SOOMAALI WEYN. WA. Xasan Bulxan

by admin | Thursday, Apr 12, 2012

SOOMAALI WEYN.

Gabaygii Soomaaliweyn Siddeedaad oo ka mida Silsilada Sallaamaley

ASC ,Waxaan salaan ka bacdi walaalayaal waxaan halkaan idiinku ksoo gudbinayaa gabaygii aan ugu talagalay inaan kaga qayb galo Sil-siladaan cusub ee Sallaamaley, gabayga aan uga qayb galayo waxaa la dhahaa (Soomaali weyn), fikirkaygana wuxuu ku faah-faahsan yahay gabayga, waxaanse u mahadnaqayaa abwaanadii bilaabay iyo kuwa ka qayb qaadanayaba, waxaanan ka codsanayaa in laga ilaaliyo gabayada wixii xanafa oo dhibaata abuuri kara ummada kala geeyn kara . Gabaygiina waa kan:-

1. Siinleydan xiisaha leh ee, loo saldhigay maanta

2. Sil-siladaan bilowgeedu yahay, laba su’aaleedka

3. Ee sallaamaley loo bixiyayee, samaha goobaysa

4. Raggii seeska dhigay iyo midkii, sawd ka dhiibanaya

5. Salaan guud samaan iyo wanaag, sharaf ku sayn-saaban

6. Ubax suubban sibbaakh iyo udgoon, sarara geedaysan

7. Sucdi soo dhoweynliyo ducaan, siiyay idilkoode

8. Sababtuna waxay tahay murtida, sare uqaadkeede

9. Suugaanta gogol loo dhigiyo, waa sitaac wacane

 

10. Samadoonimiyo waa hufnaan, saxaya maandhaafe

11. Aniguna sidaan qabo ayaan, saafi oo dhihiye

12. Afeef baan suraayaa horteed, hadalkaan siideyne

13. Shaki saa’idaa iiga jira, sugid ammaankeede

14. Sixirkii qabiilkaan ka baqi, inay salooshaane

15. Qabyaalada sunteedaan ka baqi, inay ku saaqmaane

16. Safayn inay noqdaan baan ka baqi, caydu socotaaye

17. Aanooyin seexdaan ka baqi, sare utooskeede

18. Siyaasiin marxuumaan ka baqi, sixun tilmaankoode

19. Annagaa sidaasaan ka baqi, kaasi waa sidane

 

20. Haddiise seesku uu adag yahoo, aamin yahay seerku

21. Siday ila tahaan sheegayaa, sama ku baaqiiye

22. Sooyaalki hore iyo markaan, siiradii dhuganno

23. Xidid iyo sokeeyay ahayd, idilka soomaale

24. Saaxiib iyo walaal bay ahayd, kala sag-saagayne

25. Soddog iyo xigaal bay ahayd, la isa sooryayne

26. Seeddi iyo dumaashay lahayd, samo xurmayntiiye

27. Surmi adag dagaal bay lahayd, la isa seegaaye

28. Saamax iyo heshiis bay lahayd, laga samaadaaye

29. Suugaan iyo dhaqan bay lahayd, soo jireen adage

 

30. Hidde suubban iyo waxay lahayd, saajac geesiyehe

31. Saddexdii adduunyiyo farday, soofinahayeene

32. Xoolahaa sadkoodii ahaa, sulub la maalaaye

33. Suldaamiyo ugaasyay lahayd, laga sarriigtaaye

34. Wixii ay saxiixaan marnaba, lama santaagayne

35. Saancadaalihii yimid kufrigaa, keenay silicaane

36. Kala sooc dadkoo qaybibay, nagu sameeyeene

37. Colaad aan salguurayn bulshadi, madaxa loo saarye

38. Seer iyo xuduud iyo la-ood, surin ciriiryoone

39. Sabadii la wada daaqi jiray, laga saluumbeeye

 

