Soomaaliland oo ka soo horjeesatay qodobadii ka soo baxay shirkii wadda-tashiga Qaran

by admin | Wednesday, Oct 21, 2015

Hargeysa : HN :–Maamulka Soomaaliland ayaa iska fogeysey inay ka qayb-galeyso tallo aruurinta lugu doonayo in laga dhex helo doorashada dalka ka dhaceysa marka la gaaro sannadka 2016 nooca ay noqoneysa iyo qabka loo dhigi doono.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliland,Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxuu sheegay dhammaan qodobbadii ka soo baxay shirka wada-tashiga qaranka ee Muqdisho inaysan quseeyn.

Waxuu si gaar ah uga jawaabeyay hadal shalay ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,kaa soo ahaa in madasha wada-tashiga qaran ee aayaha Soomaaliya ka mid noqon doonaan xubno matala Soomaaliland.

Maxamed_Biixi_Yoonis_Wasiirka_Dibada_SomalilandBiixi ayaa sheegay Soomaaliland inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya,taasin ay ka dhigeyso inaysan ka qayb-galin wada-tashiyadda lugu raadinayo doorasho ka dhacda dalka.

“Warka ka soo baxay Muqdisho waxba kama jiraan,Soomaaliland-na waa dal madaxbanaan oo muddo 25 sanno ah ka maqnayd oo aan shaqo ku lahayn dalkaas Soomaaliya, labada wadan ee Soomaaliland iyo Soomaaliya waxaa u socda wada-hadal ku saabsan sidii ay u kala tagi lahaayeen,”ayuu yiri Wasiir Biixi.

Qodobadii shalay ka soo baxay shirka wada-tashiga qaran ee aayaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa in madasha ay qeyb ka noqon doonaan xubno ka socda maamulka Soomaaliland,inkastoo Soomaaliland ay ka hortimid hadalkaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!