Somaaliland oo sharuud ku xirtay wadda-hadallada ka furmaya Istanbul

by admin | Sunday, Mar 1, 2015

Stanbul : HN :–Wafdiga Soomaaliland uga qeyb-gallaya shirka la fillayo in uu maanta ka furmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa sharuud adag ku xirran ka qeyb-gallka shirka, madaama ay sidda ay sheegeen wafdiga dowladda Soomaaliya shirkaa ku matalaya ka mid yihiin wasiirro ka soo jeeda gobollada Waqooyi.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in wada hadaladan oo muddo soo socda, isla markaana ay rajeynayaan in kan maanta loo daa-daago arrimaha masiiriga ah.

“Wada hadalada muddo fara badan ayay socdeen, midkii u dambeeyay wuxuu ahaa 21-bishii December ee Madaxweynayaasha yoonis1Soomaaliya iyo Somaliland heshiiskii ay Jabuuti ku saxiixeen ee qodob ka mid ah dhigayay in arrimaha masiiriga laga hadlo”ayuu yiri Maxamed Biixi Yoonis.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in aanay aqbali doonin in dad ka soo jeeda Somaliland in shirka ay soo fariistaan, waxaana uu tilmaamay in hadii taas dhacdo ay shirka ka baxayaan sida uu yiri.

“Marna ma ogolaaneyno in dad reer Somaliland u dhashay inay shirka soo fariistaan”ayuu yiri Mr Biixi oo intaa ku daray in dhinacyada ay la hadlayaan ay yihiin dhinaca Koofur, balse ay diidan yihiin in dad deegaanadooda u dhashay in wada hadalada ay u matalaan dowladda Federaalka.

Wafdiga dowladda Soomaaliya u matalaya wada hadalada ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, halka ay xubno ka yihiin Wasiirada Warfaafinta Maareeye, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Jaamac Jengeli, Saciid Qoorshee iyo xubno kale.

Lama oga waxyaabaha ka soo bixi kara wada hadaladan maanta furmaya, iyadoo durba Somaliland ay shuruud ku xireyso bilowga wada hadalka ee ah in aan la fariisan doonin xubno ka tirsan Wafdiga dowladda ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!