Soomaaliya silac baa ka dhacay, waa maanso uu Diyaariyay Mid ka mid ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed‏

by Yahye | Monday, Mar 12, 2012

Maansadan gaaban oo layiraahdo SOOMAALIYA SILC BAA KA DHACAY waxaa soo saaray Cabdul casiis Axmed Barrow oo kamid ah  suxufiyiinta Qurbe joogta Soomaalida ah oo ku sugan wadaka K/afrika , wariye barrow oo maalmahii danbe soo saarayay maansooyin wadani ah ,  waxa uu tixdaan ku soo bandhigayaa dhibaatooyinka dalka ka jira iyo dagaalada raja beelka ku rida shacabka daalan oo u baahan , Nabad iyo Daganaasho , maansadana waxey ku bilaabaneysaa sida tan

Soomaaliya silac baa ka dhacay
Sun baa lagu daadiyaaa
Saqiir iyo hooyadiis
Sami hurdo kuma ladaan
Siyaassiga waa ma naxe
Jahligu wuu Sii batoo
Siwacan dugsi looma dhigo
Socdaal baan wada galnaa
Saxaro dhibaatiyo xanuun
Ayeey Soomaalidu martaa
Aduunka Sumadaan laheyn
Saakay waa yas iyo ciil
Qaar baa Subaxii kalaho
In ay Silacaan badshaan
Tiro Sodon iyo kabadan
Saacado kusoo daldalo
Dad Siman baan wadanahoo
Subxaan diin uwada dhasee
Soomaalaay dhibkaan yasiro

*****************

Silacaan Dhaxalkii kayimid
Dadku Saakeey arkaan
Nidaamkeey Suuliyeen
Wuxuu Soomaalida kahayay
Ayeey Sumadeedu tahay

Saan miyeey nolosheenu noqon
Deqeeydii Samaha jeclaaa
Maxaa Samanadaan heloo
Ka Suuliyayay in ay hadlaan

Qaar baa Diintii ka Siqay
Aduunyada lagu Saboo
Sanuun iyo lacag latusay
Cadawgu wuu Sii batoo
Aad buu noo Soo hayaa
Dad Siman baan wadanahoo
Subxaan Diin wada dhashee
Soomaalaay dhibkaan yasiro

*************************

Aduunyada lama Sinoo
Aadmiga wuu Sii socdaa
Qaarbaa Samadaa tagoo
Saacado Dayaxaa fadhiyay
Sawiray oo soo bandhigay

Maxaa Samirkeena helay?
Maxaa Sodon sano Dagaal.
Soomaalaay wahel nooga dhigay?
Maxaa Suuliyay Wanaag
Xumaantana Soo dumoo
Sababay duligaa Na Simay?

Dad Siman baa wadanahoo
Subxaan Diin uwada dhashee
Soomaalaay dhibkaan yasiro

W/D Cabdul casiis Axmed Barrow ( Beyhaqi)

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!