Siilaanyo oo sheegay in ay diyaariyeen wax kasta oo muhiim u ah qabashada doorashada

by admin | Sunday, Jul 26, 2015

Hargeysa : HN :– Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hareygsa, ayaa markii ugu horeysay soo hadal qaaday muran siyaasadeedka ka taagan qabashada doorashada Soomaaliland oo ay siweyn xiisad uga dhax abuurtay xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhinacooda ay diyaariyeen wax kasta oo saami-karay in ay doorasho qabsoonto, isaga oo dib u dhaca ku eedeeyay gollaha wakiilada gaar ahaan guddoomiyaha gollaha C/raxmaan Cirro oo sidda uu sheegay laga sugayay xeerkii  lagu maamuli lahaa doorashada.

“Waxaan leeyahay annaga waan diyaarinay wax kasta oo ay doorasho ku qabsoomi laheyd, hadey ahaan laheyd dhaqaale, Xeerar, 640x427xDSC_0007.jpg.pagespeed.ic.B-XK0rJEV0Komishinkii maamulayay,dhamaan waana  diyaarinay, waxa kaliya harsani waa xeer oo laga sugayo gollaha wakiillada” ayuu yiri Siilaanyo.

Waxaa uu sheegay in wax micno ah laheyn hadallo iska daacayad ah oo xisbiyo iyo shaqsiyaad gaar ah warbaahinta sii mariyaa, isaga oo intaa ku darray in cid kasta oo rabta in ay dar-danto u diyaar-garoowdo doorashada.

Mar uu soo hadal qaaday in xukuumadiisu sharci ku fadhido iyo in kale maadaama waqtigii la idmaday uu ka dhamaaday waxaa uu yiri” xukuumada aan hogaamiyo waa sharci, sharci ayeey ku joogtaa halkan, waxa badali kara oo kaliya maamul si sharci ah lagu soo doortay.

Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay in aan cidna laga aqbali doonin wax uu ugu yeeray ammaan darro iyo qal qal galin siyaasadeed, isaga oo intaa raaciyay in ay tallo ka qaadi doonnaan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!