Siilaanyo oo isku-shaandheyn ku sameeyay gollaha wasiirrada Soomaaliland

by admin | Saturday, Feb 28, 2015

Hargeysa : HN :–Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa wareegto uu ka soo saaray xafiiskiisa waxaa uu isku shaan-dheyn ku sameeyay xubnaha gollaha wasiirada, isaga oo siddoo kale xilalka ka qaaday wasiirro, taliyayaal ciidan iyo agaasimiyaal, kuwa cusubna magacaabay.

Aqriso liiska isku shaaneynta :

“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERMSiilaanyo_Somaliland_President/249-3002/022015 uu xilka qaadis, magacaabid, iyo isku bedel balaadhan ku sameeyey golaha wasiirada, w/kuxogeenada, Agaasimeyaasha guud qaar ka mida, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Hay’adaha Madaxa banaan.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madxweynaha.

Wasiiradda uu isku bedelka ku sameeyey iyo kuwo cusub waxay yihiin kuwan hoos ku qoran:

LIISKA WASIIRADA CUSUB IYO KUWA LA ISKU BEDELAY

  1. In Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/xanaanada Xoolaha)
  2. In Mudane, Cali Siciid Raygal, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/Dhalinyarada iyo Cayaaraha)
  3. In Mudane, Axmed Cabdi Kaahin, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
  4. In Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/Maaliyada)
  5. In Marwo, Samsam Cabdi Aaden, ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland (hore W/Waxbarashada)
  6. In Mudane, Baashe Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

LIISKA WASIIR KU XIGEENADA LA ISKU BEDELAY IYO KUWA CUSUB

  1. In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
  2. In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
  3. In Mudane, Cismaan Garaad Soofe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
  4. In Mudane, Xasan Daahir Dhimbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  5. In Mudane, Axmed Maxamed Nuur (Indha-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland
  6. In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland
  7. In Mudane, Cabdikariim Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
  8. In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
  9. In Mudane, Cali Maxamed Cilmi (Gadh-dheer), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
  10. In Mudane, Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland
  11. In Marwo, Shukri Xariir Ismaaciil, ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  12. In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
  13. In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  14. In Marwo, Nimco Xuseen Qawdhan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
  15. In Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland
  16. In Mudane, Jaamac Cabdilaahi Biin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland
  17. In Mudane, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
  18. In Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland
  19. In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland
  20. In Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

LIISKA TALIYEYAASHA CIIDADAMADA $ AGAASIMEYAASHA GUUD

  1. In General Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Taliyaha Asluubta)
  2. In General Maxamed Cismaan Xudhuun, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Jamhuuriyadda Somaliland
  3. In Mudane, Cabdi Xirsi Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland
  4. In Mudane, Mawliid Weris Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee JSL
  5. In Mudane, Maxamed Faarax Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland
  6. In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
  7. In Mudane, Xasan Aadan Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland
  8. In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland

LIISKA HAY’ADAHA MADAXA BANAAN

  1. In Mudane, Maxamed Mixiile Boqore, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland
  2. In Mudane, Siciid Xasan Cabdilaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL

LIISKA LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA JSL

  1. In Mudane, Cabdoo Axmed Aayir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda
  2. In Mudane, Maxamed Ibraahim Qabo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xisbiyada iyo Doorashooyinka

Xilka Qaadista Masuuliyiintii Hore

Waxaan aad idin kugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalkii aad qaranka u hayseen , masuuliyiinta aan xilalkaa u soo igmaday.

LIISKA XILKA QAADISTA

  1. Mudane, Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  2. Mudane, Xuseen Axmed Cabdille, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha
  3. Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle, Wasiiru-dawlihii hore ee W/Xanaanada Xoolaha JSL
  4. General, Axmed Aw Cismaan Cabdi, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Badda JSL
  5. Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Calas, Abbaanduulihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL
  6. Mudane, Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh), Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  7. Mudane, Nuux Sh. Muuse Ducaale, Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii u dambeeyey ayaa dadweynuhu hadal hayeen isku shaandheynta golaha wasiiradda, iyadoo xalay aan magaaladda xilliyo dambe la sugayey, maadaama oo madaxweynaha looga bartay in xiliyada dambe ee la kala seexdo inuu isu shaandheynta golihiisa ku sameeyo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!