Soomaaliland oo sheegtay in aysan mar danbe la fariisan doonin dowladda federaalka

by admin | Wednesday, Mar 18, 2015

Hargeysa : HN :–Max’ed Biixi Yoonis wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada ayaa manta warbaahinta ugu sheegay magaalada Hargeysa inaanay mar dambe hor-fariisan doonin dowladda Soomaaliya.

Wasiirrka ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya mas’uuliyadda burburkii wada-hadalladii labada dhinac ku dhexmari lahaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

“Somaliland waxaa ka go’an inaanay marna la fariisan doonin Somalia , iyadoo aan la dhex-gelin. Anigoo hoggaaminaya shan wasiir aanBiixi tagnay maaalada Nairobi ee Kenya, Beesha Caalamka ayaana u sheegnay in burburkaas ay ka mas’uul tahay dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Biixi oo la hadlay BBC-da.

Biixi ayaa sidoo kale sheegay in xitaa ay diyaar u yihiin urur-goboleedka IGAD ay dhex-dhexaadiso, isagoo xusay in dowladda Itoobiya ay sidoo kale kala hadleen arrintan.

“Si deg-deg ah waxaa u codsanaynaa in arrinta Somaliland iyo Soomaaliya uga soo qayb-gasho Beesha Caalamka,” ayuu mar kale yiri Biixi oo intaa ku daray in marna aanay ogolaanayn in dad u dhashay Somaliland ay la fariistaan dhinacooda.

Inkastoo wadahadaladii hore u dhex-maray labada dhinac ay dalalka Jabuuti iyo Turkiga gar-wadeen ka ahaayeen dhowr jeerna lagu qabtay labadaas waddan.

Ugu dabeyn, lama oga hadalkan kasoo yeeray Somaliland wuxuu cuskan yahay, iyadoo horay dowladda Somalia ay ku eedeysay Somaliland ay diiday inay soo hor-fariistaan waf-digii dowladda matalayay wada hadaladii bur buray ee Istanbul.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!