Soomaalida Maanta: “Ninba Dahab lumay si u doon doon!” WQ: Cabdiraxiin H. Galayr

by Yahye | Wednesday, Jun 12, 2013

somali-mapUmadda Soomaaliyeed ayaa waxaa had iyo gooraale markay is beerlaxawsanayaan waxay sheegaan  dhawr arrimood oo kala ah; “Dad isku af ah, Isku diin ah, Isku dhaqan ah, Isku mid ah arrimahan hadda waqtiga la joogo markaad u dhabba gasho wax badan ayaa iska bedelay. “Maan tegay iyo Laf jabtey midna sidisii ma noqdo” waxaa hubaal ah inaysan Soomaali maanta intaa wadaagin ka dib burburkii dalka ku dhacay, inuu saamayn baaxadweyn leh ku yeeshay, dhinacyada bulshada, Dhaqan iyo dhaqaale  Af iyo Oolinba.

Dadka Soomaaliyeed waxay ahaayeen intii aanu iman Gumeystuhu dad xoola dhaqato iyo beeralay ah, sida taariikhyahanada Adduunka iyo Soomaaliduba sheegeen,waxaa jirtay inay Soomaalidu lahayd dagaalkii Axmed gurey ka hor Ilbaxnimo u gaar iyo xidhiidh ganacsi oo ay la wadaageen bulshada Adduunka ku dhaqan, haddaba, markii ay yimaadeen  dadyawga Carbeed dhulkeenna ayaa waxaa saamayn ku yeeshay Af Soomaaliga oo markaa badhax tirnaa Afka Carabiga, ka dibna markii ay dalka soo galeen Sayncaddaalayaashii Gumaysiga kala duwanaa ayaa sidoo kale qolo weliba waxay raad weyn ku reebtay deegaankii ay qabsatay ee gumaysanaysay, iyadoo Afku markii horeba ciirciirayo oo baxaadegayo markii la qoreyna aan la sugin oo saldhig adag loo samayn ayaa haddana waxaa dhacay aafooyinkii dagaalladii Jabhadaha iyo Rajiimkii Meleteriga ahaa iyo kuwii sokeeye.

Waxaa billowdey isbedelkii waxyaabihii Soomaalidu ku naaloon jirtey ee ay ka midka ahaayeen Afka, Dhaqanka , Hiddaha, Diinta, Muuqa IQB. Fili mayo inay jirtay cunto noo gaar ah oo aynu leenahay ama aynu adduunka kaga duwan nahay, waxaan aad ugu caan nahay “Cad iyo Caano” balse labadan umadaha adduunka oo dhan ayaa inala wadaaga.

1- Isku AF  maaha Soomaalidu Maanta: ugu yaraan nus Milyan Soomaali ah ayaan aqoon Afka Soomaaliga oo ku kala hadla, Carabi, Ingiriisi, Jarmal, Talyaani, Swedhish, Finish, Dhaj, Fransiis IQB. Waxaad arkaysaa Qoys Soomaaliyeed oo dhawr walaalo ah carruurtoodu haddii guri laysugu keeno aysan is fahmayn ee hooyooyinkood ama aabbayaashood u kala afcelshaan,  sidaa awgeed, isku Af maaha maanta Aqoon yahanka Soomaaliyeed Maya  Hal aqoonka Soomaaliyeed haddii uusan af qalaad wax ku falanqeynayn oo ku sheegayn wuxuu u arkaa inuu Af Soomaali wax ku gudbiyo arrin liidnimo ah iyo aqoonyari, waxaana  halku dhig u ah, “Af Soomaali maxaa kuu wehliya?” Barashada afafka kale maaha wax xun, balse, ujeedkeedu maaha inaad kaaga dayacdo.

