Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q 8-aad. WQ: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

by admin | Monday, Jun 22, 2015

Odayaashii ayaa arrinkii ku wareeray, waana lays fahmi waayey. Muran iyo farafiiq badan ka dib, ayaa Ilbir xanaaqay, korna u qayliyey, markaasaa mar qudha la wada aamusay,  waxaana oogsaday ciidankii, oo meeshii isku gadaamay.

Ka dib Nabaddoon Shuuriye ayaa istaagay, oo weydiiyey;

“Maandhoow, ma wiilal uu Sheeku dhalay baa nimanku xidheen, mise bahdii hooyadaa dhashay?” Ilbir ayaa yidhi:

“Adeer maya, labada midkoodna maaha, ee waa walaalo kale, oo weliba, ilaalintooda, korintooda iyo masuuliyaddoodu i saran tahay!”

Arrinkii ayaa buuq kiciyey mar kale, oo xanshashaq iyo nuxnux badan ka dib,  ayaa Korneyl Cirfiid yidhi:

“Waad ogtahay maanta dadku waxay isugu xidhan yihiin beelnimo iyo gaashaanbuureysi, hadda, waxaaynu dilnay, oo magtooda laynaga rabaa 7 nin, waxaa dhankeenna ka dhintay 2 nin, oo nagu qaaliya, ma noo sheegi kartaa sababta ay u dhinteen dhammaantood?”

Ilbir ayaa markaa uga sheekeeyey, in carruurtan yaryari, yihiin kuwo aan lahayn waalid iyo walaal, uuna ka ballanqaaday inuu noloshooda ilaaliyo, intuu awoodo, cadowga iyo nacabkana ka jiro.

Odayadii ayaa waxaa ka degi wayday, nin aan beeshiinna ahayn, oo reerka meelna ka soo gelin, ayaa dagaalka intaas le egi u dhacay. Sidoo kale, iyagoo ka cabsanaya Ilbir inuu ku xanaaqo, oo naftoodu halisgasho, ayay hoos ula guuxeen; waa arrin nagu cusub, mana aannaan garannin, hadda furin cusub ayaa nagu furantey, beel cusubna waa la collownney, ee ma laba wiil, oo aaynaan garaneyn, ayeynu dartood  dagaal u galnay dadna u dilney!

Korneyl Cirfiid ayaa yidhi;

“Laba wiilna waa naga dhimatey, afar wiil oo cusubna waa noo dhasheen, markaa hawlihiinna kale qabsada, arrintani waa arrin ciidan anigaa dhameynaya”

Korneylka ayaa garabka ka qabsaday Ilbir, oo meeshii la fadhiyey kala dhaqaaqey, waxaa dhinac socday labadooda labada nin, ee aan ka hadhin Ilbir, oo kala ah; Qaarre iyo Dubbad. Korneylka ayaa yidhi:

“Waan ogahay inaad necebt ahay in la dhibo dhallaanka iyo haweenka,  maalintii aad askariga yar ahayd, ee aad ninka kale, ee askariga ah xabbadda ugu dhufatey kufsiguu isku dayey ayaan dareemay, dabka ka shidan laabtaada. Waan kugu raacsanahay, inaad masaakiinta caawiso, balse, go’aanka degdegga ah iska ilaali, wax badan ayuu naga halleynayaa.”

Habeenkii xeradii baa loo hooyday. Waxaa meel barxada qayilaad la fadhiistay,  Ilbir iyo Qaarre. Hortooda waxaa teel teel u fadhiya, ciidamo badan, mar qudha ayuu Qaarre yidhi;

“Weligaa iigama aadan sheekayn inaad ka mid noqotey ciidankii Dowladdii hore, sidoo kale aad soo jabhadeysay, maanta ayaan ka maqlay Korneyl Cirfiid, ee bal caawa arrintaa iiga sheekeeyey?” Ilbir ayaa yidhi:

“Haa waxaan ka gaadhay darajada Isbatoore ciidanka dowladda, weliba waxaan ahaa, kuwa sida gaarka ah u tababaran(Kamaandoos”

Qaarre, oo arrinkaa xaqiiqsanaya ayaa yidhi:

“Waan arkay, inaad qori walba aqoon u leedahay, furfurkiisa iyo rididiisa, sidoo kale, cabbirka ridadiisa iyo shiishkaba” Ilbir ayaa  sheekadii billaabay, oo yiri:

“Hooyaday oo gabadh yar ah, ayaa waxaa la siiyey awoowgey, oo xerta Bulshaaley Sheekh u ah, waxaa siiyey awoowgey Hooyo, awoowgey hooyo wuxuu aad u jeclaa, oo xidhiidh wanaagsani kala dhaxeeyey, awoowgey aabbe oo ahaa Sheekh, isagoo ku sharfaya kuna qaddarinaya maqaamkiisa diimeed. Awoowgeey Aabbe Sheekh Qaasim wuxuu ahaa nin dadkoo dhami jecel yihiin, sida awoowgeey hooyo iiga sheekeeyey, wuxuu ahaa nin  deeqsi ah, oo qof kasta oo tabaaleysan caawiya, dadkana diinta ku dabiiba, sidoo kale, wuxuu lahaa mawlac weyn, oo dadka danyarta ah oo dhami soo duggaashadaan.

