Soonka Muxaram Waa Fursad Q: 2aad. WQ: Calinuur Xoogsade

by Yahye | Wednesday, Nov 21, 2012 | 35 views

Waa goorma Tobanka iyo Fariin Dumarka ku gaar ah

Soonka Muxaram waxaa la ogyahay Fadli aad u balaaran inuu leeyahay sidaba aan kusoo sheegnay Qeybtii koowaad waxaana Muslimiinta oo dhan isku raacsan yihiin inuu yahay Soonka Muram xaga Fadliga Soon ahaan kan ku xiga Soonka Ramadaanka.

Waxaa arintaas u Daliil ah xadiis Saxiix ah uu Muslim kusoo saaray saxiixiisa kaasoo sheegaya inuu Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis Korkiisa Allaha yeelee yiri: {Soon waxaa ugu fadli badan Ramadaanka ka dib, Soonka Bisha Allaah ee Muxaram}

Sidaa darteed ayuu yiri Caalimka la yiraahdo Cizi Ibnu C/Salaam Allaha u Naxariistee: [Fadilida Xiliyada iyo Goobaha gaarka ah waa laba qeybood Qeyb waa Aduunyo ahaan, Dhanka kalana waa Diin ahaan kaasoo u laabanaayo illaah xagiis si u ugu deeqo Adoomihiisa Cibaado ay Ajar ku helaan kuwa sameeeya Cibaadadas, sida Fadilida Soonka laga fadilay Bilaha kale, sidoo kalana Soonkaa Caashuuraa looga Fadliyay Soonka kale…]

uslimiinta aad ugu dadaalaan Soonka Bishaan Muxaram gaar ahaan Labada Maalin ee Sagaalka iyo Tobanka Maadaama Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee uu Fadli gaar ah ku sheegay Tobanka soomayna Tobanka, hase yeeshee Sanadkii uu ugu dambeeyay sheegay inuu soomayo {Hadii aan Sanadka dambe la gaaro Sagaalkana waan Soomi doonaa} walow uusan soomin uuna geeriyooday ka hor Muxaram kale intuusan garin sida ana horayaba ugu soo sheegnay Qeybtii koowaad.

Sidaa darteed waxaa Caalamka Islaamka oo dhan ka jira Dadaalo lagu ogaaanayo goorta ay dhamaatay Bisha Dul-Xaj isla markaana Bilatay Bisha Muxaram si loo Xaqiijiyo Maalmaha ay kusoo aadayaan Sagaalka iyo Tobanka Bisha Muxaram, waxase marar badan dhici karta in Dadku isku khilaafaan goorta Dul-Xaj dhamaatay ama Muxarab bilatay taasoo keenta in lakala Soomo maalmo iskhilaafsan maadaama aan ASal ahaan leesku waafaqin waqtiga ay Bilatay Muaxaram.

Si khilaafkaas inuu jiro ayadoo la ogyahay looga faaiidaysto Soonka Muxaram leysugunasoo dhaweeyo khilaafka dhalan kara Sanadada qaar loona Waafaqo Ajarkii Soonka Muxaram ayuu Muftiga Sacuudiga Sheekh C/Caziiz Ibnu C/llaahi yiri: ((Soonka Caashuuraa waa Maalmaha Isniinta iyo Talaadada)) waxaa uuna arintaas ku saleeyay si looga baxo khilaafka ku saabsan maadama aaanan la arag Bilashadii Muxaram ayuu Sabti u tiriyay dhamaadkii Dul-Xijah, AXadna Maalintii ay Bilatay Bisha Muxaram, sidaas ayay Isniinta ku noqonaysaa Sagaalkii Muxaram Talaadadana Tobankii Muxaram.

Sidoo kalana Caalimka Faqiiha ah ee Mucalimka ka ah Jaamacada Muxamad Ibnu Sacuud lana yiraahdo Sacad Ibnu Turki ayaa yiri: ((in ay Bisha dhalatay Sabtigii lasoo dhaafay ma sugnaan, waxa uuna yiri Caalimkaas: Waxa uu yiri Rasuulka Nabad iyo Naxariis Korkiisa Allaha yeelee: {Hadii laydinka qariyo Bisha, u dhameestira Tirada Sodansidaa darteed Maalinta AXada Waa Bilashada Bisha Muxaram siadaas ayuuna ku noqonayaa Maalinka Tobonaad Talaadada taasoo Maalin ka dambeeya Kalandarka Umul-Quraa oo 11 ah Maalintaas, kuna aadan 6da December ee Sanadkan Miilada lagu jiro 2012da, Sunada waxaa ah in Maalin ka horeeya Tobanka lala Soomo Tobanka ama Maalin ka dambeeya lal Soomo))

Caalimka la yiraahdo Ixsaan Al-Muctaar ee Jaamaca UMul-Quraa Macalinka ka ah ayaa yiri: (( marka loo fiiriyo in la hubo in Maalinkii Jimcaha lasoo dhaafay Bisha Dul-Xajah inay aheyd 29 sida ay Xukuntay Maxkamada sare [Waa Maxkamada Sacuudiga]……- waxaa uuna hadalkiisa raaciyay Caalimkaas-: waxanan rumaysanahay inaan Bilashada Muraam la arag Bisha Habeenkii Sabtiga ayadoo ay jireen isku dayo lagu baadi goobayay Bisha in la arko, gaar bahaan Meelaha qaarna waxaa ka jiray Caadad fara badan))

