Siyaasiyiinta gobolada W/qooyi oo war ka soo saaray doorashada xubnaha aqalka sare

by wadani | Friday, Dec 23, 2016

Muqdisho :HN :-Kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxay mowqif cad ka istaageen arrinta Aqalka sare ee saami qeybsiga beelaha waqooyi ama Somaliland, iyagoo sii cusleeyay khilaafkii iyo is qab qabsiga markii hore ka taagnaa xubnaha Aqalka sare.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey, Wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir, Wasiirka Warfaafinta Maareeye, Wasiirka Dekedaha Nuur Faarax, Wasiirka Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli iyo wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda Puntland.

Akhriso war-saxaafadeed :

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!