Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q 7-aad. WQ: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

by admin | Saturday, Jun 6, 2015

Habeenkii oo dhan ayaa hawlgal lagu jiray. Ciidamadii Ilbir waxay xidheen jidadka soo gala Dheryaaley, meel walba laba ka mida ah, gaadiidka tiknikadaa la dhigay, ee Ilbir u taliyaa la dhigay.

Waxaa laysu diyaariyey in subaxnimada weerar gaadmo ah lagu ekeeyo xerada ciidamada Maxaakiimta Dheryaaley,  ilaa habeennimadii sahan iyo kaarto dejin ayaa socotey, waxaana laysku raacay in jidadka waaweyna la xidho, si aan gurmad ugu imaan, ugu yaraan tobaneeyo baabuur iyo ciidankooduna gudaha u galaan.

Waxaa ka mid ahaa ragga sahanka  loo diray Hanad inuu gudaha u galo, oo soo eego subaxnimadii wiilasha iyo xaalkooda maadaama isagu yaqaano oo kuwo badan aysan  wejigooda garaneyn.

Hanad ayaa Orod isku taabtay, wuxuuna u dhaqaaqay dhankaas iyo Maxkamaddii Dheryaaley halkii taliskeedu ahaa, isagoo ka werwer qaba laftiisa in lagu tuuro, inta cid uun wax ku sheegato.

Samatar saaka xero ciidan ayaa waagu ugu beryay. Aadankii Salaadda Subax  markuu dhacay, ayuu indhaha ku kala qaaday buuqa, sawaxanka iyo guuxa gaadiidka dagaalka, oo shidaal lagu shubayo, Ilbirna dhextaagan yahay, oo baabuur walba markuu dhaqaaqo taliyaha loo sheegayo meesha lagu aaddiyey, iyadoo weliba, loo kala sheegayo, darawalka, caawiye darawalka, ridaha iyo caawiye ridaha, in baabuur walba laba laba loo soo saaro, baabuurtana Laba laba laysku sidko, madfac side iyo boobe culus sida Dhashiike iyo B10 IWM. Isagoo yara naxsan, ayaa waxaa gacanta ku dhegay Ilbir, oo Roodhi uu gacanta ku haystay badh u gooyey, shaahna ugu daray, wuxuuna yidhi:

“Orod Kildhigaa wejiga isaga dhaq.”

Samatar ayaa soo noqday, waxaana la saaray baabuur nooca loo yaqaan Land cruiser, oo isagu aan qori saarnayn, balse, ciidamo qorya sitaa gudaha ugu jiraan, waxaana la dhex fadhiisiyey  darawalka iyo Ilbir.

Samatar maanta jawi kale ayuu ku jiraa, waayo, baabuur cad oo aanu weligiis kanoo kale arag, Caasi ama Xaajiyada magaalada dhexdeeda u kala goosha maahine,  baabuur raaxo, oo sidan, oo kale ah ma saarin cagtiisa, balse, baabuurta markuu dhaqayo Samataryare, sida Faras Senge ah, oo ninkii lahaa xoodaaminayo, ayuu gacanta si dareen ku jiro u marin jirey,  hammigiisa kama madhna inuu maalin uun ka xaysto baabuur kala jiidan, balse, riyadiisa uma muuqato, habkii iyo heerkii  uu baabuurkaas ku heli lahaa. Maanta shidhka ayuu saaran yahay, waxaana u baxaysa hees macaan, oo ku luuqeynayo, Maxamed Saleebaan Tubeec, oo leh:

 

“Inkastoo nin geesiya

Raggu geed adeyg yahay

Haddaan garabka lala qaban

Guri oodi maayee!

 

Gacmo madhan Ilaahbaa

Guudkood xil saaraye  

Sida Geli abaareed

Awr gooni daaqaan

Aawadaa Go’doomaye!”

 

In kastoo aanu Samatar inta badan weedhaha heesta fahmayn, haddana, waxaa si jamaca ula qaaddaya inta gudaha ku jirta oo dhan ayuu ka helay.

Dhanka kale, dhinaca Maxkamaddii markii waagu dillaacay, ee Diiggu ciyay, ayaa Dhengad lala dulmarey dadkii maxaabiista ahaa,  iyadoo Salaadda loo toosinayo, halka qaar kalana, wajiga biyo qabow looga shubayey, iyadoo la leeyahay waxaa laga raacdaynayaa Shaydaanka!

Bannaanka dadkii loo soo wada saaray,  Dalmar iyo Doollina waa lagu soo darey, oo gacmaha iyo lugahey maydh maydheen, sababtoo ah, weyso qaad  ma aysan garanayn, Salaad aaney aqoonna dhinacoodey ka galeen,  Xaalku waa “Nin la tumeey talo jirtaa!”

Dalmar iyo Doolli maadaama aysan hurdo fiican iyo helin gogol ay si wacan ugu seexdaan, ayaa markii salaaddii la galay, waxay ku dhexlulmoodeen salaaddii, oo laba mar Sujuudda uga hareen jamaacadii ay la dukanayeen. Mid gar weyn, oo gadaashooda quri la taagnaa, ayaa labadii ilmood, oo wajiga wali dhulka ku haya, wuxuu baad kala dhacay dhabarka, heer ilko ka jabaan, faruuryuhuna ka dillaaceen.

