Soomaaliya oo lagu sheegay wadanka ugu liita oo ay ku noolaan karaan hooyo iyo caruurteeda

by admin | Wednesday, May 6, 2015

Nairobi  : HN :–Daraasad ayaa lagu ogaaday in Soomaaliya aysan ku wanaagsaneyn nolasha carruurta iyo hooyada, kaddib markii ay arrintan warbixin ka soo saartay hay’adda Save the Children.

Save the Children waxaa ay ku sheegtay dalalka ugu wanaagsan ee hooyooyinka ku noolan karaan in ay yihiin Norway, Finland, Iceland, Denmark iyo Sweden halka wadamada ugu xun ee ay hooyada ku noolaan karto ay kala yihiin Somalia, Democratic Republic of the Congo, The Central African Republic, Mali iyo Niger

Warbixin ay soo saartay Save the Children ayaa waxaa ay ku sheegtay dalka Norway in uu yahay dalka ugu wanaagsan ee hooyo ay kuHooyo_Soomaaliyeed_Sheeko_Keydmedia-620x330 noolaato halka dalka Soomaaliyana uu yahay dalka ugu xun ee ay hooyo ku noolaan karto.

Qiimeyntan ayaa waxa uu dalka Maraykanka ka galay kaalinta 33aad iyadoo labo derejo uu Maraykanku hoos ugu soo dhacay qiimeyntii sanadkii hore la sameeyay halka dalka Soomaaliyana markii labaad uu liiska ka galay kaalinta ugu hooseysa 176 dal oo qiimeyntan lagu sameeyay.

Hay’ada Save the Children ayaa qiimeynta ay sameysay waxa ay ku salaysay shan arrimood oo kala ah heerka dhimashada hooyada,xaalada nolosha carruurta ee shanta sano ka yar, waxbarashada carruurta,heerka dhaqaalaha oo lagu xirey daqliga soo gala hooyada iyo dhinaca siyaasada oo ah ka qeybgalka haweenka ee dowlada.

Is bar-bardhig lagu sameeyay dalka ugu wanaagsan ee hooyada ku nooshahay ee Norway iyo dalka ugu xun ee hooyada ku nooshahay ayaa waxaa warbixinta lagu sheegay in carruurta ku nool Norway ee da’adoodu ka yar tahay 5ta sano heerkooda dhimashada ay tahay 0.3% halka dalka Soomaaliyana ay ka tahay 15%.

“Save the Children ayaa rumeysan in hooyada ku nool Somalia ama Maraykanka ay u qalmaan inay helaan fursadaha ay haysato hooyada ku nool dalka Norway.”

Soomaaliya ma jiraan hay’addo caawiya hooyada iyo dhalaanka,waxaana dhacda in la arko hooyo umul raacday,kaddib dabiib caafimaad oo ay waydan,arrimahan oo dhanna waxaa sabab looga dhigo karaa dowlad la’aanta ka jirta dalka.

Hiiraan Net.

___

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!