Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q 9-aad. WQ: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

by admin | Monday, Jun 22, 2015

Anigoo ah, Saddex Xadhigle, ahna abaanduuliyo Urur, oo aan laga daba hadlin, ayaa naloo soo bedelay korneyl Cirfiid xeradaan ku jiray, isagoo markuu arkay magacayga gartey, midka aan ahay, isuma kay sheegin, balse, waxaan kala kulmay xannaano gaar ah iyo xeerin, wuxuuna igu odhan jirey wiilkaygii. Eraygaas oo i jeclaysiiyey uuna ku noqday mid ku kasbada maqalkayga iyo inaan baarri u noqdo.

Ma jiro korneeyl Cirfiid adduunka qof oogadiisa saaran, oo aan uga xushmad iyo xaqdhawr badanahay, aabbahay iyo isagana waxaan jeclahay isaga intuu neef weyn ka soo go’dey ayuu yidhi:

“Naftani waa nin u roon raacdo”

Qaarre oo sheekadu ugu dhibcaysey qalbigiisa, sida dhul omos ahaa, oo mahiigaan si wanaagsan u biyo dhigay, ayaa yidhi:

“Hubaal in nolol adagi ku soo martey, mana arag mana la kulmin weligay nin sidan oo kale iiga sheekeeya, arrin amakaag iyo fajac igu reebtay.

 

Qaare ayaa hoos u guuxay oo yidhi:

 “ Ninna aabihiis ayuu aabbenimo ka waayey, anigana Aabbahay wiilnimo ayuu iga waayey”

Waxaa hadalkii maqlay oo ka naxay, Ilbir, oo weydiiyey:

“ Maxaa aabbahaa idin dhexmarey”

Qaare ayaa yidhi:

“Sheekadaydu maaha mid sida taada u dheer, una amakaag badan, ee halka  aabbahaa adiga xaqii waalidnimo kaa hagraday, ayaan aniguna aabbahay xaqii wiilnimo ka hagraday!”

Aabbahay wiil aniguu iga dhalay, weligay dheef aan shaqeeyey muu cunin, weligayna maalin qudha kama farxin. Waxaan u soo hooyey, daqar iyo diyo badan, waxaanan u soo jiiday magac xumo badan.

Aabbahay waa nin Beeldaajiye ah, waa nin codkara, oo bulshada dhexdeeda karaamo ku leh, deegaanka uu deganyahay laga jecelyahay, ma jirto madal laysugu yimaad, oo uu ka maqnaado. Wuxuu dhalay gabdho badan, gabdhihiisana waxaa ka wada guursaday dad sharaf badan, booskayga waxaa u buuxiyey iyo kaalintaan ku banneeyey wiilasha uu awoowga u yahay, ee gabdhihiisu dhaleen.

Aabbahay  adduun igama rabin, ee wuxuu iga rabay keliya, inuu igu indho doogsado, maadaama aan ahay wiilkiisa madiga ah. Wuxuu ii guuriyey saddex jeer, balse, waxaan ceeb ahayn iyo dacwo kama qaadin, waayo, gabadh walba iyada oo aan ii toddoba bixin ayaan furi jirey.

Hanti badan uu lahaa, xoolo nool iyo maalba waa ka burburiyey, intaas oo dhan garaadkaygu ima siin, inaan maalin qudha ka farxiyo. Halkaa markuu marinayey ayaa daamankiisa ilmo qoysay.

Habeenkani wuxuu noqday habeen murugo leh. Waxaa ciidanka intii maqlaysay, la fajacsanaayeen, dhibaatadii ku habsatey Ilbir, iyo waalidkiis siduu ula dhaqmay, haddana, waxay dhinaca kale arkeen, inuu jiro mid isna waalidkiis gabay. Ilbir ayaa ku yidhi:

“Saaxiib waxaad tahay qof wanaagsan, ee waxaad weyday fursad aad qaladkaaga ku saxdo, haddana, waxaad haysata waqti kugu filan inaad qaladkaaga saxdo” Habeenkii waxaa lagu kala seexday in Qaarre aabbihiis u tago, berrina uu ambabaxo, weliba, waxaa la siiyey ciidan iyo sahey ku filan, maadaama uu yahay, hoggaamiyaha labaad, sababtoo ah maaha nin keligii meel cidlo ah mari kara.

Markan waxaa isku soo hadhay  Dalmar, Doolli iyo  Samatar, sababtoo ah, Hanad wuxuu ku biirey ciidanka Ilbir, weliba, waxaa la saarey baabuurka gaarka ah, ee Ilbir. Ilbir ugama baahna ciidan inuu u noqdo, ee wuxuu u arkay iney tahay xalka keliya, ee uu naftiisa ku badbaadsan karo, nololna ku abuuri karo, waa isla jidkii qodxaha badnaa, ee uu soo marey, kuma qaldana Ilbir, waayo, ma yaqaan waddo kale, mana oga.