Markii Salaadda laga baxay, ayaa nin Sheekh ahaa,  isu taagay wacdi, wuxuuna kula dardaarmey, inay oggolaadaan oo u hoggaansamaan xukunka Alle, ee lagu ridayo, maadaama ay yihiin dad Muslimiin ah, qofkii xukunka lagu fulliyana inuu halkaas ku hadhay dambigiisa, qofkii qiran waaya, inuu laba dambi galay, kuwaasoo kala ah,  inuu hore dambi u galay, haddana dafirey oo been sheegay.

Dhawaqaasi dhegaha maxaabiista naxdin iyo nugeyl ayuu ku beerayey, waxaana ay arkayeen iney ku jiraan gacan aysan ka baxsan kareyn, kuwa xabsiga ku xukumani, dhib uma arkeyn, balse, kuwa dilalka iyo gacmo gooynta lagu xukumaa loo quus gooynayey.

Waxaa la siiyey nin iyo xabbad rooti ah iyo koob shaah ah,  ka dibna iyagoon qaniinin, ayaa loo gacan haatiyey, Dalmar iyo Doolli, waxaanna lala galay,  hoolkii qaaddiga. Qaaddigu xukunkooda hore ayuu u dhegaystay, saaka iyagaa lagu billaabay. Waxaa saaka isugu yimid dad badan, oo subax walba 8da subaxnimo soo xaadira. Qaarkood waxaabay u tahay camal iney iska dhegaystaan dadkaa la xukumayo, kuwana waa dad ehelo ah, iyo kuwo dacwooyin qaba ama markhaatiyaal ah.

Markii meesha la soo taagay ayaa waxaa la billaabay xukunkoodii,  sheekhii ayaa aqriyey, Aayadaha ku saabsan tuugada iyo xadkooda,  sidoo kale, wuxuu ku tuuntuunsaday in qofka xukunka lagu ridayo iyo kan dhegaysanayaaba ku qancaan, maadaama ay tahay xukunkii xaqa, ahaa ee dunidan loogu tala galay.

Ka sokow, sida uu hadlayo, qaaddiga wejigiisa waxaa muuqda cabsi gelin iyo inuu awood sheeganay,  kaaga darrane wuxuu iska dhigayaa Aayadda  inuu isagu soo dejiyey, ee maba isu haysto Aadane, Aayadda qalad u fahmi kara.

Aragtida gurracan, ee  uu la malabsanayo, haddana xukunkiisu qabta danyarta iyo maasaakiinta keliya , sababtoo  ma jirto mana dhicin  isagoo xukumay, ama maxkamaddani xukuntay, dad ka soo jeeda, beelaha hubaysan ama maleeshiyaadka leh.

Ciyaalkii oo jareynaya oo argagax ka muuqdo, ayaa la xukumey, maadaama aysan hubeysnayn, cid u doodeysa ama looga gabanayaana aysan jirin joogina, waxaana lagu xukumay  in nin walba gacanta midig laga jaro isla maanta, saddex maalmoodna  caafimaadkooda la eego, ka dibna la sii daayo.

Waxaa loo soo saaray bannaanka, oo meel kaabad ama  dargadda calanka la sudho ku taallo, oo gacanta inta la saaro baangad lagu gooyo, hoostana saliid kulul ayaa taal, oo markiiba la ruubaa, si ay  u gubato meeshii nabarka ahayd, ee laftu ka baxdey, iskuna soo uruurto, mararka qaarkoodna waaba caabuqdaa, qaarkoodna dhiig baxa ayay u dhintaan, laysmana waydiiyo.

Hanad ayaa ka mid ahaa dadka dhegaysanayey maxkamada beenaadka dadka lagu cuuryaamiyo! Orod ayuu isku taabtay, nasiib wanaag, waxaa ka hor yimid baabuurkii Ilbir, oo Samatar saaran yahay, shan baabuur oo tikniko ahina galbineyso,  isla markiiba waxaay  billaabeen rasaas, waxayna muddo kooban  soo jabsadeen bartii kantaroolka,  sidii is afgarashadu ahayd, waxaa mar keliya  daafaha kale ka soo billowday rasaasta iyo hugunka qoryaha culus oo mararka qaarkood  la raacinayo, qoryaha  Jabshaha iyo Baasuukaha, si horre loogu socdo loona badhaq jebiyo.

Waa dagaal hore looga baarandegaye, maxkamadda ayaa waxaa liif la saarey barxaddeeda, wiilal xalay la sii diray  oo laba guri, oo dhaadheer, oo dhinacyada ka xigey ayaa la fuushan boobayaasha  la xambaarto.

Hugunka Rasaastaa isu baxay,  muddo ku dhawaad 30  daqiiqo markay weerar iyo difaac laysla hor fadhiyey,  hase yeeshee daqiiqadba daqiiqada ka dambaysa, Jidadka dhismaha Maxkamadda ku dhawaa marba mid la soo qabsanayo, waxaa Kaabiga loo yimid maxkamadii, Dirirtiina waa cuslaatey, oo ciidankii ilaallada maxkamadda jilibka u dhigay.

Maxaabiistiina waxaa gaadhay rasaasta seeraarada ah ama wiiftada,  waxay naf bideen hoolalkii ay ku jireen, iyagoo is dul saaran, dadkii ka qayb galayaasha ahaana, mid weliba xaalkiisu wuxuu noqday: “Rabbiyoow i furo!”  qolada Maxkamadda waxaa lagu galay war ma qabto, isla markiiba waxaa lagala wareegay gaadiid dagaal oo 5 gaadhaya, waxaana laga dilay, 7 askari oo diiday inay is dhiibaan, sidoo kale dhinaca Ilbir waxaa ka dhimatey 2 Askari  oo  ugu horreeyey ee gudaha galay, kuwaasoo raadinayey Dalmar iyo Doolli, labada askari waxaa saddex ku ahaa, Hanad maadaama uu isagu yaqaanno wiilasha, balse, aan waxba gaarin.

Hanad markii askarigii koobaad xabbadu ku dhacday, ayaa kii kale yidhi; Qabso qoriga! Waa  yaqaan sida loo rido, balse, dagaal waligii  ma geline, keebkuu la yuurarsadey, ilaa qasnaddii is ballaqday, oo ka dhammaatey, markaasuu booshkii ninka dhintey halabsaday, qiiqii iyo baaruudii ayuu ku asqoobey, cabsidiina waa ka tagtey mar qudha ayuu  dhinaciisa ka maqlay:

“Alla waa Hanad!”

Intay meesha taagnaayeen ayaa waxaa gudaha soo galay ciidankii Ilbir, nasiib xumo meel jiiro ah ayaa waxaa kaga soo baxay, askari ka tirsan ciidankii Maxkamadda Dheryaaley, wuxuuna huwiyey rasaas, waxayna haleeshay askarigii labaad, qorigii labaadna waxaa degta sudhay Hanad.

Hanad ayaa isaguna xabbadeeyey ninkii saaxiibkood dilay,  balse, lama haleelin, ee waxaa gacanta ku dhigay, qolo darbiga ka soo daadatey oo ciidankii Ilbir ah.

Maxkamaddii guud ahaan waxay gashay gacanta Ilbir, wuxuuna amar ku siiyey in dhammaan maxaabiistu baxaan, qofkii is dhiibana aan la dilin, waxna aan la bililiqaysan, ciidankuna meesha degaan, digtoonaadaana.

Afartii ciyaalka ahaa waa is heleen, waxaana la saaray baabuurkii Ilbir.  Xaaladdu waxay ahayd markii hore badbaadinta Doolli iyo Dalmar, haddase jawigu waa is beddelay, oo Ilbir ciidamadiisii, fadhiisin cusub ayay la wareegeen, dhiigna waa ku daadiyeen, dhiigna waa uga daatey.

Magaalada waxaa gaadhay, dagaalka ka oogan aagga Maxkamaddii Dheryaaley, ee ay ku qaadeen ciidamada Ilbir. Dadka qaarkood ayaa leh, qaar ciidamadiisa ka midaa la xidhay,  qaarna waxay u arkaan uun waxii ay arki jireen dagaal aan ujeeddo lahayn, halka qaar kalana leeyihiin; wadaad ku sheegtaa bulshada cuuryaanka ka dhigta, wax qabta ayaa Alle u soo saaray!

Waxaa yimid odayaashii  Ilbir  taladiisa lahaa, oo ergooyin  Maxkamadda ka socday la xidhiidheen, lagana codsanaya hantida gaadiidka dagaalka iyo hubka in loo soo celiyo, sidoo kale, wixii nool ciidankooda lagu soo simo fadhiisinkoodana loo  banneeyo.

Odayaasha war dhiilo leh ayaa gaadhay, dagaaalkuna maaha mid ay talo ku lahaayeen.

Korneyl Cirfiid ayaa isagoo cadheysan baabuurkiisa ka soo degay, wuxuuna yiri:

“War maxaad umadda u leeysay, nimankan xurgufi nagama dhaxeyne, maxaa kuu geeyey, maxaadse noogala tashan weyday, haddaadse meesha weerartey, maxaad u qabsatay, oo aadan ciidankaaga ugala bixi weyday?” Ilbir ayaa yidhi:

“Xaalad talo lala sugi karo may ahayn, dagaalkuna ma hurtuu ahaa, ka dib annaga caadadeydu waa meesha ciidan iiga dhinto inaan dego, iyadoo awood layga saaro maahee, maxkamaddani Wallaalahay bay gacmaha inay ka gooyso doonaysay, cid dambena gacmaha kama gooynayso!”

Odayaashii ayaa arrinkii ku wareeray, waana lays fahmi waayey. Muran iyo fara badan iyo farafiiq  ka dib, ayaa Ilbir xanaaqay, korna u qayliyey, markaasaa, mar qudha la wada aamusay,  waxaana oogsaday ciidankii oo meeshii isku gadaamay.

 

La soco Qaybaha kale.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah