Soomaalind oo ka laabatay go’aankii ay isku hortaagtay qaxootiga Soomaaliyda Yaman

by admin | Saturday, May 30, 2015

Hargeysa : HN :–Soomaaliland ayaa maanta fasaxday inay dadka qaxootiga ee ka soo cararaya dagaalka ka socda dalka Yemen iman karaan Somaliland, ka dib markii ay hore u joojisay inay qaabishi qaxootiga Soomaalida ee ka imanaya Yemen.

Mas’uuuliyiinta oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka dib u dejinta, Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka iyo wasiir ku xigeenka arrimaha bulshadda iyo shaqadda.

Wasiirka dib u dajinta Somaliland, Cali Raygal ayaa isna sheegay inay dib u fasaxeen inay qaxootigaasi iman karaan magaalad Berbera, waran-cadeisla markaana waraaqo uga timid hay’adaha qaxootiga qaabilsan u ballanqaadeen inay dadkaasi gaadhsiin doonaan deegaanadoodda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran Cadde ayaa sheegay inay dib u furtay inay dekada Berbera ka soo degaan qaxootiga Soomaalida ah ka soo qaxaya Yemen, waxaanu xusay inay sidaasi isku afgarteen hay’adaha Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR iyo IOM, kuwaas oo ballanqaaday inay u rari doonaan qoys waliba deegaankiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Dadweynaha Reer Somaliland ayaa intooda badan ka Xumaadeen markab ay saarnaayeen dad maati ah oo ka soo cararay Dagaalka Yemen oo muddo lagu hayey markab dushii, taas oo dadweynuhu aad uga xumaadeen.

Shacabka Somaliland ayaa goobaha dadweynuhu ku Kulmaan ku Hadal hayey Dadkaasi markabka dushii lagu hayey ee ka soo cararay Dagaalka Yemen, iyagoo Xukuumadda ku dhaliilay in dad masaakiin ah diido inay wadanka soo galaan.

Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin oo ka mid ah Salaadiinta Reer Somaliland ayaa ka Damqaday Dhibaatooyinka dadka Qaxootiga Somalia ee dagaallada Yemen kasoo cararaya ee caqabadda kala kulmay Dekadda Berbera marka ay soo gaadhan.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah Cuqaasha Reer Berbera iyo dadka shacabkaba waxay go’aanka xukuumaddi ku joojinaysay qaxootiga ku tilmaameen mid khalad ah oo bani’aadanimadda ka baxsan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!