Soomaaliland oo rajo ka muujisay in ay dib u bilaawdeen wadda hadalladii kala dhaxeeya DF

by admin | Thursday, May 28, 2015

Hargeysa : HN :–Wasiirka arrimaha dibada maamulka Somaliland Max’ed Biixi Yoonis ayaa rajo ka muujiyay in ay dib loo  bilaabo wadahadalada u dhexeeya maamulka Somaliland iyo dowlada federalka.

Wasiirka oo u waramayay wakaalada wararka ee Reuters isagoo ku sugan magaalada Abidjan ayaa sheegay in uu rajeynayo in bilaha soo socda dib loo  bilaabi doono wadahadaladii burburay ee u dhexeeyay maamulka Somaliland iyo dowlada federalka.

Maamulka Somaliland ayaa u muuqda in uu saluugsan yahay dhex-dhexaadinta dowlada Turkiga maadama Turkigu uu xiriir wanaagsan la leeyahay dowlada federalka mashaariic horumarineedna uu ka wado dalka Soomaaliya.

“Markii ugu horeysay ee aan wadahadalada bilownay waxa qeyb ka ahaa wadamada Norway iyo United Kingdom iyo ururka MidowgaBiixi Yurub, haddaba waxaan ka codsanaynaa wadamadaas inay mar kale ka soo qeybgalaan wadahadalada ayna ka dhexdhexaadinta qeyb ka noqdaan.”

Sidoo kale Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in dhamaadka sanadkan ay keeni doonaan dekeda Berbera shirado caalami ah oo dib u dhis ku sameeyo dekeda isla markaana qeyb ka noqda howlaha socodsiinta dekeda.

Wasiirka ayaa sheegay in ay wadahadlo kula jiraan saddex shirkadood oo wadamada Faransiiska, Switzerland iyo Imaaraadka Carabta laga leeyahay. Maamulka Somaliland oo sheegay in uu ka go’ay dalka Soomaaliya intiisa kale ayaan weli helin wax aqoonsi ah waxaana dib u dhac uu ku yimid kulan ka dhacay dalka Turkiga kadib markii maamulka Somaliland uu diiday in ay horfariisteen wasiiradii ay dowlada Federalka u direen in ay shirkaas ugaag qeyb-galaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!