Soomaali lagu dhaawacay masjid ku yaala Zurich ee dalka Switzerland

by wadani | Tuesday, Dec 20, 2016

Switzerland :HN :-Seddex Qof oo Somali ah ayaa lagu dhaawacay Masjid ay dad badani ku tukanayeen oo ku yaala magaalada Zurikh ee dalka Switzerland ka dib markii nin hubaysani uu rasaas ood-da kaga qaaday dadkii halkaa ku suganaa oo ay Somalidu ku jiraan.

Gawaarida gar-gaarka deg- deg-ga ah iyo booliska magaalada ayaa soo gaaray goobta ay rasaastani ka dhacday oo ku dhow jid si weyn loo adeegsado ,iyadoo isla markiiba la bilaabay howl-galo lagu baadi goobayo ruuxa gaystay falkan toogashada ah.

“Toogashadu waxa ay ka dhacday gudaha qol lagu tukado oo ay ku sugnaayeen dhowr qof , waxaana dhaawac halis ahi uu gaaray laba kamid ah dadkii halkaa ku sugnaa “ ayuu mar kale yiri  Bisa oo tilmaamay in dadka cisbitaalka la geeyay ay da’doodu kal tahay 30, 35 iyo 36 sano.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira  Imaamkii masjidka oo lagu magacaabo Mustafe Cali Khalif iyo laba qof oo kale oo iyagana la sheegay in xaaladooda caafimaad ay aad u liidato ,waxaana xaruntan oo la furay shan sano ka hor  ay tahay goob ay  ku cibaadaystaan Afrikaanka Muhaajiriinta  ah kuwooda muslimiinta ah oo ay  ku jiraan Somalidu.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!