Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q 5-aad. WQ: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

by admin | Friday, May 22, 2015

Ka dib markii Doolli uu ka soo badbaaday xadhigii iyo dilkii loo geeystay, ayaa waxaa baabuur nooca loo yaqaan Tiknikada ku soo qaaday, weliba Shidhka hore fariisyey  Ibir, oo ahaa hoggaamiye maleeshiyaadkii soo badbaadiyey. Wuxuu aad ula sheekaystay Doolli, oo weydiiyey, wuxuu qabto. Doolli waa wiil aad u jabyar, da’diisuna tahay 11-12 oo aan jidhqabsan, korriimaduna ka xumaatey, balse, waa wiil bashaash ah,  weliba, waa dadka u samaysan majaajilada iyo canjilidda.

Intii uu saarnaa baabuurka tiknikada ah, ee ay ka buuxaan kooxaha hubeysan iyo qori weyn oo madoobina dusha ka saaranyahay, wax cabsi la’aan kaga qosliyey isagoo weydiiyey kii qoriga hayey:

“Fiiri, mar kasta sidan miyaad u taagan tahay, iyadoo kuwa kale fadhiyaan?” Markaasaa la wada qoslay. Gaandharigii ayaa ugu jawaabay:

“ Haa, habeen iyo maalin sidan ayaan u taaganahay” Doolli ayaa Ilbir ku yidhi:

“ Isma lahayn meeshaas waa ka soo baxaysaa, balse, adigaa i caawiyey”  kuna sii daray:

“Duqa weyn, ee Mawlaanaa la leeyahay, naxariis ma lahayn, Nabiga ha agmaree!” markaasaa Ilbir ku yiri:

“Waa aabbahay. Wuxuu aaminsan yahay, qofku inuusan wuxuusan lahayn qaadan!Kuma qaldana, oo waa la baray, haddana, waxaa jirta duruuf qofka ku kellifaysa, sida adiga oo kale,  waayo, aabbe iyo hooyo ku shaqeeya, oo ku caawiya ma lihid, maanta wixii ka dambeeyase waxaad leedahay, walaal kaa weyn, oo waa aniga. Sidoo kale, kuwan oo dhamina waa walaalahaa.”

Daaqe, oo dableyda tiknida saaran ka mid ah ayaa Ilbir ku yiri:

“Doolli, waa ku saxan yahay, sida arxandarrada uu uga muujiyey aabbahaa, may, adeerkeen, maxaa yeelay, xer naxariis iyo naruuro ayaan waligeey ku maqlu jiree, inteen ku arkay iyagoo ilmo saqiirro ah ciqaabaya, waliba, u ciqaabaya xatooyo dhawr lafood, oo laga yaabo inay hore u feenteen!”

Doolli dhinacna farxad ayaa ka gashay, dad u heellan ayuu arkay, dhinacna cabsi ayaa ka gashay, waayo, dadka leh waxaan kuu nahay walaalo, dadka jidka maraya, xitaa qof fiirin karaa kuma jiro, jidadka xabbad ayay ku banneysanayaa! Haddii baabuurtu is ciriirido, xoog ayay u wadaan baabuurta. Waa dad guban, oo aan naxariisi ka muuqan, dhammaantoodna aad ka argagaxayso muuqaalkooda, haddana, uga fiicnaaday wadaaddadii diinta, digriga iyo daakiraadda u go’ay! Doolli wuxuu ku yidhi:

“Aniga Suuqa Bardaale i geeya, waxaa halkaas jooga saaxiibbadey, oo aan hilibkan iyo bariiska u geeynayaaye”  Ka dib Ilbir ayaa ugu jawaabay:

“Waa ku geeynaynaa, saaxiibbadaana waa soo baraneynaa.”

Hanad, Samatar iyo Dalmar, oo is weydiinaya Doolli ma sidaas ayuu idiinka tegay, mala dilay, oo waa dhintay, mise? ayaa waxay mar qura arkeen 5 Baabuur oo Tikniko ah iyo Doolli oo afka hore ka saaran. Mid weliba meeshii ku beegnayd ayuu orod isku taabtey, iyagoo is leh, waa gacan gasheen, Doollina waa la qabtey, idinkana waa idin soo sheegay, oo waa laydin dilayaa dhammaantiin!