Awoowgey aabbe maadaama uu waqtigaas da’ ahaa wuxuu gabadhii la siiyey oo hooyaday ah u guuriyey aabbahay. Aabbahay markaas ayuuba lahaa laba xaas oo hore, awoowgey wuu kala dardaarmay hooyaday oo aad u yareyd inuu xaqeeda iska ilaaliyo, si wanaagsanna u daryeelo, hase ahaatee, ma dhicin taasi, oo waxaa loogu beddelay in xaqeeda la duudsiyo, xuquuqdeedana lagu tunto.

Hooyaday habeenkii la guri geeyey ilaa iyo habeenkii aabbahay kala tageen, weligeed daqiiqad wanaag iyo farxad ah kalama kulmin, Aabbahay iyo guud ahaan qoyskiisa, waalid iyo walaal, iyagoo cadaadis iyo dhibaato badan marsiiyey, ugu dambayn anigoo sanad jira ayaa hooyaday la furey, awoowgeey hooyo, wuxuu ahaa reer baaddiye, hooyana guntigey dhiisha ka dhigatey, sidey nolosha labadayada meel u saari lahayd.

Shaqo walba waa qabatey, adeegto, xamaalis, caanno gadis, alaab wareejin iwm, si walba oo ay nolosheenna ku soo dhicin kareysay, ka dib waxaa guursaday, nin kale oo ay iyadu markaas u aragtay qof wehela, oo nolosha ka saacidaya, balse, nagu noqday Waraabe aan guriga soo gashanney. Ninkan ii adeerka ah wuxuu noloshayadii soo iftiimaysay geliyey mugdi hor leh,  waay, aniga iyo hooyadayba habeen iyo maalin waa na dili jiray. Hooyaday wuxuu la dhici jiray, ul, bir, bud wixii gacantiisa soo gala. Dhawr jeer ayuu gacmaha ka jabshay, daqarro waaweyna  madaxeeda gaadhsiiyey, daqarradan ayaa sababay doog  iyo gunaad ku soo kaca mar walba hooyaday, ilaa maalintii dambe ay sanka iyo afka dhiig ka keentay, hortaydana ku dhimatey anigoon waxba u qaban karayn!

Intaa uu sheekada waday Ilbir, wejigiisa marba marba ka dambaysa, murugo ayaa dabooleysay. Saaxiibkii Qaarrena af kala qaad ayaa ku dhacay,  ka dib ayuu halkii sheekadii ka sii waday.

Hooyaday waxay u dhashay, Gurey laba wiil iyo gabadh. Waxaa carruurtii u yimid markay hooyaday dhimatey, ehlladooda, anigase cid iga soo war doontay ma jirin, hase yeeshe, waan aqaannay meesha uu Aabbahay deganyahay iyo Mawlaca xerta Bulshaaley, halkaas ayaanan naf ka soo dayey.

Markaan imid gurigii aabbahay, waa meesha mawlacu maanta uu ku yaale, waxaan filayey markuu aabbahay arko, dhibka i gaadhay inuu ii hiillin doono, nasiib xumo, Aabbahay il naxariis leh xitaa iguma eegin, waxaan seexan jiray, Dugsiga oo derin lay dhigay, halkaasoo Kudkude iyo Kaneeco iiga dhergi jirtay habeenkii, oo subixii aniga oo seexan inta lay kiciyo, Quraanka aan billaabi jiray, mararka qaarkood marka aan lulmoodo ayaa lay duubi jirey, waxaana si naxariis daran ii garaaci jirey Kabiirka iyo Macallinkaba, waxaana laygu qasbay inaan barto Quraanka. Dhinaca cuntada waxaan ku weel ahaa, niman xer ah, oo iga waaweyn, wax naxariisana layma geli jiray.

Walaalahayga kale ee aabbahay dhalay,  waxay ku noolaayeen nolol raaxo leh, iyaga iyo hooyooyinkood wax naxariis ah kama helin, aan ahayn cadaawad iyo iney  i giriifaan.

Awoowe iyo ayeeyo iima joogin, oo waa dhinteen, Eeddo iyo Adeer ii damqada ma arag, waayo, nin aabbihiis arxan ka waayey, cid kalena asxaan uma falayso.  Waxaan rafaadoba, dil iyo ciqaab lay darandoorriyaba, waxaan la kulmay dil ka daran kii  Adeerkii aan ka soo cararay.

 Mawlaca oo dhan waa laygu xaaqi jirey, biyaha waa laygu dhaamin jirey, weelka oo dhan waa laygu dhiqi jiray. Waxaan galay kadeed adduun. Iyagu waxay ii arkayeen qof diiddan Quraanka ama madax adag, waxayna u haysteen inay i toosinayaan. Anigu Quraanka ma necbayn mana diideyn, balse, qalbigayga murugo iyo ciil ayuu la madoobaaday,  waxaana buuxiyey oo dabooley argagax.

Waxaan maalintii dambe u cararay bannaanka, oo waa baxsaday, waxaanan go’aansaday inaan dib ugu soo laaban.

Waxaan seexan jiray balbalooyinka suuqleyda iyo meelaha luuqyada ah, waxaan ka qaraaban jiray suuqyada magaalada, waxaa cunto ii ahayd, hambada dadku reebaan, waxaa lebis ii ahaa, kan dadku tuuraan iyo mid aan xado, waxaan noqday is koris, waxaan deris la noqday nolosha dibjirka, noloshaa lafteeda ima soo dhaweyn, oo dil iyo darxumaba waa ka soo maray, waxaan ka mid noqday, darbijiifka, waxaan billaabay falal budhcadnimo, dafidda, dhicidda, xadista iyo boobka,  Aabbahay weligiis ima soo daba kicin.

Noloshaa adkayd ee aan soo maray waata maanta sababtey inaan dareemo  nolosha Samataryare ku jiro. Anigu waan ka nasiib badnaa iyaga, waayo, waddanku nabad ayuu ahaa, dowladnimaa jirtay, rafaadka iyo baahida maanta taallana maysan jirin, meel walba waxaad cunto waad ka helaysay, dadku sidan uma naxariis darneyn, waxaana jirey xitaa meelo lagu xannaaneeyo ama lagu barbaariyo carruurtaas qaarkood.

Ugu dambayntii waxaan galay faldambiyeed dhac ah, oo aanu u geeysanay nin madax ahaa, waana lay xidhay. Muddo markaan xabsiga weyn ku jiray ayaa waxaa naloo qaaday aniga koox badan meel jasiirad, oo lagu uruurin jiray ciyaalka aan lahayn waalidiinta ee dambiyada gala.

Maalintii dambe ayaan baxsaday, oo doon jaziiradda timid ku soo dhuumanney aniga iyo Shuute, oo iga weynaa, ka dibna, markaan berriga tagnay ayaan orod isku taabanay, ilaa aan ka soo galnney meel tuulo ah, waxbase kamaannu faa’iidin, oo waxaa joogay ciidankii Jasiiradda qaar ka mid ah oo  na gartay, dibna noogu celiyey.

Habeenkii dambe ayaa waxaa yimid meesha niman saraakiil ah, waxaana naloo soo saaray barxadda, waxaana la xidhay laba qori iyo xadhig ka dheer ilaa 4 mitir,  ka dib  waxaa nalagu amray inaan ka boodno.

Waxaan ka mid noqday kooxdii bootinta ku guuleysatay, haddana waa nala tartansiiyey, dhinaca orodka, waxaanan galay kaalinta koobaad, haddana, waxaa naloo sheegay inaan laba laba u legdanno, arrinkanna waa ku guuleystay,  ka dib, waxaa lagu amray laba askari inay gooni noo saaran aniga iyo dhawr kale inta kalena dib loogu celiyo  xabsiga.

Subaxnimadii ayaa nalaga soo saaray Jasiiraddii, markii berriga nala keenayna baabuur weyn, oo ciidan ayaa nalagu qaaday, galabnimadiina xero ciidan ayaa nala geeyey. Timahaa nalaga xiirey, waxaanna na loo billaabay tababar, halkaasaa waxaa iiga billowdey carbiskii iyo tababarkii ciidannimo, layma weydiin, inaan raalli ka ahay iyo in kale, balse, waan ku faraxsanaa, waayo, waxaan helay  guri, nolol , dhar ii gaar ah, gogol ii gaar ah iyo agab ii gaar ah.

Ma jirin cid si gooni ah ii eeganeysay, waxaanan wax la qabay raggii meesha igula sugnaa. Waxaan noqday ragga uu ugu jeclaa Kabtan Xiireey, oo ahaa nin bilaa naxariis ah, wuxuuna na baray sida loola diriro qofka si foolka foolka ah, sidoo kale, tabaha loo diriro hub la’aan. Wuxuu markii dambena igu darey, oo laygu qorey ciidamada Kamaandoosta, ee sida gaarka ah u tababaran, in kastoo aanan gaadhin, heerka ugu sarreeya, haddana, waxaan halkaas ku qaatey, tababar i siiyey awood badan, ka dibna waxaa laygu tolay shaatigayga Laba Alifle, waxaana  isla markiiba ka mid noqday, ciidammadii loo diray Hareeri dheer.

Ugu dambayntii anigoo ah, Saddex xadhigle, ahna abaanduul waaxeed, oo aan laga daba hadlin, ayaa loo soo bedelay korneyl Cirfiid xeradaan ku jiray, isagoo markuu arkay magacayga gartey, midka aan ahay, isuma kay sheegin, balse, waxaan kala kulmay xannaano gaar ah iyo xeerin, wuxuuna igu odhan jirey wiilkaygii. Eraygaas oo i jeclaysiiyey uuna ku noqday mid ku kasbada maqalkayga iyo inaan baarri u noqdo.

 

La soco qaybaha dambe.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah