Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q 10-aad. WQ: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

by admin | Sunday, Jun 28, 2015

Sooyaalka Nolosha Sillooneyd.Q10AAD.

Ilaaladii waxay go’aan ku gaadheen, iney qabtaan Ilmaha yaree ugu horreeya, ee ay arkaan, waxaana ku soo baxay Samatar, oo suuqa sii gelaya. Intey qabteen, oo laba dible u xidheen, dharbaaxona kala daaleen, ayay baabuurkoodii ku dhex tureen.Way og yihiin, inuusan isagu dhibka u geeysan, waxayse doonayaan, inay isku furtaan, si ganacsade Barroow, uusan shaqada uga eryin.Waxaa la geeyey xeradii ciidanka Barroow, Samatar yare oo ay garaaceen, dhirbaaxo iyo haraati kala daaleen.

Samatar wuxuu galay gacan cadow, mana jiro boqollaalka Maleeshiyaadka hubeysan ah, nin damiirkiisu siiyey, war ilmaha yar iska dhaafa.Cali Jirdac, oo ah, hoggaanka ciidanka ayaa weydiiyey:“Muxuu ahaa cunuggan?” Dulxun, oo ah, ninka keenay qorsha Samatar lagu soo qabtay ayaa yidhi: “Baabuur ayuu muraayadda ka jabshay, waana cunug xumoo wasaqa!”Samatar yare oo daaley, ayaa ku yidhi odayga koofiyadda weyn ee ciidanka haysta ee Jirdac:“Adeeroow miyaadan nin weyn ahayn, kuwani waxay iga sheegayaan been, ee maad igala hadashid!” hadalka iyo catowga Samatar dheg uma dhigin, ee wuxuu yidhi:“Meeshiisa ku haya, oo weydiiya cidda dhashay iyo qof la garanayo, oo reerkooda ah, oo aan ka gudanayo hantideenna, magdhowna aan ka qaaddano!”.

 
Doolli ayaa ka quustay maalintii oo dhan raadiyey Samatar, meel walba oo u tuhmayey ka dib ku dhawaad maqribkii ayuu u tegay Hanad, una sheegay sida xaal yahay iyo inuusan meelna ku ogeyn Samatar.Hanad iyo Doolli habeenkii oo dhan suuqay ku wareegayeen. Markay waayeen, ayay weydiiyeen oday adeegsan jirey, oo bakhaarkiisa sii xidhaya. Wuxuu yidhi;“Maantoo dhan indho ma saarine, mindhaa armaa la watey?” Markaasuu haddana u sii raaciyey;“Waxaa jira, kuwa carruurta yaryar wata, oo gaalada ka iibiya iyo kuwa beerka iyo kelyaha kala baxa. Salaamaad ilaahayoow ka badbaadi.”

Hanad iyo Doolli naxdin iyo argagax ayay ka qaadeen hadalkii odayga suuqleeyda ah. Markay quusteen, ee uu iman waayey habeenkii guriga, ayey ogaadeen inuusan nabad qabin, ka dib, markuu waagu beryay ayey ku jarmaadeen xeradii iyo garaashka ciidanka ee Ilbir.

Waxay arrintii la socodsiiyeen Ilbir, markii uu maqlay ilaa xalay waa maqanyahay, ayuu Ilbir u qarracmay sidii nin curad ka lumay. Werwer iyo walaahoow ayaa laysla dul fadhiistay.
Labadii yaryaraa wuxuu u direy suuqa inay mar kale soo baadhaan, sidoo kale, wuxuu isbitaallada xaafadda u direy qaar ka mid ah ciidankiisa.Kuwa kalena waxaa loo dhiibay baabuur Xaajiyad ah iyo Makarafoon si ay xaafadaha dhexdooda u naadiyaan magaciisa iyo astaantiisa iyagoo leh; “Ciddii aragta wiil yar oo da’diisu tahay 10 jir, oo suuqa Bardaaley ay ugu war dambaysey , ciddii aragta ha ku soo hagaajiso, Geerashka Dhuxuleey, sidoo kale waxaanu siin doonaa, cidii keenta ama akhbaartiisa soo sheegta, Abaalmarin 500 doolar ah”Waa la waayey wax sheega ama xitaa suureeya muddo saddex maalmood ah, ayaa raq iyo ruuxba la waayey Samatar yare.

Dhinaca kale, Samatar yare, isagana wuxuu ku jirey xabsi aan naxariis lahayn, wehel lahayn, wuxuu seexanayey isagoo gacmaha iyo lugaha ka xidhan, baabuur Bagaase ah, oo qori saaran yahay hoostiisa, 24ka saacadoodna hal mar ayaa wax la siinayey.Habeenkii ayaa roob dusha ka helay mahiigaan ah, isaga iyo malleeshiyadii meesha ku haysatey, waxna kama huwan, waana ku dul dhammaaday habeenkaas.

