Soomaali lagu dilay dalka Mareykanka

by wadani | Friday, Dec 11, 2015

Seattle : HN :–Wararka ka imanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in labo wiil oo Soomaali ah ayaa todobaadkan gudihiisa siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Seattle.

Mid ka mid ah wiilasha la dilay oo 16 jir ah, laguna magacaabo Xamza Xasan Warsame ayaa la sheegay in dabaq dheer ah laga soo tuuray habeenimadii Axada.

Aabaha dhalay wiilkan oo lagu magacaabo Xasan Warsame oo la hadlay laanta afka Soomaaliya ee VOA ayaa sheegay in isagoo ku maqan shaqo lagu soo wargeliyay in wiilkiisa ka soo dhacay dhismo lix dabaq ah.

“Wiilkeyga asigoo guriga jooga ayaa uga tagay, markii aan shaqaThe_Cairo_Building_in_Washington_DCda aaday ayaa la isoo wacay oo la ii sheegay in wiilkeyga oo meyd ah uu Isbitaal yaalo, kana soo dhacay dhismo lix dabaq ah, illaa iyo hada cid wax noo sheegtay ma jirto iyo qaabkii wax u dhaceen”ayuu yiri Aabaha dhalay wiilka dabaqa laga soo tuurtay.

Wiilkan ayaa dhowaan ka aflixi rabay Dugsi sare uu dhiganayay, waxaana aabihii uu sheegay in wiilkiisa uu Quraanka Kariimka dhameyn rabay oo hal Suurad u dhineyd, isla markaana uu qorsheynayay inuu soo xajiyo.

Sidoo kale Wiil kale oo Soomaali 19-sano jir ah ayaa isna la sheegay in habeenkii xalay ahaa lagu dilay magaalada Seattle, wiilkan ayaa la sheegay inuu ku dhintay is rasaaseyn dhex martay kooxo burcad ah.

Sahra Bashiir Faarax oo Madax ka ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Seattle ayaa u sheegtay VOA-da in wiilkaas uu ku dhintay dhalinyaro is dagaaleysay, waxaana ay tilmaamtay in booliska ay ka sugayaan warbixin rasmi ah.

Waxaa ay sheegtay in maanta oo jimco ah a qaban qaabinayaan banaan bax weyn oo ay ka soo qeyb galayaan bulshada Soomaalida, isla markaana ay Booliska kaga dalbanayaan inay keenaan warbixinta dadka Soomaaliyeed lagu dilay Seattle.

“Aad iyo aad noo saameysay waa naxdin weyn oo aanan filaneyn, magaalada seattle soomaalida ku nool wey saameysay, berri banaan bax ayaa ka sameyneynaa, magaalada, dhalinyarada aad ayay u wada kaceen, walina booliska faah faahin nagama siin labada dhalinyarada ee todobaadkan la dilay’ayuu yiri Sahra Bashiir.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!