Sii hayaha wasiirka dhalinyarada oo ka warbixiyey is hortaag lagu sameeyey wasiiro

by Yahye | Friday, Dec 19, 2014

Muqdisho; HN;- Siihayah wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Dr. Khaalid Cumar Cali,ayaa ka hadlay go’aankii ka soo baxay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo Hanti dhowrka dalka kaasi oo ku aadanaa inaan wasiir xil haya dalka uusan ka bixi Karin ilaa iyo inta ay xilka ka wareejinayaan xilalka ay hayaan.

Dr Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay in go’aankaasi isaga uu si weyn u soo dhaweynayo,islamarkaana baaritaan lagu sameeyo dhamaan wasaaradaha kala duwan ee dowlada lana ogaado hadii ay jiraan wax isdaba marin ah inta wasaarada ay shaqeyneyso.Khaalid-Cumar-Cali

Siihayaha wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in wasiiro ka tirsan xukuumadii kalsoonida lagala noqday isku dayeen inay dalka ka ambabaxaan fasax la’aan,balse is hortaag lagu sameeya,isagoona arintaasi ku tilmaamay mid tilmaameysa hanaanka Dowladnimo.

Markii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida kala noqdeen xukuumadii uu hogaaminayay C/wali Sheikh Axmed ayaa durba waxaa amar si wada jir ah u soo saaray xafiisyada Hanti dhowrka iyo waliba xeer ilaaliyaha Qaranka

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!