Soomaliya oo 25 sanno kaddib la soo noqoneysa hogaaminta mashaariicda Yurub

by admin | Wednesday, Jun 24, 2015

Muqdisho : HN ;—-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa maanta shir gudoomiyey kulan looga hadlayay sidii Soomaaliya gacanteeda loogu soo celin lahaa mashaariicda ay bixiyaan dowladaha midowga yurub, mashaariicdaas oo 25-kii sano ee la soo dhaafay la soo marsiin jiray saxiixooda iyo qorshayntooda wakiilka markaas u fadhiya Soomaaliya Midowga Yurub, kaasoo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Cadaalada, Wasiirada Haweenka, Wasiirada Waxbarashada, Wasiirada Caafimaadka, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha, iyo Wasiir ku xigeenka Kaluumaysiga, iyo Ergo ka socotay Midowga Yurub.

Ugu horayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in talaabadaan Dowladda Soomaaliya ay maamulayso deeqaha ay bixiyaan Midowga Yurub ay muhiimad gaar ah u ledahay, isla markaana ay sii xoojinayso xririikii ka dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

“Mashaariicada 25 sano ee lasoo dhaafay waxaa noo saxiixaya markasta wakiilka Soomaaliya u u qaabilsan Midowga Yurub, waxaads hada socda tababro ay qaadanayaa khabiiro ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta, waxana rajaynaynaa in sanadkaan dhamaadkiisa aan dhaqaalaha Midowga Yurub u qoondeeyey Soomaaliya in gacanta dowladda toos loogu soo wareejiyo, iyadoo markii hore la soo marsiin jiray Hay’adaha  Qaramad Midoobay iyo World Bank, balse hada kadib dhaqaalahaas oo gaaraya 286 milyan Eoro, waxaa toos loogu soo shubayaa Wasaarada Maaliyadda ” ayuu yiri Ra’iisul W. Ku xigeenka.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in wajiga koobaad ee maanta la bilaabayo ay tahay in lagu cadeeyo qorshaha iyo mudnaanta  barnaamijyada u kala leeyihiin.

“Wasaarada qorshaynta ayaan u xilsaarnay in ay buuxiso kaalinta dowlada Soomaaliya ay ku yeelanayso barnaamijkaan, u jeedada laga leeyahay waa in dowlada Soomaaliya ay maamulato deeqaha ka imanaya Midowga Yurub, si tar tartiib ahna Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa masuuliyadda Mashaariicda laga fulinayo dalka. waxaana noo qorshaysan in dhaqaalahaas lagu bixiyo dhismaha maamul goboleedyadda iyo nabadgalyada, dib u kabashada iyo barnaamijyada isku filaanshada cuntada iyo waxbarashada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenku.

Santuuqa Horumarinta Midowga Yurub ayaa u qorsheeyey in mashaariicdaan ay socdaan 2014-2020, iyadoo markasta la eegayo waxyaalaha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!