Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q 3-aad. WQ: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

by admin | Friday, May 15, 2015

Samatar ayay ku noqotey arrintani filanwaa iyo kedis, isagoo aan uga baran bulshada uu ku dhexnoolyahay, ee aan isu naxariisan, sida dugaagga midba midkuu ka awood iyo xoog roonyahay siduu doono ugu xadgudbo,waxay ahayd arrin ku cusub inuu arko dad sida hooyadan oo kale u dhaqan wanaagsan oo naxariis leh.

Samatar wuxuu la joogay hooyo Dheeg iyo Cawil ilaa ay ka baxayeen. Samatar ayaa ku yidhi hooyo Dheeg:“Ilaa aad ka ambabaxdan waan idin la joogayaa, waayo, haddii kale alaabta ayaa laydiinka xadayaa” Samatar waa ogyahay xaaladda suuqa iyo amni xumada ka jirta.

Hooyo Dheeg ayaa la yaabtay garaadkiisa iyo kartidiisa. 7da jir doonaya inuu illaaliyo, haddana, cadowga ka jiro, weliba hiil isla garabtaago, isagoo dareensan, in si fudud dadka alaabta looga hoos qaado ama laga dafo oo lala ordo. Waxay niyadda iska tidhi: “Dalka iyo dadkuu waxtari lahaa, hadduu helo cid isu taagta, waa nin karmeed dirica.” Waxay soo xasuusatay gabaygii Suldaan Axmed Wardheere, ee ahaa:

“Wiil hadduu Labiyo toban jiroo, Lali ahaan waayo

Martilawga soo dhigay hadduu, Luun ka rogi waayo

Ragannimo ludii kuma jirtee, Liidane ogaada!”

Samatar waa ilmo yar, balse, duruuftu adkaysay. Wuxuu la yaabay Daanyeer yar oo Muusig garaacaya, oo uu Cawil sitay, ka dib wuxuu weydiiyey:“Ma eegi karaa?” Cawil ayaa u dhiibay, oo ah wiilka ay dhashay hooyo Dheeg, ahna wiilkii cuntada lagu qasbayey.

Cawil waa sida hooyadii, wax didmo iyo diidma ah uma muujin, intii ay baabuurka bixitaankiisa sugayeenna waa ciyaarayeen waana sheekaysanayeen, ka dib Samatar ayaa si hoose ugu yidhi isaga oo is leh, hooyo Dheeg kuma maqlayso:

“Cawiloow hooyadaa weligaa ha ka fogaan hana dhibin, haddii kale, sidayda oo kale ayaad hooyo la’aan noqonaysaa, waxaad haysataa hooyo fiican.”

Cawil ma dareensanayn markaas ka hor inay jiraan dad nool oo aan hooyo haysan, isaguna wuxuu arkay aragti ka duwan tii uu qabay. Sidoo kale, wuxuu ogaaday in dadka ciyaala suuqa ah, iney baahi iyo hooya la’aan sababtay badankeed inay nolosha adag ku noolaadaan, oo ay jirto duruuf ka dhigtay inay dibjir iyo darbi jiif noqdaan.

Hooyo Dheeg waa maqlaysay dardaaranka Samatar, waxayna niyadda tidhi: “Wallee waa nin raga, oo meel iska soo saari kara” waana u duceysay.

Hanad waa horjoogeha kooxdan darbi jiifka ah, kuwooda yaryar ee suuqa bardaale iyo xaafadda Oomman. Hanad hadda waa nin lafa adkaaday oo da’diisu caga cageynayso 12jir. Wuu xasuustaa maalintuu noloshan qadhaadh ku billaabatey, wuuse is illowsiiyaa.

Hanad nolosha inta Samatar soo maray iyo ka badan wuu soo maray, isaga waalidkiis lama dilin, oo duullaanna kuma dhiman, balse, waxay u dhinteen, sababtii ka dhalatay halaaggii dagaalladii Jabhadaha iyo dowladda Kacaanka dhexmaray iyo duullaammadii ka dambeeyey, ee dirirta sokeeye, macaluushii iyo nafaqa xumadii ka dhalatay awgeed ayaa dadka waxaa ku dhacay, xanuunno iyo cudurro badan, iyadoo taasi jirto, ayaa waxaa da’ay roobab laxaad leh, ka dib biyihii dhulka galay ee la cabayey ayaa sababay xanuunka daacuunka kaa soo soo food saaray.

