Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:7aad..Calinuur Xoogsade.

by admin | Sunday, Aug 7, 2011

Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka,…

Suurada 10 aad Yuunus:
Suuradan waxaa loo yaqaan Yuunus, taasoo Xasuusin u ah Qisadii Nabi Yuunus, Qiasada Suuradan Sheegtay waa in Qolodii uu Dacwada Gaarsiiyay Nabi Yuunus, markii ay warkiisa diideen Cadaabkiina soo dagtay hadana laga Cafiyay oo Cadaabkii laga Badbaadiyay Markii ay Rumeeyeen Nabighooda Saacidihii ugu Dambeeyay, arintaas oo ah Galad iyo Ixsaan gaar ah oo uu Allaah ugu Nimceeyay Qoladii Nabi Yuunus.

Suuradan Yuunus waxaa ay ka mid tahay Suuradaha ku soo dagtay Magaalada Makah, marka laga reebo Aayadaha kala ah (40, 94,95,96) oo soo dagtay Markii Madiina loo Hijrooday ka dib, tiro ahaan Ayadaheedu waa 109 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-israa ka dib, waxeyna ku bilaabataa Xuruuf kala go’go’an, waxeyna Suuradaan ku Dhamaataa Fariin ah in ay Waajib ku tahay Dadka Raacida Xukunka Alle (Cw) Suuradan Yuunus waxey ku Beegan tahay Juz ahaan kan 11aad badnkiis.

Macnaha Guud ee Suurada Yuunus:
Suuradan waxey si u weyn wax uga Tilmaantaa Arkaanta Iimaanka sida Iimaanka Alle, Kan Rususha, kan Kututubta, iyo Soo Bixinta Maalinta Qiyaame si looga Abaar mariyo Cid walba waxii ay Kasbatay, waxeyna Dadka u tilmaantaa Guud ahaan Rumeynta Kutubadii Rabi soo dajiyay gaar ahaana Kitaabka Qur’aanka ah kaasoo ah Kii lagu soo Gabagabeeyay Risaalooyinka uu Ale Caalamka u soo dajiyay.

Waxaa ay Suuradaan Ducaada iyo Muslimiinta guud ahaan ku baraarujineysaa  in loo baahan yahay Dadaal badan in lagu bixiyo Dacwada sidii lagu faafin lahaa islamarkaana lagu Sabro dhibaatooyinka ka hor imaan kara ruuxa Dacwada Faafifanaya, waxay kaloo bartaa Ducaada aadbta Dacwada iyo Daaciga looga baahan yahay marka ay dad Dood iyo Xumaan kala hor yimaada…

Suurada 11aad Huud:
Suuradan waa Suurada 11aad marka loo eego Habka Musxafka Qur’aanka u Nidaamsan yahay, waxaana loogu Magac daray Nabi Huud oo ahaa Nabigii loo soo diray Qoomkii loo yaqaanay Reer Caad ee ku Kadsoomay Xooga Alle ugu Nimceeyay, Kibirkana ka gaaray in ay Yiraahdaan: Yaanaga Xoog badan?.
waxaana Awooda inta ay la eg tahay lagu Tusiyay in lagu Halaago Dabeylo Duufaan ah oo Cagta Mariyay ayagoo Dhan, marka laga reebo Koox yar oo Raacday Nabi Huud uun.
Suuradan waxey ka mid tahay Suuradaha Magaalada Maka intii aan laga Hijroon ku soo dagtay marka laga reebo Sadax Aaayadood oo kala ah: (17, 12, 114) kuwaasoo ah Aayado Magaalada Madiina Hijradii ka dib soo dagtay, Xaga tirada Aaayadaheduna waa 123 Aayadood, waxey soo dagatay Suurada Yuunus ka dib, Suuradan waxey ka mid tahay Suuradaha ku Biloowda Xuruufaha kala gogoan, Juz ahaana Musxafka waxey kaga Beegan tahay Juzka 12aad Biloowgiisa ilaa ku dhawaad Dhamaadka Juzkaas.