2- Isku DIIN maaha Soomaalidu Maanta: oo haddii la dhihi jiray 100% umadda Soomaaliyeed waa Islaam maanta waxbaa ka bedelan, sababtoo ah, waxaan marag ka nahay inay jiraan dad gaaraya Kumannaan oo diimo kale qaatey, iyo kuwa aad u badan oo aan aqoonba u lahayn Diinta ka Islaam ah, waxaana  sababay duruufaha iyo dhibaatooyinka dalka ka dhacay.

3- Isku DHAQAN maaha Soomaalidu Maanta: haddii hore Soomaalidu ahayd dad ku dhaata, Marti soor, garsoor, gobonimo , haddii ay lahaayeen Biri mageydo iyo waxyaabo ay ka caaggan yihiin oo ay ka dhawrsato, haddey ceebsan jirtay, Calooshiisa u shaqayste, caadeqaate, iyo gumaysi raac, haddii ay Soomaalidu ahayd dad xalaal miirato ah oo xoogsada ama xoola dhaqato ah, haddii ay Soomaalidu ahayd, dad ballan leh oo wixii ay meel dhigtaan xeer iyo xukun aan ku xadgudbin, haddey Soomaalidu ahayd  dad xornimadeeda u dagaallama oo aan cadowga isu soo raacin, waxaas oo dhaqani maanta ma jiraan, ee waxaa lagu bedelay  waxyaabo ku lid ah oo ka soo horjeeda.

Dhinaca dhaqanka aad baa loogu kala tagay, Hu’ga iyo marashadii waxaa lala kala saftay  Carab iyo Reer galbeed, sababtuna waxay tahay waxay ilbaxnimo u qaateen dhaqan dad kale, koodiina waa ceebsadeen oo waa duugeen.

4- Isku MIDAB ah  maanta sidaan hore ugu soo sheegnay inay jiraan Rubuc Milyan Soomaali ah oo aan Af Soomaali aqoon, waxaa jira  intaa iyo ka badan oo aan lahayn midabka iyo muuqaalka Soomaalida, oo Jinsiyado kale dhaleen ama gabdho Soomaaliyeed ha dhalaan ama wiilal Soomaaliyeed ha dhalaane, oo aan dhaqan, midab, af iyo diin midna nala wadaagin, magaca Soomaaliyeedse sheegta ama lagu sheego!

Haddaan ujeedka qormadayda u soo dego, waxaa weeye horta yaa Soomaali ah? Maxaase lagu Soomaaliyoobi kara? Haddii intii Soomaalidu sheegan jirtey ay badhxantay, saw halkaa kama muuqato inaan ku sifoownay murtidii Abwaan Hadraawi ee maansadii “Sirta Nolosha”:

 

Qof saluugay maankiisa

Ama suufay muuqiisa

Ka sal kacay xaqiiqdiisa

Qabku saami ladha maaha

Nin sitaba badhbaa saaran

Nin ka sii sitaa jooga

Ragannimadda sooceeda

Adigoo sagaal buuxshay

Hal ku seegaybaa yaalla!

 

Soomaalidu maanta dad ahaan iyo deegaan ahaan midna isuma oggola, waxaana taas sababteeda leh, dadkeedii taladeeda iyo tanaadkeeda laga doonayey ayaa iyagu u taagan kala taggeeda iyo tuhun gelinteeda. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda: Nin Hooyadii ka guurey Habaryartii uma negaado”haddaba ninka Soomaaliga ee walaalkii ka ordaya garab iyo gaashaana ka dhiganaya nin cadawgiisa ah, saw maaha nin xero taraarey oo talo xumo la talax tegtay?.

Waxaad mooddaa in Soomaalida maanta xaalkeedu yahay “Ninba Dahab lumay si u doon doon” waxaa is bedelay wax walba, nin walbana waxaa qoorta u sudhan qumanihiisa, gartiisa iyo gardarradiisaba wuxuu u haystaa garbo iyo gargaarayaal. Halkudhiga raggii hore wuxuu ahaa: Ragannimadu waxay ku jirtaa meel aan dantaada gaar ahaaneed ku jirin. Halka ay Soomaalida maantana halku dhiggeedu yahay Ragannimadu waxay ku jirtaa meeshii dantaada gaar ahaaneed aad ka helayso” waxaa is bedelay gebi ahaan sawricii dhaqanka Soomaaliyeed, waxaa awal laga sarriigan jiray maanta waa lagu faana, wixii awal dadku ceebta u yaqaannayna maanata waa ammaan iyo horumar.

