Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q 4-aad. WQ: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

by admin | Friday, May 15, 2015

Markii Hanad ka soo degay baabuurkii, oo Nageeye ay is maca salaameeyeen, ma jirin, Hanad meel u asteysan inuu aado iyo meel u qorsheysnaydba. Xaalku waa meeshii Soomaalidu ka odhan jirtay, marka Awrka rareyda ah Jilaalkii oo dhan, lagu dhaansado, lagu guuro, ayaa marka gu’gu da’o dabarka laga furaa, seetada lugtana oogu duubaa, waxaana jira halkudheg caanbaxay oo la yidhaahdo: “Madooboow miro!” Hanad xaalkiisu waa sidii oo kale,. Nageeye kuma qaldana inuu waddada ku sii daayo, waayo, xaalkisu waa tiisaba daryeelaa tu kale ku dara. Hubaal inuu caawiyey, welibana uu ka ballanqaaday inuu xidhiidhiyo, intaas ka badana uma qabankaro.

Hanad iyo magaaladii ayaa isku soo baxsaday. Waxay isku barteen meel bakhaar hortiisa Dooli iyo Dalmar. Hanad oo muddo wareegaaleysanayey ayaa la kulmay Dooli oo mahlako ku qaba Tuugannimada xatooyana ku gudajira,  ka dib ayuu Dooli arkay in Hanad indhihiisu ku maqan yihiin, wuxuuna ku yidhi:

“Waryaa, hay sheegin!” Hanadoo u musuusuqayey inuu la hadlo ayaa yidhi:

“Ku sheegi maayee, adna, wax mayga siinaysaa?” Dooli ayaa aad ugu farxay hadalkiisa, wuxuuna weydiiyey:

“Ma cusubtahay?” markaasuu Hanadna ugu jawaabay:

“Haa, waan cusubahay” wareysi dheer iyo isbarasho ka dib, waxay Doolli iyo Dalmar oggaadeen inuusan cid ku lahayn magaalada, oo iyagoo kale yahay, waana soo dhaweeyeen, sidaasayna ku noqdeen nolol wadaag.

Dooli iyo Dalmar midba walba waxaa keentay duruuf la mida tan keentay Samatar iyo Hanad, mana jirto, cid gacan u fidisa ama ay gargaar ka helaan. Waa dhallaan waqtigu ka hiilliyey, dhibaatada dalka ka dhacdey iyo dharaaro adagna saamayn ku yeesheen.

Samatar sidii maalintii loogu bixiyey Yariisoow, waxaa naanays u noqotay, Samatar Yariisoow. Samatar  muddo dheer ayuu keligii ahaa,  haddase, wuxuu dheef iyo dheriwadaag la yahay kooxdan ay isku nolosha yihiin, ee darbijiifka ah, waana  koox ay danwadaag yihiin, lagama maarmaana ay tahay inuu la jaanqaado.

Samatar ayaa lacagtii ay soo siisay hooyo Dheeg ula yimid Hanad, oo u sheegay qaabkuu ku soo helay iyo qofkuu la kulmay. Hanad ayaa  ku yidhi:

“Noo haay” oo intuu labadii kalena u yeedhay ayey go’aansadeen inay dhar wanaagsan ku gataan, cunto wanaagsanna ku cunaan. Sidoo kale, waxay isku dhaarsadeen afartooduba;  Samatar, Hanad,  Cumar oo loo yaqaan Doolli iyo Dalmarba inay walaaloobaan,  dhib iyo dheefna qaybsadaan, weliba Hanad ayaa soo jeediyey in Samatar ka yar yahay, oo ay dhaqaaleeyaan.

Hanad ayaa yidhi:

“Sidaa maanta Samatar sameeyey nin weliba wuxuu soo helo, waa wada leennahay” arrintani qof walba gaarkiisa ayay u faraxgelisay, ma jiro, dunida qof keligii isku filan oo  wehel la’aan noolaanaya,  heshiiskaas ka dibna waxaa noloshoodu ahayd mid isku tolan.

