Siilaanyo” dadka ka soo cararaya colaada Yaman waa soo dhaweyneynaa jisiyad kasta oo ay yihiin

by admin | Sunday, May 31, 2015

Berbera : HN: –Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo safar ku jooga degmada Berbera ayaa maanta booqday goobta ay degen yihiin qaxootiga ka soo cararay dalka yemen ee lagu hayo magaaladda Berbera.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo cid kasta ku booriyey inay qaxootigaasi wax lala qabto, isla markaana Ruux Waliba Deegaanka uu doonayo sidii loo gaarsiin lahaa, isagoo xusay in xukuumaddii ka qaybqaadan doonto in qaxootiga Soomaalidda ah mid walba la geeyo deegaankiisii.

“Aad iyo aad Baanu u soo dhaweynaynaa Qoxoontiga dalkayaga yimid ee kasoo Cararay dhibaatooyinka Yemen, waajib bay nagusil tahay oo waa xil na saaran, xil weyna waanu iska saaraynaa inaanu dadka qaxoontiga ah soo dhaweyno, oo u ambabixino guryahoodii wixii aanu u qaban karana u qabano, waxaanu kala hadhaynaana ma jiro, Allena ha inagu garab galo” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale, waxa warbixin madaxweynaha ka siiyey wasiirka Dib u dejinta Cali Raygal oo sheegay inay xaruntani uu madaxweynuhu booqday tahay meel lagu nasiyo marka dekadda ka soo degaan, isla markaana qof kasta la geeyo halka uu doonayo, isla markaana aanu ka Ambabixinno Somaliland Dadka Deegaannada kale ku Socda.

Wasiirka ayaa sheegay inay dhawr kun oo qof ka soo degeen dekadda Berbera mudaddii dagaalku ka socday dalka Yemen, kuwaas oo iskugu jiray Somali, Yemen iyo Itoobiyaan.

Dhinaca kale, wasiirka Warfaafinta Somaliland C/llaaahi Cukuse oo shirjaraa’id ku qabtay Berbera ayaa sheegay in sababta keentay hakadkii ku yimid dadkii saarnaa markabka ay sabab u tahay masuuliyiinta Soomaaliya oo uu sheegay inay siyaasadeeyeen Qaxootigaasi.

Wasiirka oo ka Hadlayey Sababtii ay markabka dushii ugu hakiyeen Qoxootigaasi muddo kooban ayaa yidhi “Tushuushkii yimid ee Qoxootiga (Qaxootigii Dekedda lagu Hakiyay) waxaa sababteeda leh masuuliyiinta Xamar jooga oo meel aanay xukumin sheegta, oo meel aan siyaasad laga dayin siyaasad ka dayeya ee yidhi qaxootiga shanta kun ee sadex kun oo ka mid ah Qaabilnay yiri Annagaa Dekedda Berbera u fasaxnay, inaguna Somaliland ahaan nimankaas oo qudha intaanu u jawaabno kama aamusin ee Cadhaddii waxay in yari kasoo gaadhay daqiiqaddo in la hakiyo, markab siday tiro yar oo qaxooti ah, balse wax dhibaato ah oo la gaadhsiiyey ma jirto”

Waxaanu intaas ku daray “nimanka xamar jooga waxaan leeyahay Qoxootigaasi daalan ha siyaasadaynina, Naftiina been ha u sheegina iyagana ha Carqaladaynina oo ha sheeganina dekaddo aydaan xukumin”

Booqashada Siilaanyo ayaa imaneysa xili dhawaan mas’uuliyiinta dekeda Berbera is hortaageen ku sameeyeen qaxooti ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ka soo cararay dalka Yaman kaddib markii loo diiday in ay ka soo degaan markab ay la socden.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!