Macnaha Guud ee Suurada Huud:
Suuradan waxey aad ugu ban baxdaa Asalada Diinta Islaamka sida: Caqiidada Towxiidka, Risaalada Nabiyada, Soo Bixitaanka Geerida ka dib, iyo Abaal Marka Maalinta Qiyaame la Muteysanayo, waxeyna si Faahfaahsan u soo Ban dhigtaa Suuradan Qisooyinka Nabiyada si Rasuulka (SCW) iyo Muslimiinta ugu Sabarsiiso Dhibaatada ay Mari jireen Nabiyadii Hore iyo kuwii Raacayba, si ay ugu Dulqaataan Dhibaatada kaga Imaaneysay Mushrikiintii Makah, aygoo Naftooda barbardhigaya Dhibaatooyinkii Nabiyadii hore ku dhacday, waxeyna Suurada ku beegneed soo dagitaankeeda Xili Mushrikiintii Makah ay Dhibaatada ku Jibaareen Nabiga (Scw) ka dib Markii uu Geeriyooday Adeerkiis Abuu Dhaalib iyo Xaaskiisii Khadiija Binti Khuweylid.

Waxaana xasuusin mudan ka hadalka Reer Caad iyo Reer Thamuud waa arin uu la gaar yahay Kitaabka Quraanka oo sooma hadal qaadaan labadaas Qabiil iyo Nabiyadii Dacwada gaarsiisay, laakiin Quraanka kaliya ayaa ka hadla waxa ayna ahaayeen laba Qabiil oo Carab ah, Dhulalka ay ku noolaan jireena waa Jaziirada Carabta meelo ka mid ah, waxayna ku hadli jireen afka Carabiga.

Fadliga Suurada Huud:
Abuukar (Allaha ka raali Noqdee) ayaa Nabiga Maalin Suaalay asagoo leh: Maxaa Dhacay ood la Ciroowday Rasuulkii Alloow, waxaa uu ku Jawaabay Rasuulka: {Waxaa i Cireeeyay Suurada Huud iyo Walaalaheed Ciroobid ka hor}, arintaas macnaheedu waa in ay Suuradaan aad uga hadasho una tilmaanto Qimaaha iyo arimaha ku saabsan.

Suurada 12 Yuusuf:
Suuradaan waxaa lagu Magaacaa Yuusuf, maxa yeelay Biloowgeeda ilaa Dhamaadkeedaba waxey ka Sheekeysaa Nabi Yuusuf, waxaana Xasuusin Mudan Suuradan in ay kaga Duwan tahay Suuradaha kale ee Qur’aanka in Gebigeed ka Hadashay Qisada Hal Nabi kaliya, waxey kaloo Suuradan la gaar tahay in aanan Marna lagu Sheegin Dhexdeeda Magaca Janada iyo Naarta. .

Suuradan Yuusuf waxey soo Dagatay intii Magaalada Makah la joogay marka laga Reebo Aayadaha kala: (1,2,3,7.) oo ah Aayado kusoo Dagtay Magaalada Madiina, Tiro ahaana Suuradan waa 111 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Huud ka dib, waxey ku Bilaabtaa Xuruuf Go’go’an, Magaca Nabi Yuusuf waxaa lagu Xusay in ka badan 25 Jeer, waxa ayna kaga Beegan tahay Musxafka Dhamaadka Juzka 12aad iyo Biloowga Juzka 13aad.

Macnaha Guud ee Suurada Yuusuf:
Suuradaan waxey wax ka Sheegtaa Guud ahaan Qisooyinkii Nabiyada, waxeyna si gaar ah uga Sheekeysaa si Faahsan Nabi Yuusuf Taariikh Nololeedkiisii iyo Dhibaatooyinkii uu la kulamay laga Bilaabo tii ay u Geesteen Walaalihiis ilaa iyo Haweentii Boqorka iyo Xabsigii iyo Dhagartii ay la maageen Haweenkii Masar , waxeyna Suurada tilmaameysaa sidii uu Alle (Cw) u Badbaadiyay Nabi Yuusuf Dhibaatooyinkaas oo Dhan, arintaana waxey Samirsiin u aheyd Nabi Muxamad oo Murugo badan iyo Culeysyo ay kaga Imaanayeen Mid dhaw iyo mid Fogba.

