Sirdoonka Kenya oo sheegay in ay gacan ka geysteen duqeyntii lagu dillay sarkaalka ka tirsanaa Al-shabaab

by admin | Saturday, Mar 14, 2015

Muqdisho : HN :–War ka soo baxay sirdoonka dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in sirdoonka Kenya kaalin ku lahaayeen  duqeyn khamiistii lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Wargeyska Daily News oo soo xiganayay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Kenya oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in xogo badan is-dhaafsadeen Mareykanka iyo Sirdoonka Kenya oo ku saabsanaa macluumaadka ninka uu bartilmaameedka ahaa.

Diyaarada aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone ayaa galabnimadii khamiistii duqeysay baabuur uu la socday Sarkaal laguDrones magacaabayay Aadan Garaar, kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa raggii qorsheeyay weerarkii Suuqa Ganacsiga Westgate lagu qaaday bishii September ee sanadkii 2013.

Aadan Garaar ayaa lagu dilay kadib duqeyn lagu weeraray meel ku dhaw degmada Baardheere ee gobolka Gedo

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Waaxda difaaca Mareykanka oo lagu magacaabo Col. Steve Warren ayaa sheegay in weerarkan ay ku qaadeen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaa uu sheegay inay wali xaqiijinayaan natiijada duqeynta, dibna ay ka soo faah faahin doonaan.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones ayaa bilihii la soo dhaafay waxay duqeymo cirka ah ka geysanayeen Koofurta Soomaaliya, iyagoo bartilmaameedsaday saraakiisha Al-Shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!