Doolli ayaa ka daba qayliyey,  isagoo leh: 

“Hanadoow, Samataroow, suga suga, ha  cabsannina, kuwan na dili maayaane!” sidoo kale waxaa cabsi xooggani gashay, kooxaha dableey ah, ee suuqa joogay oo iyaguna, difaac iyo inay kabadhada ku kala gabbadaan u kala ordey iyo suuqleydii oo dhammaantood dareen galay.

Saaxiibbadii Dpoolli waa soo noqdeen, ka dib Samatar oo ugu soo horreeyey ayaa waxaa kor u qaaday Ilbir oo yidhi:

“ Waryaa magacaa?” Markaasaa Samataryare oo cabsidii ka degtay ugu jawaabay.

“Samatar ayaa lay yidhaahdaa”

Ilbir oo weli kor u sida ayaa labadii kalena yimaadeen, markaasuu weydiiyey magacyadooda. Hanad wuxuu la yaabban yahay, ninkan hubeysan, ee haddana Samatar yare kor u sita, gacanta kalena uu ka haysto Doolli.

Dooli ayaa cuntadii u soo saaray, waana is maca salaameeyeen ciidankii malleeshiyada ahayd, balse, wuxuu u sheegay iney ugu yimaadaan, haddii cid dhibto, ay jirto. Hanad ayaa isagoo aad ula dhacay warkaas oo xiisaynaya ku yidhi:

“ Xaggeen kaa soo raadinnaa?” Ilbir ayaa ka helay geesinnimadiisa, kuna yidhi:

“ Garaashka Dhuxulleey ma taqaanna?”  Hanad ayaa la soo boodey:

“Haa Haa Haa, si fiican” Ilbir ayaa ku yidhi:

“Haddii baahi idin qabato iyo haddii laydin dhiboba ii soo sheega, halkaasna iigu kaalaya.”

Sidii baa lagu kala tegay,  waxaana wareysi dheer lala galay Doolli, oo weli korkiisa nabarro ka muuqdaan iyo suntamo, jugtii xalay gaadhay awgeed, waxaase lagu illaaway, hilibka iyo bariiska macaan. Maalintaas waa la dhergay, waxaana aad loo falanqeeyey, saaxiibkooda cusub Ilbir iyo sida uu ula dhaqmay walaalkood Doolli.

Iyagu uma yaqaannaan malleeshiyada dad xun, umana yaqaannaan dad wanaagsan, waxayse og yihiin in laga wada baqo. Sidoo kale, waxay ogyihiin, in dhibaatada gaadhay, ay gaadhsiiyeen, dad hubeysan, dadka caadiga ah iyo kuwa hubeysani, uma kala soocna, mana jiro, waxay ku kala doortaan ama ku kala jeclaadaan.

Iyagoo dhergay oo meeshii fadhiya, ayaa waxay maqleen hees. Hanad ayaa heesaha aad u jecel, oo Soomaaliga iyo Hindigaba markiiba waa qabta. Ka dib ayuu la qaaday hees ka baxaysa maqaayad ka soo horjeedda oo codbaahiye ku xidhan yahay:

 

“Eeddaan la yaabee

Arxankeedu darana

Islaannimada guudnimo

Ma ilaalineysee.

 

Ishaay kugu gubtaayoo

Afkaay kaala dirirtaa.

 

Kuma saarto araxdoo

Eray waxay tiraahda

Alle qaadkaan

Maxaa dhigay agteyda.

 

Wiil hadduu Afar jiroo

Hooyadiina  ax waayaa

Aabbe kuma ogaadoo

Eedda kuuma daryeeshe

Ulbaay kula dhacdaa!”

 

Samatar ayaa weydiiyey Hanadoo heestii la jiibinaya:

“Muxuu ka wadaa wiil hadduu Afar jiro Hooyadiina waayaa?!”

Hanad ayaa u qeexay oo dhahay: waa wiil, hooyadii ka tagtay ama dhimatey sideenna oo kale, balse, Eeddadiis, “Naag kale Aabbihiis guursaday”. Samatar oo aan ku qancin ayaa yidhi:

“Afar jir waa weyn yahay, haddiise aabbihiisba joogo, oo Eeddiisna joogto, haddey rabto, ha dishee,  saw heli maayo, wuxuu cuno iyo wuxuu cabo iyo meel uu seexdo?”.

Doolli ayaa yidhi:

“Hadduu sideena nolosha aabbe la’aan iyo hooyo la’aan yahay, Eeddadiis ma caayeen?”

