Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q 2-aad. WQ: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

by admin | Friday, May 15, 2015

Samatar wuxuu galay  gu’gii 7aad shalay wuxuu ahaa gaban awood darran oo aan u dulqaadan karin, silica iyo darxumada,  dhinaciisu maanta waa qabatimay kartoonka iyo jiifka Alwaaxa kabadhada qaadka.

Sidoo kale huwashada jawaannada iyo maryaha kale uskaga badan oo waqtigii uu yaraa  ee noloshan qalafsan ku soo biirey, 3 sanno ka hor dhib weyn ku haysey  wuxuu yeeshay adkaysi uu gaajada xamili karo intuu doono weligii Samatar ma helin daryeel caafimaad, tallaal iyo xannaano kale toona, taas macnaheedu maaha ma  uusan jirran! ee inta ubadka waalidkood la nool ku dhacda xanuuno kala duwan waa soo mareen, waxaana ka dulqaaday oo ka bogsiiyey  ilaahay weyn ee abuurtay, mase jirin dedaal iyo daryeel caafimaad cid u fidisay oo ka helay gacan caawimo.

Samatar keligii maaha ee waxaa  noloshan, ku  nool ee oo la  jaal iyo jees wadaag ah, kuwo badan oo noloshu gabtay, oo aanan weligood arag  waxaa la yidhaahdo farxad iyo yididiilo,  aqoona u lahayn waxaa la yidhaahdo kalgacayl ama hillow waalid iyo walaalnimo.

Dhallintani maaha kuwa nacayb bulshada kale ugu beeran yahay, haddana ma jiro jacayl kala dhaxeeya,  sababtuna waxay tahay garashada jacaylka iyo nacaybka waxaad kala soocdaa, marka aad ogtahay  farqiga iyo kala duwanaanshaha u dhaxeeya, iyagu  maaha kuwa ay u kala soocantahay, waxayse ogyihiin keliya, inaysan isku si u noolayn, dadka ku hareeraysan, ee haysta ,  Dharka, Guryaha,Baabuurta, Cuntada,, Lacagta iyo waxyaabo badan oo aysan iyagu haysan.

Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda, “ Noloshu waa hadhkaa labadiisa gelin” mid kalena waxay tidhaahdaa waa meerto oo sida  Cadceed iyo Dayaxa, nolosha ayaa lagu mid wareegaysa taasoo ka dhigan sida muuqaalka goobeysan ee khariirada adduunka oo uu qofba goobadaas meel ka taaganyahay,  mid waa ay ku jiiftaa midna barbarka joogtaa, midna wuu ka laalaada ama ka lushaa, midna wuu ka siibtayba oo meel uu ka qabsado xitaa waa waayey midna waa ka socdaaley  kana dhaqaaqay dhibkeeda iyo dheefteeda,

Samatar waagii u beryaaba waa mid ka adag, waagii shalay galbaday,sidaasoo ay tahay  qaab nololeedkan guracan ma dalban mana ah mid uu isagu doortay, balse nasiibka ayaa u dooray.

Samatar muddo saddex sanno ku dhawaad ah ayuu ku jiraa  Nolosha adage e kellinimada ah,  maalin ayuu arkay oo xasuustay haweenay caano  u keeni jirtey ayeeydiis,  ka dib ayuu u soo dhawaaday,  isagoo magaceeda ugu yeedhaya “ayuu ku yidhi  Eeddo saw ma tihid  Waris”  waxay dhahday “haa  ee maxaad ahayd  maandhoow, iyadoo sii raacisay, maantay iigu darnayd oo ciyaala kudaafkiina magacayga bartay”  ka dib eraygaa dambe ayuu aad uga xumaaday wuuna ka tegay, wuxuu doonayey inuu isu sheego isna soo xasuusiyo, kamase helin, soo dhaweyn diiran iyo  laab furan midna.

Samatar ayaa ayaa meel jaranjaro ama kaabad ku hortaalay guri burbursan oo aan ka fogeyn suuqa Bardaale agagaarkiisa fadhiistay isagoo gacanta ku haysta marna hudhaya xabbad moos oo saaka ka helay iyadoo meel laga tuuray, dadka tuuray waxay u arkayeen iney xumaatay,balse, isagu waxay u ahayd Afur iyo  quraacd macaan oo aan la maleysan karin  wax la cunana tan ugu wanaagsan isagoo hadba inyar ka goosanayo meeshiisiina  fadhiya, meesha uu markaas Samatar fadhiyaa waa Afaafka iyo kaabbada guri burbursan oo dagaalladii sokeeye waxyeelo ka soo gaadhay,  Samatar oo ku mashquulsan kuna raaxaysanaya goosashad aiyo hudhmada xabbadiisa mooska ah, ayaa arkay, wiilyar iyo hooyadii oo meel baabuurtu ka baxaan aan ka foggeyn  noqnoqonaya  hooyaduna ay wiilka baryeysa isaguna marba dhinac uga dhaqaaqaya oo  ku celcelinaya Iinyoow Iinyoow wiilka iyo hooyadii ayuu si fiican isha ula raacay isagoo aad moodo inuu arkay wax uusan weligii arag, Hooyadu waxay doonaysa inay maslaxdo wiilkeeda  si uu u raaco  iyadoo sabaalineysa erayo macaan oo qalbiga bani aadamka naxariis ku beerayana kula hadlaysa ayay waxay u soo saartay wiilkeeda, dhawr waxyaabood kala duwan sida Buskud, Xalwad, Doolshe  si wiilkeeda ay ugu qanciso waxay doonayso, isuna raacaan iyagoo isku faraxsan.

Samatar oo fiirsanayey, hawsha dhex mareysa hooyada iyo wiilkeeda ayaa, arrinkaasi ku abuuray, weydiimo maskaxdiisa kuwaasoo ahaa,  Maxaa adiga u weyday wax sidan kuu  qasba cunto, ama kuu barbarya, wuxuu soo xasuustay maalin xaafad u dhaw  lagu lahaa Kulan oo Raashin badan ay Ayeeydii  Timiro ka keentay, ka dibna uu ka dhergay sida wiilkaasoo kale ay ayeeydiis ku qasabtay, War cun cun ayeeyo aad weynaatide oo facaa iska dhicide, Xasuustaa  ayaa kashiisa gelisay dareen aanu hore isugu ogeyn oo nayaayir leh  ka dib ayuu haddana qosley oo dhoola cadeeyey,  ayuu ka qoslay wuxuuna niyada ka yidhi, Haddii aysan hooyadaa kaa tegi lahayn, Ayeeydaana  kaa tegi lahayn, sidiisa ayaad ahaan lahayd.

Samatar ayaa dhankii wiilka iyo hooyadii u soo dhaqaaqay  markuu u soo dhawaadey ayey weydiisey Dheeg oo ahayd wiilka hooyadii, Eedo Baabuurta  Doonyaleey halkay ka baxaan,  Samatar oo aad u kala yaqaan suuqa iyo nawaaxigiisa ayaa u tilmaamay, wuxuuna ka caawiyey Allaab badan oo ay sidatey inuu la qaaddo, Dheeg ma sharaysan ee waa u duceysay,  Samatar ayaa ku dhiiraday oo weydiiyey, “Eeddo maxaad u tahay wiilka”,  markaasay ugu warceliay  waxaan ahay hooyadiis”,  wuxuu yidhi, “Hooyo oodhami ma sidaada ayay u fiican tahay oo carruurteeda wax ugu qasabtaa?” Dheeg  ayaa eraygaasi gubay oo dareentay inuusan Hooyo lahayn, Markaasay tidhi, “Haa Hooyo ee  Magacaa ?” wuxuu yidhi  “waxaa lay yidhaahdaa Samatar” waxay tidhi Hooyo Dheeg “ma rabtaa adigu  cuntadan” wuxuu si farxad le ula soo booday   “HAA” Markaasay Hooyo Dheeg  mid walba qayb ayay ka siisay, waxayna weydiisay,  “maxaa hooyadaa ku dhacay” Samatar ayaa  wuxuu uga sheekeeyey noloshiisa intuu ka xasuustay ee loo sheegay, in  berri horre loo sheegay inay dhimatay hooyadiis, Ayeeydii oo soo korsatayna  iyaduna dhimatey, aysana jirin cid kale oo ehel ah oo hadda la nool ama uu meel ku ogyahay.