40. Haddii gugu saraar iyo ka da’o, sool koriyo hawdka

41. Meeshii suluf ku yaalbaa halaha, saaca loo wadiye

42. Aanooyin soognaa lagaray, hebel su’aashiiye

43. Salfudaydka nimankii lahaa, sayre warankiiye

44. Cadaawuhu siduu doonayiyo, fuliye sawdkiiye

45. Dabadeed sidii ay ahayd, odayo loo saarye

46. Salli nabadda loo dhigay kolkaa, geedo lagu saafye

47. Sangayaal baruuroobay iyo , goolal la sadqeeye

48. Wadaaddada salliga qaadi iyo, culimo sooryaynta

49. La sargoo gartii oo nin lihi, qaaday saamiga e

 

50. Magtii soo baxdiyo qaybsigii, midigta lays-saarye

51. Godobreeb gabdhaha laysasii, saxan heshiiskiiye

52. Samaan iyo wanaag gabaya sida, sawdka lagu qaadye

53. Hayeeshee saqiir gawraciyo, silica noo muuqda

54. Sifaalaha casrigu keenay iyo, sebenka weeyaane

55. Soomaalidii horeetaa ka wacan, saaka saanahaye

56. Afartaa sifeeyaye mid kale, aan udhigo seeska

57. Sayniska iyo falagiyo angalo, samada guudkaane

58. Saxalkiyo mariiqaan khaldani, mooyi suu noqone

59. Sabar-dhuubniday naasagaal, nagu salaamayso

 

60. Agaalli cad sirtay qooli iyo, saban xumaadkeede

61. Majin siduu is lee yahay sinsaar, dirir maseexdeene

62. Xoorbaa sagoontiyay afqays, kana sad roonaaye

63. Galgaal wiil dhashaan saadinnaa, guul inuu sido e

64. Koxdin iyo garbaa nagu samaa, sabanka maantaahe

65. Sifaalaha qalloocdiyo waqtigu, waysa sugayaane

66. Soomaali weyn baa ka wacan, kala socdaalkiiye

67. Soohdima yar-yari naguma sama, siibad kala oode

68. Soo dhoweeya soomaaliland, samir ha qaateene

69. Sawdkiyo afkiyo dhaqanka guud, waysla soconaaye

 

70. Walaalkaa sarqaansani ka wacan, gaal ku saacidiye

71. Haku sayrin gacantee dulqaad, qaata saamaxa e

72. Cadaawuhu si guudbuu tabcada, noola sugayaaye

73. Intuu sibir kharaar igu hubsado, subag ku siinwaaye

74. Kala sooci maayee kufrigu, wayna sirayaaye

75. Sadbaan adiga kuu dhiibi buu, kugu sabaayaaye

76. Anigana sidoo kale ayuu, beenta ii sudhiye

77. Saxna maaha wuxuu sheegayiyo, sadaradiisaase

78. Surma-seegto wuxuu doonayaa, saabilaad dhagare

79. Saxariir dhibaatiyo mugduu, noo sallaxayaaye

 

80. Aqli saafiyaa lagu gartaa, sagatin laandeyre

81. Siiradiyo quraankiyo wacdigu, wadajir saaciidye

82. Tafaraaruq guul laga sugaan, soconin waaqeede

83. Dhammaantiin sidaatiin qabsada, saatir xarigiise

84. Sees adag udhiga dawlad weyn, nacab ha suuxeene

85. Ku sallaxa cadliga saami qayb, saxani waa guule.

 

beydka 70aad ayaan rabaa inaan sharraxo si aan dadku meelo kale ula aadin, walaalkaa sarqaansani kawacan gaal ku saacidiye, waxaan ula jeedaa reer waqooyow koonfuri hadday idinku xumaatay waa walaalihiin wax idiin dhaamana ma helaysaan, marka sidaas ayaan ula jeedaa.

Curiye:- Xasan Bulxan Cali (Bulxan)

Bulxan105@hotmail.com

Darwin, Australia.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!