Waxaad maqlaysaa Hoggaamiye hebel waxaa wata qolo hebla ama waddan hebel ayuu ku tiirsan yahay, ama anaga koox hebla haddaan nahay waxaa nala socda waddan hebel oo na taageersan, waxaa na aqoonsan  Urur hebel iyo sheekooyin caqliga saliimka ahi diidayo, oo ka fog danaha umadeed iyo jiritaankeenna intaba. Wuxuu yidhi Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc:

 

Ingiriis iyo Talyaanaad sidii Nebi addeecdaane,

Idinna sida Aboorkiyo Tukaha yaysu aragtaane,

Wax Addoomo laydinka dhigay uumiyaa kale’e,

Hadba kii ajnabiyoo yimaad daba ordaysaane,

Ma aqbalo sharcigu xaalkanoo waa anfiyayaaye,

Miyaydaan aqoon diinta waad ku andacootaane?!

 

Xaaji Af-Qallooc ( AUN) 1946

 

Haddii kala fogaan dhacay  kala dhimasho yey iman! Dadka Soomaaliyeed maanta intooda badan waxaa hor boodaya dad aan dantooda wadin, dadweynuhuna waxaad mooddaa inay hurdo ku jiraan, iyaga oo la kala safan, haddii aanay bulshada Soomaaliyeed iyadu ka midoobin dhinacyada ay isku hayaana isu tanaasulin, waxay hadhoow gaadhaysaa inay taladu gacantooda ka baxdo inta yaree ku hadhay, ayna noqdaan madiidin loo taliyo oo hadba sidii la doono laga yeelo. Waxaan ku soo afjarayaa qormada Tuducyo ka mid aha Gabay aan tiriyey oo la yidhaahdo “Midnimo” waana sidan:

 

Mabda’baa wax lagu maamulaa, Maanintii saxane

Midigtuba awood muuqatiyo, Muruq ma keenteene

Haddaan bidix miciinkeeda noqon, Milif ma qaaddeene

Waa laba is mudanoo midnimo, Abid ka maarmeyne.

 

Ushaa laga mitaalayo kelida, Maleh awood weyne

Haddeyse midho bataan maalintaa, Liici mahayaane

Midabyada Dibidii lagu makalay, Maalin lagu leefey

Markii uu Libaaxii makriyey, Kalana meelaystay

Maskax li’i masuug kala galeey, Noqatay mawdkoode

Hadday maya yidhaahdaan marnaba, Lama muquunsheene.

 

Marinkoodii duulkii marana, Ma laha taariikhe

Maqsadkoodu wuu lumi haddaan, Mawlahood bixine

Soomaaliyeey maqal midnimo, Ma hurto weeyaane

Maabkeenu ceebuu noqdiyo, xarun ma yeedhaane

Dunidaa misaal laga dhigtaa, Muunad oo kale

Murankii dhacaba waxaan maqlaa, Magaca Soomaale

Maan laawayaaliyo xumaa, Nalagu Muujaaye

Milgahaan lahayniyo dadnimo, Muustey sharaftiiye

Magacii xornimo suulyayoo, Waa la moogyahaye

Inta nala makalay baa haddana, Nalagu maadtaaye

Masiirkeeni diidniyo midnimo, Qaranku muuqdaaye

Hadba doqon maqaarsaaraba, Maayad soo kicine

Minankaan lahayniyo dhulkii, Mawle nagu beerey

Marsadiyo dekadihii dalkaa, Muran ka joogaaye

 

“Gabaygii Midnimo November 2012”

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!