Soomaaliland oo is hortaaag ku sameysay dad ka soo cararay colaada dalka Yaman

by admin | Friday, May 29, 2015

Berbera : HN :– Maamulka Soomaaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay u diideen in ay ka soo degaan markab ay la socdeen qaxooti Soomaaliyeed oo ka soo cararay colaada ka taagan dalka Yaman.

Markabka ama doonida ay dadkan la socdeen ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay uguna tagay dekeda Berbere Maareeyaha dekeda.

Maamulka Berbera oo iyaguna soo gaaray Dekadda ayaa kormeeray dadkaas si ay u kala hubiyaan halka ay kasoo jeedaana deegaan ahaan, dadkaasi waxay u bateen kuwo kasoo jeeda Somaliland.

Waxaa meesha ka dhashay muran xoogan iyadoo dadkii loo diiday inay dagaan lagu amray inaysan cagta soo dhigi karin Berbera, yam_5iyadoo dadka qaarkood ay ku goodiyeen inay badda isku tuuri doonaan haddii loo diido inay dekedda ka dagaan.

Haddaba haweenkii saarnaa markabka oo caruur ay ka xanuunsanayeen ayaa ku qayliyay  inaan la kala takoorin dadka Soomaaliyeed, waxayna sheegeen inay iyaga iyo carruurtooda badda isku shubayaan haddii markabka laga dajin waayo.

Ugu dambeyn, muran iyo xanibaad dheer kaddib waxay wasiirrada maamulka Somaliland ogolaadeen in dadkaas laga soo dajiyo Markabka, inkastoo aan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!