Soomaaliland oo joojisay qaabilaada qaxootiga Soomaalida ah ee ka soo cararaya Yaman

by admin | Sunday, May 24, 2015

Hargeysa : HN :–Soomaliland ayaa sheegtay in ay joojisay qaabilaada qaxootiga Soomaalida ee ka soo cararaya colaada dalka Yemen, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Dekeda Berbera ka degayeen dooni sida qaxooti fara badan oo Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay joojinayaan qaxootiga Soomaalida ee ka imaanaya Yemen, isagoo xusay inay Hey’addihii sama falka ay ka waayeen wax taakuleyn, sidaas darteed ay culeys dhaqaale iyo mid amni ku tahay qaxootiga.

“Somaliland waxay balan qaaday inay soo dhoweyso dadka qaxootiga jisiyad kasta ha lahaadeene, dekedana u furnay markii dagaalkawarancadde Yemen uu dhacay, anaga iyo QM iyo hay’adaha sama-falka waxaa isku afgaranay in aan anagana keeno dhulkii iyo meelaha la dejin lahaa, iyagana quudinta iyo taakuleyntooda, waxay nagu yiraahdeen kuwa Soomaalida ah waxba uma qabaneyno”ayuu yiri Cali Waran-Cadde oo xusay in hey’adaha ay dadka kale ee Yemeniyiinta iyo kuwa kale ay u ogol yihiin deeqaha bani’aadanimo.

Mr Waran-Cadde ayaa intaa ku daray inay hay’adaha diyaar u yihiin in dadka ajnabiga ay gar gaar siiyaan, hase yeeshee Soomaalida aanay u ogoleyn, sidaas darteed ay iyagu baaqan u soo saareen.

Dhinaca kale waxaa uu tilmaamay in wixii kale ee u dhashay Somaliland ee Yemen ka imaanaya ay kafaala qaadayaan, isla markaana ay dib u fureen xafiiska Somaliland u qaabilsan Yemen.

Hadalkan ka soo yeeray Maamulka Somaliland ayaa waxaa uu culeys weyn ku yahay qul qulka dadka Soomaalida ee ka soo cararaya dagaalada Yemen, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay Doomo sida boqolaal qaxooti ah ay ku soo xiranayeen Dekedaha Boosaaso iyo Berbera.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!