Waa la wada qosqoslay, waxaana lala yaabay nin dad haysta, oo haddana, dacwo qaba. Iyaga dareenkaas oo dhami kuma jiro, waayo, waxayba u arkaan, qofkuu doonaba ha ahaadee, cidii wax ku tartaa inay tahay, cid aan la illaawi karin abaalkeeda.

Sanadku waa 1996 waxaa magaalada ka socda, dagaallo goos goos ah, dhinaca kalena waxaa ka jira wadaaddo isbahaysiya oo wata ciidamo. Samatar wuxuu galay gu’gii 9aad, noloshana isbedello badan ayay yeelatey. Hadda ma deggana isaga iyo asxaabtiisii suuqa dhexdiisa, waayo, Ilbir ayaa dejiyey guryo qabyo ah, nin iyo joodarina u gaday. Waxay heleen gabbaad ka duwan kii hore. Suuqa waa u soo foof tagaan kaliya,  hase yeeshee, weli noloshoodu isma kaafiyin.

Hanad waa nin weyn oo hadda 14 Jir ku dhaw, wuxuuna aad ula shaqeeya qolyaha malleeshiyaadka Ilbir, oo goobaha dagaalka, sahanka iyo sirdoon ayuu u qaabilsan yahay, qaadkiisa, sigaarkiisa iyo noloshiisa ayuu ka dhacsadaa. Dalmar iyo Doolli waxay kireeyaan basaska ka baxaya suuqa dhexdiisa. Iyagu maaha kireeyaha koobaad, ee waa kuwa qayliya ama naadiya basku meesha uu u socdo, markuu basku dhaqaaqaya ayaa waxoogaa loo laabaa.

Samatar isagu wuxuu noqday nin shaqo. Suuqleeyda oo dhamina waa jeclaadeen. Wuxuu hayaa, shaqadii Hanad ee ahayd baabuur dhiqidda iyo caseeyaha, ciddii kale ee adeegsatana waa u adeegaa.

Xaalka magaaladu waa  mid maalin walba leh jawi colaadeed iyo dagaal aan dhammaad lahayn. Magaaladu waxay la ciirciiraysaa hub iyo hawlo siyaasadeed, dadweynaha badankoodu xaalkoodu waa quus.

Dhallinyaradani iyagu xog ogaal kama aha magaalada waxaa ka socda, balse, waxaa hadba u soo tebiya Hanad oo kala bartay siyaabaha laysu dilayo iyo cidda dagaallamaysa. Hanad wuxuu is weydiiyaa; dadkan oo dhami qabiillo ayay leeyihiin, idinku aaway qabiilkeennii? Haddana, wuxuu isku qanciyaa, maxaad qabiil yeelataa, aabbe iyo hooyadii ku bari lahaaba ma lehide!

Waxay markaan ku qabiil yihiin Ilbir, oo ah ninka awoodda ku leh aagga ay joogaan. Sidoo kale, waxay caan ka yihiin meel kasta oo malleeshiyaadka Ilbir joogaan.

Subixii dambe ayaa wadaaddo qaybinaya Timir ay ka keeneen Sucuudiga, oo masaakiinta loogu talogalay, ayaa muddo markii la sugayey wadaadadii laba jid fureen, midna wixii xisbigooda ah ayaa saf ka geliyey, midna dadkii kale, oo ay ku jiraan Doolli iyo asxaabtiisa.

Markii dadkii kale albaabka laga rogi waayey ayay billaabeen buuq iyo is dardar safkii lagu jiray, ka dib ayey dadkii gudaha u galeen meeshii Timirtu taallay waxaana la boobay Kartoomadii oo dhan.

Dooli iyo Dalmar oo buuqa arkay ayaa dhex orday, ka dibna waxay soo heleen, laba Kartoon,   waxaana meeshii yimid ciidamado wadaaddu lahaayeen, oo ka socda Maxkamadda Dheryaalley,  waxayna baacsadeen dadkii iyagoo xabbad la dhacaya, ugu dambaynna gacanta ku soo dhigeen  Dalmar iyo Doolli oo lagu eedeeey inay wax  xadeen! Ciidankii Maxkamadda ayaa iyaga iyo labadii Kartoon isku soo qaaday, waxaana loo taxaabay xabsiga, iyagoo subaxnimadii dambena lagu xukumay, in gacan laga gooyo, maadaama Tuugganimo lagu soo eedeeyey!

 

La soco qaybaha kale

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!