Inkastoo ay kala xirfado duwanaayeen, haddana, marar badan ayey isku wax qaban jireen. Hanad mar uu shaqeeyo, mar uu shaxaadtamo ayay ahayd.  Samatar Yariisoow inta badan wuxuu ku lug xirnaa Hanad, oo markuu baabuurta dhaqayo, ama alaabooyinka dadka u xamaalayo,  ayuu isaguna caawin jiray. Samatar waa nin shaqo jecel, oo hawlkara, awoodyari baase haysa.

Dalmar iyo Doolli waa niman huut iyo haangaale ku qaba tuugada,  jeeb siibka,  iyo taabashada fududna ku dheereeya,  weliba Doolli ayaa xirfaddaas aad u yaqaan, halka Dalmarna yahay, korjoogto ama ilaalo la shaqeeya inta hawsha lagu guda jiro.

Habeenkii ayaa qolo weliba waxay soo hesho la gole timaaddaa, halkaasna lagu wadaagaa, marka habeenkii laysla cashaynayo, ama qof weliba wuxuu soo helay saaxiibaddii la wadaagayo, waxaa laga sheekeeyaa hawl maalmeedkii iyo  qorsheyaashii ay fuliyeen, kii ku hungoobay, kii dhibaato ka soo gaadhay iyo kii ku soo guulaystayba.

Sheekadii ugu naxdinta badnayd waxay ahayd, in habeen Doolli uu galay Mawlac ay  ku digriyeyso wadaaddo Xer ah, Mawlacaas waxaa ka jiray kulan ama Alla Bari. Doolli gaajo ba’an ayaa haysay. Wuxuu rabay inuu wax ka cuno, oo dadka martida ah ka qaybgalo, waxaase laga celiyey albaabka, ka dib ayuu meel intuu ka soo dhacay wuxuu bac ku gurtay hilib iyo bariis meel xarfanaya, oo dheryo waaweyn ku jira.  Doolli wuu awooday inuu ka dhergo, oo iska tago, balse, waxaa halista geliyey inuu saaxiibaddiis wax uga qaado, oo aanu ku noqon isagoo faramadhan.

Nasiib xumo ma dhicin taasi, oo waxaa qabtay laba dhallinyaro Xeroow ah, waxayna u garaaceen si xun ilaa uu ka miyir  beelay. Waxaaba ka sii darnayd, markii wadaadkii meesha dhan Sheekha ka ahaa, (Mawlaanaa) uu amray in geed lagu xidho!

Ma jirin cunuggaas yar rag iyo dumar wixii Mawlacaas iyo xertaas guryaheeda ku noolaa, qof keliya oo ka garaabay, ama is waydiiyey, maxaa ilmaha yar ku kelifay tuugada?.

Sidoo kale, ma jirin qof il naxariiseed ku eegay, kaba darane markii waagu beryey, kawl iyo kabis midna lama siine, carruurtoodii ayaa ku ciyaareysay, oo marba dheg ka jiid iyo dhirbaax iyo dhangalaasyo u gashay.

Isagoo geedkii ku xidhan, ayaa waxaa yimid wiil uu dhalay Sheekhu, oo ah qolyaha Malleeshiyaadka ah oo wata baabuur gaashaaman, ahna dadka magaalada aadka looga baqo. Wiilkii markuu soo galay isaga iyo ciidankiisii gudaha Mawlaca, ayuu arkay geedkii weynaa ee Mawlaca ilmo yar oo ku xidhan. Markuu wareystey, ee loo sheegay sababta inay tahay inuu xalay isagoo hilib xadaya in la qabtay, ayuu intuu aad uga cadhoodey, oo weliba si xun u qayliyey yidhi:

“Ma sidan ayaad diin iyo bani Aadminnimo ku sheeganaysaan?” wuxuu ka furfuray xadhigii, wuxuuna siiyey biyo iyo cunto, ka dib ayuu wareystay, markuu xaaladdiisa ogaadayna, wuxuu siiyey hilibkii laga reebay iyo ka badan.

Sheekha wiilka dhalay kama hadlin, waayo, wuxuu u arkaa wiilkiisa iyo kan uu badbaadinayoba inay yihiin laba daalin! Habeenkaas saaxiibaddiis waa ka werwereen, waxayna dareemeen inuu halis ku jiro.

 

La Soco Qaybta 5aad.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah