xasan oo Dhab ah loo Qaato Miraheeda lagu arko Aduunka sida in Roob Fiican Beeruhu Helaan, Maal iyo Caruur badana in lagu helo, Abaarahuna Dhamanaayaan.

Suuradan waxey kaloo Nagu baraarujineysaa Dhibaatada Nabi Nuux ku gaartay Dacwada iyo sida ay Qoomkiisa uga Dhabar adeygeen in ay Xaqa Aqbalaan ayagoo ku kadsoonaa Cibaado ay u Sameyn Jireen Taalooyin ay u dhiseen Dad Saalixiin ahaan jiray ayagoo u heesta jid saxan in ay Cagta ku hayaan.

Waxaa kaloo Suuradan laga qaadanayaa in Waalidka loo Duceeyo Geeridooda ka dib sidaba Nabi Nuux uu ugu Duceyay labadiisa Waalid iyo Mumniinta oo dhan islamarkaana wuxuu Habaar weyn habaray kuwa Xaqa diiday ee ku Galoobay Diinta Towxiidka ee Shirkiga Diinka u yahay.

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

waxaa Gacan ka geestay Soeeg Info@soeeg.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!