Maalintii dambe ayaa Doolli, Laba wiil, oo yaryari u yimaadeen, oo dhaheen; “Waxaan maqlney in walaalkaa Samatar la waayey, ee haddaan kuu sheegno lacagta ma nala siinayaa?”.Doolli ballantaas ma qaadi karo, oo maba hayo lacag intaa le eg. Wuu soo kaxeeyey wuxuuna u keenay Hanad. Labadii wiil ayuu Hanad gartey inay yihiin, ciyaalkii xaafadda deganaa.

Ka dib wuxuu weydiiyey:“Miyaad aragteen Samatar?” Waxay ugu jawaabeen:“Haa, waan aragnay, oo waxaa watay ciidamada ninka la dhaho Barroow!”Hanad ayaa arrintii la yaabay oo weydiiyey: “Maxay u wateen? Maxay ka rabeen? Goorma ayey wateen?”Su’aalo is daba jooga ayuu weydiiyey, ka dib ayay uga sheekeeyeen, in meesha WEERO iyo WADHAF ka socdey, baabuurkaasna muraayad laga jabshay, balse, ay qaban waayeen kuwii baabuurka muraayadda ka jebiyey, oo ay qabteen Samatar, oo jidka iska socda.Hanad ma hubo arrinkan wuxuuna ku yidhi:“Haddii warkiinna oo run noqdo, waxaa laydin siin doonaa lacag, balse, hadduu been noqdo, baxar ayaad gelaysaan!”Labadii wiil ayaa ku dhaartey inay hubaan, wixii ka yimaadana ay diyaar u yihiin, balse, hadduu run noqdo in waxooda la siiyo loo ballan qaaday, sidoo kale, inaan la sheegin inay soo sheegeen.

Hanad ayaa Ilbir u tegay, ugana sheekeeyey wixii dhacay, wuxuuna u raaciyey, waxaan filayaa Odaygii dukaanleyda ahaa kuwii uu sheegayey, ee carruurta Beerka kala baxayey ama iibinayey inuu ninkaasi yahay.Ilbir ayaa oogsaday markii loo sheegay, balse, xaalku waa ka culusyahay kii hore, waayo, Barroow waa nin magaalada kala badh haysta, sidoo kalena, ciidan ka badan kan Ilbir iyo hantiba haysta. Ilbir kuma duuli karo, oo waa dagaal daba dheeraanaya, wuxuu ka fursan waayey inuu arrinka la socodsiiyo, Korneyl Cirfiid.


Korneyl Cirfiid iyo Barroow maaha heshiis, balse, haddana Korneylku diyaar uma aha inuu duullaan iyo dagaal ku qaado, sidoo kale, waxaa jira, saami qaybsi dhinaca dhaqaalaha ah, oo kala dhaxeeya, maadaama goobaha ciidanka Korneyllu haystaan, uu si xoriyad ah u ganacsan karo Barroow.Korneyl Cirfiid ayaa garan waayey sababta kelliftay, in Samataryare uu u qafaasho Barroow. Ilbir ayuu weydiiyey Korneeylku:“Armuu wiilka qaraabadiisii yahay, oo ay dhawaan ogaadeen, maxaa sababi kara inuu ilmo yar qafaasho?” Ilbir ayaa shaki ka galay oo weydiiyey Hanad, balse, waxuu u sheegey, in kiis Baabuur Barroow ciidamadiisu leeyihiin, muraayad laga jabshay loo haystoIlbir Baabuur dhan inuu baxsho waxba kuma aha, balse, wuxuu raadiyey xal kale oo uu Samatar yare ku soo badbaadin karo.Ilbir Samatar yare wuxuu ugu jiraa booska uu isagu ugu jiro Korneyl Cirfiid, oo uga fekera sida wiilkiisa, cid walba ka jecel.

Korneylkii ayaa fekeray, oo yidhi haddaan wacno, oo aan weydiisanno xaalka waa nagu adkaaynayaa, weliba waa nagu dhereg dhacsanayaa, waxaase jirta inuu xidhiidh dhinaca is dhexmarka ah naga dhaxeeyo.

 Ilbir ayaa hadalkaas wax ka dhex helay oo la soo booday:“Ka warran, haddaan hantidiisa iyo ciidan iyo ka qabsano, dabadeedna la gorgortano si uu Samatar yare u soo daayo, shuruud la’aan, waaba hadduu noolyahaye?” Korneylka ayaa yidhi:“Waa la samayn karaa, balse, hadduusan ogeyn ka warran, oo u qaato daandaansi iyo gardarro ama jawaabteenna dagaal iyo weerar ka dhigo, isagoo nala xaaltamin” Ilbir ayaa yidhi:“Waa dhici kartaa, balse, haddii uu ogaado inay madaxfurasho tahay, waa yaqaan xeerka waana oggolaanayaa, sidoo kale, waxba kama dileyno, waxna kama dhacayno, haddii hantidiisa iyo ciidankiisa, oo bed qaba uu arko, wax dagaal ah soo qaadi maayo” Korneylka ayaa yidhi:“Hadduu doono weerar ha soo qaado, waxaad tahay wiilkayga, Samatarna waa wiilkayga, ee samee sidaad ku soo celin lahayd!” Ilbir hadda wuxuu haystaa go’aan lagu raacsan yahay, wuxuuna xalka keliya u arkay inuu isaguna afduubto, gaadiidkiisa iyo ciidankiisa, si gaadmo ah, ka dibna la xidhiidho Barroow.Ilbir ayaa ciidankiisa ku wargeliyey hawlgal inay ka qabtaan, gaadiidka iyo ciidanka Barroow, balse, aysan waxna ka dilin, waxna ka dhicin, ee soo xereeyaan.

Ciidankii Ilbir ayaa jid gooyo u galay gaadiid raran iyo baabuurtii ilaallad, ee la socotey, ciidankan oo ka koobnaa, ciidamo gaadhaya toban baabuur, oo loo diyaarshay inay hawlgalkan fuliyaan.Waxaa goob ka mida goobaha Kantaroolladu u yaallaan Ciidanka Ilbir Soo matay laba baabuurta dagaalka ah, oo aan qori ku rakibneyn, oo ay saaran yihiin ciidan toboneeyo ah iyo laba baabuur oo N3 ah oo raran, ka dib ayaa la hareereeyey, waxaana lagu wargeliyey, inay ay is dhiibaan, oo ay hubka wareejiyeen, haddey sidaa sameeyaanna aan cidina dileyn dhibna loo geysanayn.Ilbir ayaa markii gacanta loo soo geliyey gaadiidkii wacay ganacsade Barroow, arrinkiina u balbalaadhiyey, balse, Barroow ayaa garan waayey cunugga iyo goorta la soo qabtay. Barroow ayaa yidhi: “Ilbiroow nagama dhaxayn, adigoon ciidan iga qabsan maxaad iila soo xidhiidhi weydey, maxaadse colaaddeyda ku jeclaatey?” Ilbir ayaa yidhi: “Anigu tixgelin waan kuu hayaa, balse, wax walba waxaan ka wada hadlaynaa marka Samataryare lay keeno.” Barrow ayaa hadalkii ku soo gunaanaday:“Haddii arrintaasi jirto waynu ka wada xaalaynaa, hadda waa goor casar gaab ah, waxaan soo ogaanayaa, wiilka aad sheegayso, anigaana kula soo xidhiidhaya.”

Barroow ma sheegin, waxaase ciidanka watey, oo ku jira wiil walaalkiis dhalay in wiilka walaalkii dhalay ku jiro ciidanka, markaasuu yidhi:“”Barroow oo xanaaqsan ayaa xeradiisii ciidanka u direy baabuur, si wiilka yar loo soo ogaado loona keeno gurigiisa, balse, markii qoladii loo direy xerada tagtay, waxay u tageen cunug rafaadsan oo halkii xalay roobku ku helay ku xidhan, qandheysan oo gariiraya (Jareynaya) gawsaha isla dhacaya. 

 
Way la soo ordeen, markey keeneen guriga ayaa waxaa naxay Barroow, isaga oo aan dhibka cunugga haysta ka nixin, ayuu ka naxay haddii uu dhinto, in wiilka walaalkii dhalayna dhimanayo.Wiilkii yaraa, oo Buste loo hullaabiyey ilkahana isla dhacaya, ayuu si jees jees ah u weydiiyey Barroow:“Waryaa, Ma Ilbir ayaa ku dhalay?”Samatar oo hadalku ku diiq yahay ayaa yidhi: “Maya maya” Markaasuu weydiiyey Barroow:“Horta cunuggani muxuu naga halleeyey?” Ka dib waxaa u sharraxay Jirdac, oo yidhi: “Baabuurkii CIILTIRE ayuu muraayadaha ka jabiyey, oo dhagax ku dhuftay, si aan uga magdhabo waalidkiis ama tolkiis ayaanu u soo kaxaysanay” Barroow ayaa yidhi: “War yaanu nagu dhimane dhakhtar u doona” iyadoo Samataryarena meeshii kurbanayo, oo kaabad yar, oo beero leh, guriga weyn, ee Barrow uu salka dhigay, duuf iyo ilmona ka qubaneyso, ayaa waxaa albaabka ka soo gashay, Marwo Hodan.Marwo Hodan ayaa qacdii horreba aragtay ilmaha yar, haddey xuuraanteyna ogaatey in dulmigii odaygeedu heerkaa gaadhay, markaasay intey ku barooratey la boodday, oo guriga gelisay.
 
 Marwo Hodan waa qof naxariis badan, oo aqoonyahana,way ogtahay dhibaatada ninkeedu dadka ku hayo, habeen iyo maalinna waa ka waanisaa, balse, dhego waansamayaa kuma yaallaan Barroow.Marwo Hodan ayaa dawooyin iyo dabiib la gashay, oo meel dugsoon iyo sarriir seexisay, habeenkii oo dhanna u soo jeeday.
 
La soco Qaybaha dambe.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr.
galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!