Hooyo Dheeg oo arrinkaasi qalbiga xanuunjiyey ogna xaalada nololeed ee dalku ku suganyahay iyo duruufaha colaadeed ee jira ayaa  tidhi “Hooyo Samataroow aniguba  hooyoo kale ayaan kuu ahay” Dheeg waa qof qalbi furan oo waxbaratey, laftigeeda duruuf baa haysa oo markan ay baabuurka raacayso waa geedi, waxayna soo kala tageen Odaygeedii oo ay muddo dheer is qabeen, balse ismaandhaaf muddo jiitamey sababay inay kala tagaan inta badan waxaa guriga ka baxa Hooyada dhaqanka Soomaalida  oo aad moodo in halkaas xadgudub weyn ku yahay dhinaca xuquuqda haweenka,  Dheeg haddii uu dhammaaday xidhiidhkii iyada iyo Odaygeedii Saalax waxaa lama huraan noqotey  iney isaga huleesho sabadii ay ku nooleyd mudo ku dhaw 15 sanno, una socdaasho dhankii ehelkoodu jireen, waxay sidata maahine wax kale oo meel ugu diyaarsani ma jiraan, hadda ayay doonaysaa inay nolol cusub diyaariso oo ay iyada iyo wiilkeeda meel ka soo baxaan.

Dheeg waa dareentay dhibka haysta wiilka yar, niyada ayay ka cishoonaysa, qalbiga ayay ka ooyday, arrinkeedu waa “ Laba qaawani isma qaado”  waxay hoos ula guuxday  haddaan deganahay waxbaan kuu qaban lahaa laakiin maanta waxba kuma dhaamo meeshaan u socdana waxba iigama horreeyaan meeshaan ka soo tegayna anigaa og, ka dib ayay  lacag waxoogaa ah intey boorsadeeda furtay kasoo saartay  oo u taagtay Samatar oo agtaagan oo ku tidhi  “hoo Samatar yaroow, waxayna u raacisay  ilaahay wax hooyadaa iyo waalidkaa kuu bedela haku siiyo, Samatar maanta wuxuu arkay wax la yaab leh, sidoo kale wuxuu laba jeer la kulmay dhacdo cajiiba  taasoo qalbigiisa ku dhigantay sida looxa qadka loogu dhigo, qof  hal goob cunto macaan iyo lacag isugu daray, haddana  aysan jirin wax xidhiidh hore ah oo ka dhaxeeyey iyo wax shaqo ah oo uu qabtay.

Samatar wuxuu kale oo la yaabay ilmada haweenayda ku taagan, waa qof ka muuqaal duwan bulshaduu yaqaanay waana mid naxariisi ku jirto, waa mid damaqday dareenkiisa, labada jeer ayay wax siisay ka sakoow  wuxuu ku arkay habdhaqan ka duwan  dadka kale oo ah  inaysan Hooyo Dheeg ka diiqadooneyn, kana faanayn, weliba siisay waqti ay kula sheekaysato.

Samatar ayay ku noqotey arrintani fillanwaa iyo kedis, isagoo aan uga baran, Bulshada aan isu naxariisan ee sida dugaaga midba midkuu ka awood badan yahay, wuxuu doono ku sameeyo uu ku dhex noolyahay, waa arrin  ku cusub inuu arko dad sida Hooyadan oo kale u dhaqan wanaagsan oo naxariis leh.

La Soco Qaybta 3aad.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!