Qoyska reer Warsame oo ka koobnaa aabbe Warsame, hooyo Xalan iyo Hanad oo ahaa curadkooda ayaa ka mid noqday dadka uu haleelay xanuunkii daacuunka. Nasiibdarro, waalidka Hanadka ayaa kala dambeeyaan laba maalmood ka dib fuuqbaxay badan oo aaney helin wax daryeel caafimaad, maadaama aysan jirin gooba caafimaad (Hospital) iyo xarumo lagu daryeelo dadka. Hanadyare laftiisa waxaa saameeyey xanuunka, oo ahaa mid safa oo dadka deegaanka badankooda ku dhacay.

Qoyskan reer Warsame waxaa u soo gurmaday dad deriskooda ahaa, oo isku dayey inay badbaadiyaan, waxayna geeyeen meel markaa aad ugu fogeyd tuulada ay deganaayeen, oo dadka ku daweynayeen hay’ad Bisha cas ee Gobolka Carra Madoow, oo markaa ka hawlgelaysay.

Hanad iyo waalidkii waa la keenay waana laga tegay hooyadii iyo aabbihii, waxaa markay geeriyoodeen maydkooda asturey dadyoowgii meesha joogay, ee iyaga laftoodu keenay dadka ehelkooda ah oo xanuusan.

Hanad dhimashadii aabbihii iyo hooyadii ka dib muddo ayaa lala tacaalayey, oo waxaa soo noqday garashadiisii, wuxuuna billaabay dhaqdhaqaaq, waxaana ka joogsaday fuuqbixii, balse, markii ay maamulka hay’addu ogaadeen in waalidkiis dhintay, cid kale oo ehel ahna aysan daba socon ayay go’aan ku gaadheen in la geeyo kaam dadka lagu quudiyo.

Hanad cid iyo ciirsi ma haysan, markuu kaamkii tegayna, sidii loo kala xoog weynaa baa safka loo galay, wuxuu helana waaba laga qaadi jiray, taasoo sababtay, inuu maalintii dambe isaga cararo, oo degmada Dalsan oo iyana burburka dagaallada sokeeye waxyeelleen uu naf ka raadiyo, halkaas oo nasiibkiisu maalintii dambe kula kulmay wiil dhallinyaro ah, oo wade ka ah baabuur Bas ah nooca loo yaqaanno caasiga, uuna weydiistay kana beryey inuu geeyo ilaa magaalada Doonyaaley, isagoo uga warramay xaaladdiisa nololeed iyo inuusan awoodin inuu iska bixiyo qarashka baabuur raaca.

Wiilka wadaha ahaa ayaa aad uga xumaaday, isagoo og inuusan caawin karin, oo isaguba dhul malleeshiyaad ka buuxo, oo halis ah ayuu baabuur ku dhex wadaa. Maalin walba in ka badan labaatan jeer ayuu halis galaa, saasey tahay, waxa yare ee uu helo waxa kula nool qoys gaadhaya ugu yaraan 12 qof, oo isagu xoog u yahay iyo il dhaqaale. Ma laha baabuurka, oo wuxuu ka yahay shaqaale keliya, mana siin karo Hanad wax shaqo ah, waayo, Hanad waa yar yahay, mana laha awood uu ku noqdo dabakafuul (Kirishbooy).

Wiilkii wadaha ahaa ayaa intuu madaxa u salaaxay ku yidhi:

“Ha cabsan anigaa ku geeynayo magaalo weyn, oo suuqyo badan, oo aad noloshaada ka dhacsan karto” Hanad maalintaas waxaa u baryey waayo ka duwan kuwii hore, wuxuuna niyadda iska yidhi: “Maanta ayaad ka reysanaysaa meeshii kaamka ahayd ee gaajadu kugu dishay iyo dadkii naxariista darnaa” sidoo kale, wuxuu Hanad weydiiyey, Nageeye oo ahaa wadaha baabuurka:

“Walaal, magaalada weyn haddaan tago, saw sidaada oo kale baabuur ma baran karo sida loo wado?.” ka dib ayuu Nageeye intuu qoslay ku yidhi “Haa. Waxaa jira meelo baabuurta lagu sameeyo, oo la yidhaahdo, Garaash, haddii aad meeshaas oo kale shaqo ka hesho, waxaad baran kartaa sida baabuurta loo sameeeyo iyo sida loo wadoba. Nageeye wuxuu la yaabay wiilka yar hankiisa iyo hammigiisa, oo feker dheer galay ka dib weydiintii Hanad.

Nageeye wuxuu ahaa maalintii dagaalku billowdey ardey ka baxay dugsiga sare ee farsamada gacanta, wuxuuna imtixaanka galay kaalinta 3aad wuxuu ka mid noqday ardey toban ahayd oo loo ballanqaaday in loo qaadayo Jarmalka. Sanadkii 1991 bisha May ayuu sugayey in uu ka baxo dalka oo waxbarasho dibadeed aado, isagoo filayey inuu halkaas aqoon durugsan kala iman doono, balse, himiladiisii waxaa jabiyey dagaalladii sokeeye, maantana waa darawal gaadhi aanu lahayn, oo halis iyo sursuur adag maraya maalin walba.

Nageeye wuxuu Hanad fadhiisiyey agtiisa. Waxay muddo socdaanba waxaa lagu hakaday meel tuulo ah, oo maqaayado ku yaallaan, Hanadna wuxuu nasiib u yeeshay in maqaayad la geeyo uu cunto macaan cuno, waana maalintii ugu horreysay noloshiisa. Waxaa Nageeye u dalbay, Muufo iyo Maraq, Hanadna si hagar la’aan ah uga dhergay. Nageeye wuu ku faraxsan yahay taageerada uu fidiyey Hanadyare, sidoo kale, waa nin qalbi furan, xitaa maleeshiyaadku inta badan dhib aad ah kalama kulmo, wuu la kaftamaa, inkastoo aaysan ahayn dad laysku aamini karo.

Hanad ayaa markay maqaayaddii ka soo baxeen, muddadii ay socdeen daawanayey beeraha dayacan ee quruxda badnaa, guryo guban oo tuulooyinka qaar ku yaal, iyo deegaanta hawdka ah ee jiqda ah ee baabuurku dhexmarayo.

Sidoo kale, wuxuu maqlayaa hadalka dadka baabuurka saaran, oo wax argagax leh ka sheekeynaya. Shalay halkan baa waxaa lagu diley iyo halkan ayaa wax lagu dhacay, dhawaqaas oo cabsi gelinayey, isagoo xasuusta in mararka qaarkood, maleeshiyaadka hubaysani boobi jireen raashinka iyo cuntada kaamka dadkuna ka kala carari jiray.

Hanad ugu dambayn wuxuu soo galay magaalada Doonyaaley. Waa Magaalo weyn oo qurux badan, balse, markan hugunka rasaasta iyo uuraa meelaha qaar ka baxaysa, dusha sare waxaa wareegaya, diyaarado nooca loo yaqaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxaa dhex mushaaxaya oo waddooyinka lugeynayaa dad aad u badan, weligiisna ma arag meel la mid ah meeshan oo kale, waxaana xeryo ku leh, ciidamo ajaanib ah. Hanad wuxuu weydiiyey Nageeye “Kuwan cadcadi ma Soomaalibaa?” Wuxuu Nageeye ugu jawaabay “Maya, maya, waa ciidammo nabad ilaalin loo keenay. Waa Soddon dowladood oo adduunka isaga yimid.”

Ka dib Nageeye ayaa dhahay magaaladii waa soo galnay, waxaan ku geeynayaa suuqa, meeshaas noloshaada ka debaro, haddey kaa wareertona meesha baabuurtu ka baxdo iga soo raadi.

Hanad ayaa ku yidhi waayahay, isaga oo jeclaystay, noloshii yarayd ee uu la soo qaatay Nageeye intii uu baabuurka saarnaa iyo taageeridii wanaagsanayd ee uu u fideyey. Hanad magaaladan guryaha badan cid uma dhexjoogto, waase nin firfircoon, ee isla maalintiiba wuxuu helay, Dooli iyo Dalmar, oo iyagu uga soo horreeyey Suuqa Bardaale, balse, Doonyaalay ku dhashay.

La soco Qaybaha kale.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!