Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xassan oo la sii dayay

by admin | Friday, Oct 3, 2014

Muqdisho : HN ;– Guddoomiyaha xisbiga nabada iyo dumuquraadiyada dowladda Soomaaliya C/wali Sheekh Xassan ayaa dib xoriyadiisa u hellay kaddib markii maalintii shalay ay xabsiga dhigeen ciidammo ka tirsan kuwa nabad-sugida dowlada Soomaaliya oo ka qabtay garoonka diyaaradaha xili uu ka yimid magaalada Nairobi.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayuu sheegay in si shuruud la’aan lagu sii daayay, isla markaana uu u mahad celinayo mas’uuliyiintii ka qeyb qaadatay sii deyntiisa.

“Waxaan u mahad celinya dhamaan mas’uuliyiintii iyo intii ka qeyb qaadatay sii deynteed, wax shuruud ahna la iguma sii deyn”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

C/llaahi Sheekh Xasan oo labo maalmood ku xirnaa Godka Jilacow ayaa maalintii arbacadii laga qabtay garoonka diyaaradahaCabdulaahi-Sh-Xasan-7 Muqdisho, kadib markii uu ka yimid magaalada Nairobi.

Waxaa uu sheegay in lagu wargeliyay in 22-ka bishan uu hor-yimaado Maxkamada Gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu tago.

C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u dhaliisha dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dad badan oo falanqeeya siyaasada ay ku tilmaameen xarigiisa mid xadgudub ku ah xoriyatul qowlka iyo dimoqraadiyada.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!