Soomaaliland oo ciidamadeeda heegan buuxa galisay

by wadani | Tuesday, Jan 3, 2017

Hargeysa : HN :- Soomaaliland oo heegan buuxa dhalisay ayaa heegan buuxa la gelisay ciidammadeeda guud ahaan , sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada booliska, iyadoo laga cabsi qabo isku dhacyo rabshado wata oo ka dhaca magaalooyinka Somaliland.

Saraakiisha ciidamadda booliska ayaa walaac ka muujinaya in shacabka Somaliland ay sameeyaan banaanbaxyo rabshado wata, maadaama shacabka ay la kala safteen xisbiyadda kala duwan ee ka jira deegaanada Somaliland.

Saraakiisha waxay sheegeen in heegan buuxa la geliyay ciidamada booliska, waxaana qorshaha uu yahay inay ka hortagaan isku dhacyada shacabka ka yimaada.

Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera ayaa ah magaalooyinka loogu cabsida badan yahay inay isku dhacyada ka dhacaan, sida saraakiisha booliska ay sheegeen.

Taliyaha ciidamada booliska Somaliland Cabdulaahi Fadal Iimaan, ayaa digniin u jeediyay dadka doonaya inay cadowtooyo ka dhex abuuraan shacabka deegaanada Somaliland.

Sidoo kale wuxuu digniin u jeediyay dadka warbaahinta isku dhaafsanaya hadalada kicin kara shacuurta shacabka Somaliland.

Ugu danbeyntii, Somaliland ayaa galaysa doorashada madaxtinimada, waxaana jira xiisad ka dhalatay dhibaatooyin loo geystay masuuliyiin ka tirsan xisbiyadda kala duwan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!