Sideen U Fahamnaa Quraanka? Q:2aad.. Calinuur Xoogsade.

by admin | Monday, Aug 1, 2011

Sideen u Fahamnaa Quraanka?.Q:2aad
Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, isla markaana Umada ku Horumari karto….

Qur’aanka Kariimka ah waxaa uu ka kooban yahay 114 Suuradood waxaana loo kala qeybiyaa Juz ahaan 30 Juz, ayadoo Juz kastana uu ka kooban yahay laba Xizib, ayadoo uu halkii Xizibna ka koobmayo ilaa 4 Maqro, .. taas oo macnaheedu noqanayo in halkii Juz uu ka kooban yahay 8 Maqro.

Marka hadii aan Dul Istaagno Suuradaha ugu Sareeya Qur’aanka kuwaasoo uu ka bilaabanayo Juzka Koowaad ee Qur’aanka waxaan wax ka tilmaami doonaa Suuradaha Al-Al Faatixa iyo Al-Baqra si aay u Sahlanaato inaan Qur’aanka oo dhanba marba Suurad faahfaahino kooban ka bixino.

Suurada 1aad Al-Faatixa:
Sababta Suuradan loogu magac daray Al-Faatixa waa in ay tahay Suurada lagu Biloowday Kitaabka Qur’aanka ah, ama lagu Furfurtay.

Suurada waxa ay ka mid tahay Suuradihii soo dagtay 13kii Sano ee uu Nabiga Joogay Magaalada Makah, Xaga Cadadka Aayadahana waa 7 Aaayadood marka lagu daro tiro ahaan Bisinka, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Mudathir ka dib, waxeyna Suurada ku Bilaabataa Amaanta Allaah, Magaca (Allaah) waxaa ku Xusan hal mar kaliya.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Faatixa:
Suurada waxey ka hadashaa Asalka Diinka iyo Faraciisa oo ah: Caqiidada, Cibaadada, Shareecada, waxayna Xambaarsan tahay in la Rumeeyo Maalinta Qiyaamaha, in la Rumeeyo Allaah Tilmaamihiisa wanaagsan, iyo inuu Allaah kali ku yahay Cibaadada, Kaalmo weydiisiga, iyo Baryada, iyo waxyaalaha aysan awoodin cid aan Allaah aheyn oo dhan.

Waxaa kaloo Suurada tilmaameysaa in Allaah kaliya la weydiisto ku Hanuunka Jidka Xaqa ah ee Toosan, sidoo kalana in aad looga Baryo Allaah ku Toosnaanta Iimaanka iyo Jidka toosan ee ay Nabiyada, Sidiiqiinta, Shuhadada, iyo Saalixiinta Mareen, waayo jidkaad ayaa ah kan kaliya ee Maalinta Qimaaha ay badbadayaan kuwa mara.

Waxey kaloo Suuradan tilmaantaa in Allaah laga Magan galo Jidka ay Mareen kuwa loo Carooday ee ayagoo Cilmi yeeshay ka dib Allaah Caasiyay (Yuhuuda) sidoo kalana waxey Suuradaan in Allaah laga Magan galo Jidkii ay Mareen kuwii Dhumay (Nasaarada) ee Allaah ku Caabuday Cilmi la’aanta, arintaas oo Digniin u ah Qof kasta ee Caasinimo la yimaado asagoo Cilmi leh amase Cibaadeysta asagoon Cilmi u laheyn Cibaadada uu sameynayo.

Fadliga Suurada Al-Faatixa:
Imaamu Axmad [Alaha u Naxariistee] waxaa uu wariyaa Xadiis Macnihiisu yahay, Nabiga inuu yiri: {Waxaan ku Dhaartay Allaha Nafteyda Gacantiisa ku jirtee, Suuradaan Faatixada laguma soo dajin Toowreed, Injiil, Zabuur iyo Qur’aankaba mid la mid ah…}.

Waxaana Suuradan Fadli ugu Filan in aysan Salaad Qofna ka Ansaxeynin haduusan ku Aqrin Faatixada Rakco kasta, Nabigana waxa uu Xadiis Saxiix ah ku sheegay macno ahaan hadal ah: {Salaad uma jirto Ruuxaan Faatixada kitaabka aqrin}.

Waxaa kaloo Suuradan ay si gaar ah ugu Wanaagsan tahay in uu isku aqriyo ama lagu aqriyo Ruuxa Xanuunsan sida ay saxaabadu sameyn jireen, waayo Quraanaku waa waxa ugu wanaagsan ee lagu daaweeyo Cudurada llaabta ku dhca ama jirka ayadoo Faatixaduna tahay Suurada ugu weyn ee Daaweynta loo adeegsado.

