Soomaaliland oo dib u dhigtay waqtigii doorashada loo ballansanaa

by admin | Monday, Mar 9, 2015

Hargeysa : HN :– Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in guddiga doorashada Somaliland maanta shaaciyeen in dib loo dhigay doorashadii Somaliland ee dhici laheyd bisha 26-ka June, iyagoo sheegay in muddo sagaal bilood loogu diyaar garoobayo doorashada

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Somaliland Saciid Cali Muuse oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in diiwaanSiilaanyo_Somaliland_President gelinta codbixiyeyaasha ay bilaabaneyso bisha July dabayaaqadkeeda.

Guddiga doorashooyinka oo ay wehliyaan wakiilo ka socday saddexda Xisbi ee ka jira Somaliland sida UCID, Kulmiye iyo Wadani ayay si rasmi ah u sheegeen in howlaha diiwaan gelinta doorashada si rasmi ah loo dhameystiri doono muddo sagaal bilood ah.

Tani ayaa ka dhigan in Madaxweyne Siilaanyo uu sii heynayo xilka, iyadoo horay Xisbiyada mucaaradka inay ka digayeen in 26-ka bisha June ay dhici waayaan doorashooyinka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!