Soomaaliland oo sheegtay in aysan shaqo ku laheyn doorashada Soomaaliya

by wadani | Sunday, Dec 4, 2016

Hargeysa : HN :-Maamul gobolleedka Soomaaliland ayaa sheegtay in wax masuuliyiin ah aysan uga qeybgaleyn doorashada Soomaaliya.

Xukuumada jamhuuriyada goonida isu taagtay ee la magac baxday Somaliland ayaa sheegtay in Somaliland ay tahay dal gaar ah isla markaana aysan ka tirsanayn Soomaaliya sidaana aysan uga qeyb qaadaneyn doorashada Soomaaliya.

Waxay intaa ku dartay in dadka kasoo jeeda Somaliland ee Soomaaliya ka qeyb qaadanaya doorashadeeda aysan ahayn kuwo matala Somaliland balse iskood uga qeyb galaya doorashadaa.

Jamhuuriyada goonida isu taagtay ee la magac baxday Somaliland ayaa shaacisay inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991 kadib markii la afgambiyay dawladii kacaanka ee militariga ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!