Somaliyey Keya iyo Itobiya waa cadow qaranimadeena iyo dowladnimadeena

by admin | Wednesday, Nov 23, 2011

Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay,Naxariis iyo NabadgelyoSuubane Rasuulkeena(Muxamed CSW)Korkiisa,sharaf,karaamo,qiimo ummadeed, Xoriyad macaan iyo qaranimo qaali,ayaan darro iyo murugo joogto ah habka iyo xaalka Dalkeena Hooyo,gunimo iyo garasho xumo habka Somaalidu tahay iyo qabyaalad qiimeeynta,colaada,dagaaladda iyo kala fogaanshaha dhexdeena, Hoos joogida Dowlado kalle iyo qaadashada heeryadda gun-nimadda.
http://youtu.be/NeE9tBdcneE
 
nabad_jpgWaxaa la yaab iyo fajacba igu noqday marna aan qaadan kari waayeey u kala yaaca iyo u kala orodka iyo kala jecleeysiga Dowladaha deriskeena ah oo weliba dhul Somaaliyeed xoog ku heeysta(Hab Gumeeysi) qaran qabka,burburka,dagaaladda,colaada iyo guud ahaanba dhibaatadda Somaaliya ku faraxsan si weyna u raadinaaya ama u rabo in dhibku sii bato waqti dheerna qaato si eey mashruuca dhaqaalle oo magaca somaaliyeed eey ku qaataan u sii socdo,iyagoo weliba heeysta kuwo somaaliyeed oo durbaanka ugu tumaaya danahooda(Adeegayaal door
moodeey gumeeysiga iyo gun-nimadda)marka la eego wararka ama dhacdooyinka maalmahan iyo wajiyo cusub ama hab dhaqameedka soo kordhay oo ku soo biiray waxyaabihii dhibka iyo xanuunka weyn lahaa durbaan u tumida iyo diidmadda Kenya iyo madaxda Dowladeed oo labada gelin ee maalinta marba luqad ku hadlaaya lagana hayo(Haa iyo Maya-Maya iyo Haa) iyo in markii damme heshiis ogolaansho aan wax shuruud ah laheyn loogu Saxiixay Kenya taasoo oo dhulka Somaaliyeed ka dhigeeysa mid Itoobiya iyo Kenya ka yeelaan sidii eey doonaan ama aan oran karo hab gumeeysi farsamo cusub leh,Koonfurta Kenya,Bartamaha Itoobiya,Waqooyiga iyo dhanka Barigana Maamulo taabacsan ama eey ka taliyaan adeegayaal
amarka loo yeeriyo.

http://youtu.be/GFmpi3yGtLg
hadaba marka si caqliyeeysan loo eego xaaladaas murugadeeda leh iyo sawirkaas foosh xun oo guni-madda iyo gumeeysi ogolaansha ah iyo sida weli aqlabiyadda bulshadda Somaaliyeed u dhoohan yihiin kuna masquulsan yihiin qabyaalad,naceyb dhexdooda ah,dagaalo iyo colaad khasaaraheedii xad dhaaf noqday iyo hab kooxeed wajiyo qarsoon iyo fulinta siyaasado ama Qorshe shisheeye fulinaaya kaalina ka qaadanaaya sii dumiinta iyo sii dheereenta dhibaatada iyo murugadda taagan(ayaan darro)bal sharaf xumadda iyo daciifnimada somaaliyeed waxeey ku
murmaayaan oo doodo culus ku gelaayaan,shebekadaha TV-ga hab toos ah looga daawanaa iyagoo
qeylo,af-lagaado luqada liidata iyo adeegsiga ereyo ummada sii kala fogeeynaaya kana baxsan
hanaanka suuban ee Diinteena Islaamka toosoo eey ku helaayeen taageero hab qabyaaladeed ah
oo telefoonadda lagu soo wacaayo anigoo shakhsiyan u arka barnaamijyada TV-da Somaalida ka
baxa qaarkood kuwo fidno abuurid iyo belaayo ka shaqeeyn ah eeyna haboon tahay in dib looga
fiirsado barnaamijyadda noocaas ah,Kenya iyo Itoobiya waa labo cadoow ka faa’iideeysanaaya
xaaladda burburka iyo jaha-wareerka siyaasadeed oo ka jira Dalkeena hooyo cida u kala safan
labadaas waa u garasho xumo,damiir iyo dareenkii wadaniyadeed oo ka dhintay,waana gun-nimo
qaadasho toos ah,mana arko wax faa’iido ah oo eey soo wadaan Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Kenya midkoodna balse waa duulimaad cad oo lagu soo qaaday ciida hooyo.

http://youtu.be/dL_HkZ4r3lw

Kala doorashadda gunta Itoobiya iyo dhigeeda Kenya waa aragti foorarta iyo dadnimo xumo cad waana mid sii dhaawaceeysa murugo hor sii gelineeysa xaaladda jaha-wareer oo mudada 21-ka ah waana waji cusub oo dhaqanka dulinimadiisa leh ee qabyaaladu leedahay iyadoo daneeysi gaarka ah ama hab kooxeedka maslaxadda gaarka ah ku saleeysan lid ku ah danta guud iyo soo celinta qaranimadii qaaliga aheyd,maxaa loo waayeey in dhinac la isku raaco la duubto dawlada hada jirta lana dhiso ciidan qaran oo awoodiisa leh mudnaata loo siin waayeey helida hanaan ama ka shaqeeynta hab lagu raadiyo wadada hadal nabadeed somaalida dhexdooda ah inta garab iyo gaashaan laga raadsanaayo dowlado cadoow ah kaalin weyna ku leh dhibaatadda taagan,inta kuwaas loo sacab tumaayo amarkooda la raacaayo ama hogaaminta caqli xumo Mahiiga la hoos joogo iyo tallada liidata ee IGAD guul iyo dowladimo inaga dheer,gun-nimo iyo gumeeysi farsameeysan kama baxeeyno,Somaaliyoow Itoobiya Cadoow,Kenya Cadoow kala raacidooduna waa kala fogaansho iyo dhibaatada oo raagta rafaadkuna sii weeynaado cadoowguna ku sii naaxo kuna xoogsado dhaqaalaha lagu helaayo mashaariicda cusub ee Somaliya,kuwa kursi qiimo weyn u heeysta tuuray oo dhabarka ka tuuray karaamadii,maqaam qarameed iyo xoriyadii qaaliga aheyd(Somaliyeey sidan waa wax laga xumaado,laga gilgisho oo la diido maxaa helay damiir,dareenkii iyo qiiradii Wadaniyadeed-ayaan Darro,aayaan darro,ayaan darro.
 
 
-ALLOOW QARANIMO XAQA WAAFAQSAN-
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk.
-NOV-22-2011.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!