Soomaaliya oo rabta in caalamku ka cafiyo deynta lagu leeyahay

by admin | Tuesday, Aug 18, 2015

Muqdisho : HN :–Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu socdo qorshe lugu doonayo in laga cafiyo deymihii lugu lahaa,waxaana ay arrintan la kaashaneysa hay’adda lacagta adduunka ee IMF,sida waxaa sheegay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya,Maxamed Aadan Fargeyte.

“Annaga (Soomaaliya) waxaa la inagu leeyahay deymo gaaraya 5.4 Bilyan oo doollar oo la qaatay xilligii dowladdii hore, dulsaar badanafargeet uu koray, waxaan u baahannahay deymahaas in la inaga cafiyo” ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in hay’adda IMF ay kala shaqeyneyso arrintaas haddii ay dowladdu marto hannaanka lagu gaaro in dal laga cafiyo deymo lagu leeyahay.

Sidoo kale IMF ayaa dowladda Soomaaliya kala shaqeyneysa in la xoojiyo qiimaha shilinka Soomaaliga oo muddooyinkii la soo dhaafay tayo ahaan iyo qiimo ahaanba hoos u dhac ku yimid.

“Waxyaabaha kale ee ay IMF naga saacidayso waxaa ka mid ah dib u qaabeynta shilinka Soomaaliga iyo horumarinta Bangiga Dhexe iyo hannaanka maaliyadeed ee dalka” ayuu yiri mudane Fargeete oo hadal ka jeediyay mudaneyaasha baarlamaanka.

Xukuumadda ayaa sanadihii la soo dhaafay ku howlanayd hagaajinta hannaanka maaliyadeed ee dalka iyo horumarinta kaabeyasha shaqaalaha, ayadoo la kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta iyo dowlado kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!