Siyaasiyiin hore, xildhibaanno iyo saraakiil lagu dilay weerarkii hotelka Saxafi

by admin | Sunday, Nov 1, 2015

Muqdisho : HN :–Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerarkii ismiidaaminta ahaa ee saakay lagu qaaday hotelka Saxafi, ayaa sheegaya  in uu jiro khasaare ballaaran oo ka soo baxaya weerarka.

Xildhibaano katirsan Baralamaanka Soomaaliya, Saraakiil iyo Xubno Siyaasiyiin ah oo ku sugnaa Hotelka Saxafi ayaa lagu soo waramayaa in weerarkaasi ay kasoo gaareen dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaanada halkaasi ku dhintay uu ku jiro Xilhibaan Magaciisa lagu sheegay Abti Doon, breaking-280x175waxaa sidoo kale Warar aan la xaqiijin sheegayaan in weerarka uu ku dhintay abaanduulihii hore ee Ciidanka Milatari Jen. Dhagabadan waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay Jen. Gacma Duule oo katirsanaa Saraakiisha Ciidanka Milatariga.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Abtidoon oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Somalia, milkiilihii Hotel Saxafi, C/rashiid Shire Il-Qayte iyo abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan [Dhego-badan] iyo wariyeyaal ka tirsan idaacadaha Muqdisho
Weerarka waxaa sidoo kale ku dhintay Wariye Magaciisa lagu sheegay Mustaf Safaana oo katirsanaa Idaacada Shabeelle ee Magaalada Muqdisho , waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Sawair qaade katirsanaa Wakaalada Wararka reuters.

Xaalada Hotelka Saxafi ayaa wali ah mid kacsan ,waxaana wali aan soo dhamaan howlgalkii ay Ciidanka Nabad Sugida Qaranka ku galeen dhismaha Hotelkaasi inkastoo ay yartahay rasaasta hada laga dhax maqlayo dhismaha Hotelka.

Ugu danbeyntii khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Weerarka saakay lagu galay Dhismaha hotelka Saxafi ayaa laga yaabaa in ay sii kordhaan , waxaana dhismaha Hotelka ku dhax jira Meydad iyo dhaawacyo aan tiradooda la xaqiijin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!