Waxa uuna sidoo kale sii raaciyay hadalkiisa: (( arintu laba midood kaba baxsana inuu Sabtiga yahay Maalinka Koowaad ee ay Muram Bilatay taasoo ka dhigaysa Maalinta Tobonaadka inuu yahay Maalinta Isniinta ah ee soo Socota sunadana ay aheyd in Maalin ka horeeya lala soomo ama Maaalin ka dambeeya, Arinta labaad ee imaan karta waa in Sabtiga ay aheyd 30kii Dul-Xijah taasoo ka dhigaysa Maalinta AXada ah Maalinka Koowaad ee Bisha Muxaram ayadoo Taladadanuna markaas ay noqonayso Maalintii Tobanaad ee Bisha Muxaram))

Hadii aan soo kobo Hadaladaas qiimaha badan ee Climada waxaa macnuhu noqonayaa Maadaama ay Sunadu aheyd in Caashuuraa Maalin ka horeeya ama Maalin ka dambeeya lala Soomo ayadoo Sanadkaan khilaaf jiro si looga badbaado khilaafka Maalinta Tobanaadkana laba jeerba loo waafaqo in la isku Soomo Isniinta iyo Talaadada, maadaama labadan Maalin muran ku jiro mida Tobanadku yahay islamarkaana Sunaduba aheyd in Maalin la raaciyo Tobanaadka.

Sidaas ayuu Tobankii ku Soomay Ruuxii ISniinta iyo Taaladada Soomaa islamarkaana sidaas ayuu ku Soomay Maalinkii ka horeeyay ama Maalinkii ka dambeeyay ayadoo khilaafkuna ku xadaysmi karaa Ajarkuna ku jiraa inshaa Allaah.

Baraarujin ku Gaar ah Dumarka

Maadama Dumarka Cibaado ahaan ay leeyhiin arimo u gaar ah sidaba in badan in ay ku harsanaato Qeybo ka mid ah Soonkii Ramaadka ee Waajibka ahaa ayadoo ay dhici karto ayagoon gudin inay yimaadaam Munaasabado gaar ah oo Soon Suna ah iyo Ajar gaar ah oo ka ratibmayo Shareecada sheegtay ayaa su’aal mar kasta ka qabaan inay Soomi karaan Soon Suno ah ayagoon Waajibkii aan weli soo gudin.

Hadii aan soo kobo Jawaabta Suaashaas Dumarka mar kasta ku taagan soona guuriyo hadalo kobaya Culimada sida ay uga jawaabeen waa sidan soo socota.

1-   Waajibka mar walba ka horeeya Sunada wax uu ruuxa illaah CW ugu dhawaadana Waajibka ayaa ugu Wanaagsan

2-   Soonka Sunada ah sida Lixda Shawaal ama Carafo ama Caashuraa maadama Ajar weyn ku jiro Fursad wanaagsana tahay inay Gabadha Soonto way soomi kartaa, maadama ay haysat waqti ay Waajibka kusoo gudi karto, sidaa darteed Gabadha Soonka Waajibka ayadoo lagu leeyahay ayay Caashuuraa iyo Taasuucaa Muxarbka Soomi kartaa soonkeedana wa u Ansxayaa Ajarkii lagu yaboohayna way helaysaa Inshaa Aallaah.

3-   Waxayse Culimada si gaar ah uga hadlaan Soonka ku Saabsan Lixda Shawaal oo ay yiraahdeen waa uu ka duwan yahay Ajarkiisuna waxa hela Ruuxii dhameestira Ramadaanka oo hadii Gabadha qalo lagu lahaa waa inay inta Shawaal socoto iska gudo ka dibna Lixda Shawaal Soonto hadii ay Ajarkiisa doonayso, maadaama Nabiga Nabad iyo Naxariis Koarkiisa ha ahaatee yiri Xadiis macnihuusu yahay: { Ruuxii Sooma Ramadaan ee Raacsiiya lix Shawaal ka mid ah waxa ay la mid tahay Soonka Sanadka oo dhan} Muslim ayaan wariyay xadiiskan

Xadiiskan waxa laga fahmayaa Ajarka Soon Sanad kaamil ah u dhigma waxaa heli kara ruuxii Sooma Ramadaanka oo dhameestiran ka dibna raacsiiya lix Maalin oo Shawaal ka mid ah bilowga dhexda ama Dhamaadka meeshay ahaataba, sidaas ayay Culimada si gaar ah Shawaal ugasoo treebaan, laakiin maalmaha kale Sida Caashuuraa Waa Soomi kartaa Gadha Muslimka ah ee donaysa inay Ajar kororsato inshaa Allaah

Waxaan ilaah ka baryayaa inuu Dembigeena iyo Dambiyada Waalidkeenba dhaafo raalina naga noqdo, nana waafajiyo inaan ka faaiidaysano Fursadaha ku jira Mowsimyada kheyraadka isdabayaalka ah aamiin amiin aamiin..

W/Q: SH Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

Like it? Share it!