Waxaa kaloo Suuradaan Tilmaan Wanaagsan ah in Nabi Yuusuf asagoo Nicmo Aduun oo dhan heysta hadana uu ku Duceysanayay Markii uu Alle Baryay: {Alloow waxaad i Siisay Xukun waxaadna i bartay Fasiraada Riyada, Allaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulkoow Adaa Gargaare ii ah Aduun iyo Aakhiraba ee i Oofso Anoo Muslin ah ina Haleeshii kuwa Suuban}.

Ducadaas waxaa ay Dadka Muslimiintaa ku baraarujineysaa Qiimaha weyn ee ay leedahay in Ruux uu Islaamnimo Alle ku Galadeesto ilaa uu kaga Dhinto asagoo Muslim ah iyo in Nicmada Islaamka aysan jirin Nimco lala Ekeysiin karo Nimco ahaan, waxaa kaloo ay Ducadaas muujinreysaa in Nabiyada oo Dhan ahaayeen Muslimiin oo ay Allaah kaliya u hogaansanaayeen, arintaas oo meesha ka saareysa in Rumeynta Saliibka tahay Jidka loo maro Janada, waayo Nabi Yuusuf iyo Aabayaashiis Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub waxay dhamaaantood ahaayeen Muslimiin, Islaamka ayayna Dadka ugu yeeri jireen Diinkooduna ahaa Caruurtoodana u dardaarmi jireen.

Suurada 13aad Al-Rracad:
Suuradaan waxaa loo Yaqaan Al-Rracad oo Macnaheedu yahay (Gugac), sababta loogu Magcaabayna waa in Dadka la Xasuusiyo Muuqaalka Koonka ka Jira ee yaabka badan, kaasoo Dadka ku Baraarujinaya Awooda Alle (Cw) weynideeda, Suuradaana waxey tustaa in Biyaha yihiin Maadada Nolosha, Allena waxaa uu ka soo Dajiyaa Saxaabka (Caadka), Saxaabkuna waxaa uu Alle (Cw) ka Dhex Abuuray Raxmad iyo Cadaab Dhexdood, waayo waxaa uu Sidaa Saxaabku Roob, isla Markaana waxa Sidaa Biriq, Taasoo Macnaheedu yahay in Biyuhu yihiin Maadada Nolosha, Biriqduna tahay Maado wax Halaagta, arintaas oo Muujineysa Awooda Alle (Cw) oo waxa uu Hal mar Meel isugu keenay laba Shey oo aan Marna Cid kale Meel isugu wada keeni Karin, labadaas oo ah(Biyo iyo Hilaac) waxaa uu meel isugu keenay Saxaab Biyo Wada, iyo Hilaac Dab ah.

Suuradan waxey soo Dagatay Markii Muslimiinta Madiina u Hijroodeen ka dib, tiro ahaana Ayadaheedu waa 43 Aayadood, waxeyna Soo Dagatay Suurada Mumaxamad ka dib, waxa ayna ku Bilaabataa Xuruuf kala Go’go’an, Juz ahaana waa Bartamaha Juzka 13aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Rracad:
Suuradaan Maadama ay kusoo Dagatay Magaalada Madiina waxa ay wax ka Tilmaantaa Waxaaid ahaansha Alle (Cw) ,soo Bixnta Geerida ka dib, iyo Abaal marka ka Dambeeya, waxa ayna Suuradaan si Faahfaahsan u Tilmaantaa Cilmiga Alle (Cw) inuu yahay Mid wax kasta Koobay oo aysan jirin wax ka qarsoomi kara, isla markaana waxey Naqdin ku sameyneysaa Shubahaadka ay Mushrikiinta Abuuraan ayagoo ku doonaya inay Xujo u raadsadaan Cibaadada loo sameeyo Cibaadooyinka qaladka ay sameeyaan.

Suuradaana waxay isbarbar dhigtaa Farqiga u Dhaxeeya kuwa Allaah kaliya u Aqoonsan Cibaadada ee Og Xaqimada Quraanka iyo kuwa Dhunsan ee Caabuda wax walba oo Naftooda u Qurxiso waxaana ay Suuradaan ku Tilmaantaa kuwa Hawadooda Caabuda indhoolayaan maadama ay arki waayeen xaqnimada Allaah iyo Quraankiisa kariimka ah.

W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com
waxaa gacan ka geestay Barnaamijkan Hey’ada samafalka Soeg info@soeg.comwaa nabad ramadaan karii

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!