Sii hayaha wasiirka arrimaha dibada oo ka qeyb-gallaya shirka midowgga Africa

by admin | Tuesday, Jan 27, 2015

Addis Ababa : HN :– Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Shirka caadiga ah ee Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada ku mideysan Ururka Midowga Afrika , wareegiisa 26aad , oo ka furmay Caasimadda Ethiopia oo loogu tala-galay in loogu gogol xaaro shir madaxeedka Madaxda iyo hogaamiyeyaasha Afrika ay isugu imaan doonaan Magaalada Addis Ababa maalmaha Jimcaha iyo Sabtida nagu soo fool leh.

Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika ayaa yeelanaya kulamo albaabada u xiran , waxa ayna ka doodi doonaan ajandayaal ay soo jeediyeen dowlado xubno ka ah Ururka , sida dowladda Masar oo soo jeedisay aas’aasidda Unugga taageera howlaha dhex-dhexaadinta iyo ka hortagga colaadaha iyo sidoo kale talo jeedinno kala duwan oo ka kala yimid wadamada Niger,Swaziland,Zambia,Cameroon iyo Chad.

Wasiiradu waxa ay falan-qeyn doonaan ka hortagga cudurka Ebola, qalalaasaha ammaan ee ka jira qaar ka mid ah wadamada Afrika ,la130 dagaalanka kooxaha Al shabaab,Alqaacida iyo Boko Haram.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu wadaa in Shirka uu khudbad ka jeediyo , oo uu ku xusayo horumarka siyaasadeed iyo midka ammaan ee ka dhaqan-galay Soomaaliya

Wasiir Bayle ayaa mudada shirka uu ka soconayo Addis Ababa,waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Danjirayaal.

Ugu dambeyn, wafdiga wasiirka arrimaha dibaddda ee Somalia oo xilka sii haya ayaa gaaray Addis Ababa shalay gellinkii dambe, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!