Suurada 2aad Al-Baqara:
Suurada Al-Baqara waa Suurada ugu Dheer Qur’aanka, waxaana loogu Magac daray Al-Baqra si Muslimiinta u Xasuusnaadaan Darteed Mucjizadii Dhacday Xeligii Nabi Muuse, markii la dilay Nin Israa’iili ah lana garan waayay Cida ka dambeysay Dilkiisa oo ay Israa’iiliyiintu u tageen Nabi Muuse ayaga oo leh: manoo sheegi kartaa Cidda geysatay Dilka,.. ayaa Allaah Nabi Muuse waxaa uu u Waxyooday: in ay Neef Lo’ ah Goowracaan kuna Garaacaan Ruuxa Meydka ah Qeyb ka mid ah Neefkaas, waxaana dhacay in Ninkii markii lagu Garacaay uu soo Noolaaday Idinka Alle Dartiis isla markaana Sheegay Cidii Dishay, Marka Suuradan waxey Taariikhda ku Reebtay xasuustii Mucjizadaas oo Tusaale u ah in Marka la Geeriyoodo ka dib la soo Noolaanayo iyo aysan weliba soo Nooleynta Allaah ku Cusleyn, isla Suuradana waxaa ku jira Quraanka Guud ahaan gaar ahaan Suuradan Tusaalooyin Fara badan oo tusaya in Geerida ka dib aysan soo nooleynta ah wax Dhib ah Allaah ku aheyn, Sida Qisada Cuzeyr, Qisada kale ee kuwa Duulaan u socday uu Allaah Nafta ka qaaday hadana soo nooleeyay, iyo weliba Qisada Nabi Ibraahim oo ku jarjaray Shimbir asagoo Allaah ka baryay inuu Tusiyo sida uu Nooleynayo waxadhintay hortiisana kusoo nolaatay markaas ka dib.

Arintan waxay Naqdin ku tahay kuwa Nasaarada ah ee Mucjizadii Nabi Ciise uu Dadka dhintay Idinka Allaah ku nooleynayay darteed ku Caabuday Nabi Ciise, ayadoo weliba Kitaabada Nasaarada ay ku Qoran tahay Mucjizada Nooleynta Dad dhintay in lagu arkay Nabiyo fara badan iyo Xataa Nasaaradii Qaarkood ayay hadana ku Caabudeen nabi ciise oo gaarsiiyeen in ay yiraahdaan Waa Allaah iyo Inan uu Dhalay!.

Suurada waxey ka mid tahay Suuradaha Soo dagatay 10kii sano ee uu Nabiga Joogay Magaalada Madiina, ayadaheedana xaga tirada waa 286 Aayadood, waana Suuradii ugu horeysay ee kusoo dagatay Magaalada Madiina, waxaana ku jira Aayadii ugu dambeysay ee Quraaka ah, waxeyna ku Bilaabataa Xuruuf ka kooban Sadax, Magaca (Allaah) waxaa ku Xusan 100 jeer, waxaana ku jira Aayada Qur’aanka ugu Dheer Aayad ahaan, waa Aayada 282aad eeloo yaqaan Aayada Deynta, Suuradana waxey ka kooban tahay ilaa Laba Juz iyo Bar ku Dhawaad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Baqara:
Suuradan waa Suurada ugu Dheer Qur’aanka oo idil, waxeyna si aad ah uga Hadashaa Sharciga sida lagu yaqaan inta badan Suuradaha soo dagtay Xiliga Magaalada Madiinah la joogay, waxey aad uga hadashaa Sharciyada iyo Nidaamka ay Muslimiinta u baahan yihiin si ay Noloshooda u noqoto mid Nag hadey ahaan laheyd dhanka Amniga Dhaqaalaha iyo Xiriirka debada isla markaana waxay kobcisaa wacyiga Ruuxa Aqrista Macnaheedana Fahma.

Fadliga Suurada Al-Baqara:
Suuradan waxey leedahay Fadli aad u weyn sida uu sheegay Nabi Muxamad, waxaana Sunno ah in Guryaha lagu aqristo si ay u noqdaan kuwa Xuska Allaah aan ka marneyn marna, waxeyna u noqataa Xijaab Gurigii lagu aqriyo, waxaa kaloo Xasuusin mudan in ay Suuradan ay ku Dhex jirto Aayada Qur’aanka ugu weyn Aayad ahaan (Aayatul-Kursi), waxaana Sunna ah in Salaad kasta ka dib la aqristo Aayadaas iyo habeen walba Hurdada ka hor, taasoo ah Xersi Xirka Muslimka, sidoo kalana waxaa ku jira Suuradan Al-Baqara Sadax Aayadood oo ah kuwa ugu Dambeeya Suurada oo ay Sunno tahay Qofka Muslimka ah inuu aqristo intuusan Seexan ka hor.

W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com
Waxaana Gacan ka geestay Hey’ada samafalka Soeg Info@soeg.com  ama  www.Soeg.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!