Siyaasiga Cilmi Faarax Wabi iyo xubno uu horkacayo oo gaaray Beledweyne

by admin | Saturday, Apr 4, 2015

Beledweyne : HN :–Waxaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wafdi ballaaran oo uu horkacayay siyaasiga Cilmi Faarax Wabi.

Xubnaha wafdiga oo isugu jiray siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo waxgarad ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka gobolka iyo siyaasiyiintii horay ugu sii sugnaa magaalada.

Siyaasi Cilmi Faarax Wabi oo hadal kooban jeediyay ayaa cabiray dareenkiisa ku aadan imaashaha Beledweyne oo uu mudo dheer ka1 maqnaa, isagoo xusay in ujeedada socdaalkiisa isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo tahay ka qeyb-galka shirweynaha isugu jiray dib-u-hishiisiinta iyo waddatashiga ka furmaya Beledweyne.

Waxaa magaalada Beledweyne ka soconaya qaban-qaabo ballaaran oo loogu jiro qab-soomida shirweyne ay ka wadda qeyb-gali doonaan bulshada kala duwan ee ku wadda dhaqan gobolka, kaa oo la filayo in wajigiisa koowaad ay ku wadda-hadllaan beellahaku wadda dhaqan gobolka, laguna dhameeyo wixii khilaafaad ah ee jira, marka danbana loo gudbo wadda-tashi la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!