Siyaasiyiinta gobolka Gedo oo uu shir uga furmay Doolow

by admin | Friday, Aug 7, 2015

Doolow; HN;- Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo ee ku kala aragti duwanaa dhismaha Maamulka Jubbaland iyo masiirka gobolkaas ayaa waxaa shir uu uga furmay magaalada Dolow.

Dhanka Jubbaland shirkaan waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka xubnaha kale ee shirka fadhiya ay ahaayeen siyaasiyiin reer Gedo ah oo Jubbaland si adag uga soo horjeeday.

Labada dhinac oo laba daraf kala fadhiyay, ayaa ka wada dooday waxyaabaha ay isku hayaan iyo sidii ay halmeel isugu wada imaan lahaayen, si ay u dhistaan Maamul Goboleed ay ku wada qanacsan yihiin.

Shirka oo lagu qabtay geed hoostii, ayaa qaatay muddo dhowr saacadood oo xiriir ah, iyadoo labada dhinacna ay eedeymo isugu jeediyen, kuna wada kaftameen, waxayna isku waafaqayn in la helo Maamul Gobolada Jubbooyinka & Gedo matali kara.

Siyaasiyiinta ka soo horjeedo Maamulka Jubbaland, ayaa soo jeedisay in dib loo dhigo Doorashada Madaxtinimada Jubbaland, oo 15-ka bishan lagu wado inay ka qabsoonto Magaalada Kismaayo. In awoodda si cadaalad ah loo wada qaybsado, sidoo kalana Maamulka laga soo qaybgeliyo Beelaha Deegaanka qaarkood oo ku cabanaaya in laga qadiyay oo ay dibadda ka jooggaan Maamulka.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo isaguna ku sugan magaalada Doolow ayaan ka qeyb gelin kulankii hore, lamana oga inuu ka qeyb geli doono kulamada soo socda

Ma cadda waxa uu Axmed Madoobe kaga qaybgeli waayay shirkii maanta, sidoo kalana lama garanaayo in shirka berrito uu ka qaybgeli doono iyo in kale laakiin ujeedkiisa uu u tagey Gobolka Gedo waa inuu helo kalsoonida Siyaasiyiinta Gobolka Gedo.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!