Dalmar wuxuu noqday nin furfuran, wuxuuna fursad shaqo ka helay wadaaddo ganacsata, oo u oggolaaday iney hab gacanyarennimo ah u adeegsadaan, waxyaabaha ay doonayaan in loo kala gudbiyo, goobahooda ganacsi. Ma helaynin hanti iyo mushahar badan, wuxuuse helay, yididdiilo badan, oo wuxuu bartay,  caddadka, xisaabta, tiraynta iyo kala duwanaanshaha farqiga badideeda iyo yaraanteeda, sidoo kale, wuxuu bartay badeecada iyo qiimaheeda.

Dalmar wuxuu aad iyo aad ugu dhego nuglaaday qolyihii wadaaddada  ahaa, oo wuu ka go’ay kooxdiisii ku xidhneyd Ilbir, sidoo kale, wuu isbeddelay, oo wuxuu ka baxay ballantii ahayd, in dhib iyo dheef la wadaago, waxna kuma darsado waxna kuma biiriyo. Fahankan ayaa ka yimid qaabka ay u tuseen wadaaddadu saaxiibadiisi kale.

Wuxuu qaatay ogaal iyo aqoon la’aan aragtida gurracan, eel eh, qofka aad ku darsanee, wax la wadaagee, waa inuu ahaadaa xerteenna iyo xisbigeenna. Mar kale, oo la sii durjiyana ah, in aan wax lala wadaagi karin, qof aan Muslin ahayn, maadama ay bulshada inteeda gaalo u yaqaanneen!

Doolli iyo Samatar weli waa naf iyo nolol wadaag, qol bay wada degan yihiin, sidoo kal, Samatar wuxuu noqday nin la wada jecelyahay, oo weji furan, aamin ah, dabeecad wanaagsan, wuxuuna gaadhay heer qof weliba meheraddiisa ku aamino, isagoo caseeya ahna, la yidhaahdo; maanta intaad qaadan lahayd halkan ka qaado. Kama qarash yara Dalmar, balse, isagu labadii walaalihii ahaa kama tegin, ee kala ahaa Doolli iyo Hanad, oo firaaqadu ku yaraatey ayuusan marar badan u tegin ama arkin, oo markaan wuxuu noqday, nin weyn, oo wax badan kala dabbaraya.

Afartii is koris waxaa saameysay nolosha iyo isbedelkeeda, sidoo kale, waxaa raad ku yeeshay xaaladaha nololeed, ee ay kala galeen. Waa duni iyo camalkeede, lays weydii, lana wada arag arrinka Dalmar, oo markii hore ahaa dhuumaleysi iyo cudur daarasho badan,  hadda ka duwan oo weji karooxa iyo dagaal ayaaba ka diyaarsan, haddii la weydiiyo; maxaa kugu dhacay ama maxaad noo gooysay Jaalayaashiisu warsadaan. Wuxuu ugu jawaabaa erayo qalafsan, oo nac iyo naxli ka buuxo.

Hanad waa fahansanyahay jadwalkiisa wadaadnimo iyo guntiga gaaban, ee uu ku qadhaabanayo, wuxuuse fahmi waayey, siduu durbaba u illaaway, walaalkii Ilbir, oo ahaa ninkii mahlakada u galay, sidoo kale, wuxuu la yaabay siduu u illaaway, ninkii isagoo silic u dhimanaya naf iyo nolol la soo qaybsaday iyagoo 5 jira, ee Doolli sida uu illaaway walaalihiisii kale, ee Hanad iyo Samatar.

Doolli in badan ayuu isku taxallujiyey inuu xidhiidhiyo ama raadiyo saaxiibkiis Dalmar, balse, wuxuu ogaadey in xaalkiisu uusan dhaweyn, yahayna nin fogaadey, marka iskumaba mashquuliyo.

Muddo marka laga joogo, xadhigii iyo dagaalkii Maxkamaddii Dheryaaley ku dhawaad sanad iyo badh ayaa waxaa maalintii dambe dhacdey, in Samatar oo u socda suuqu uu ku soo dhex dhacay “Ciyaal wadhaf” laba kooxood ah oo is tuuryeynaya. Samatar shaqadiisa maaha waxaa is tuuraya waa ka soo dhex baxay,  isagoo waddada laamiga ah gooynaya, Baabuur raran iyo gaadiid ilaalinaya oo dhinaca suuqa u socda. Waxaa ka dib  dhacdey in baabuur ka mida baabuurta raaxada oo la socdey gaadiidkan raran ciyaal wadhafkii muraayada hore ka jabsheen, kana carareen.

Ilaaladii baabuurka saarneyd ayaa  ka daba orodey, ciyaalkiina laba luuq bay ka baxeen. Waxaa la xumaaday ilaaladii baabuurkii ay ku lacag qaadanayeen inuu burburo, waxay u keenaysaa dhib intiisa le eg. Baabuurka waxaa iska leh,  Ganacsada Barrow, oo ah nin magaaladu u kala xidhantahay, Hoteello iyo dhismayaal badanna ku leh, sidoo kale, maraakiibta sida maceeshadaha kala duwani u soo degaan. Wuxuu leeyahay ciidan iyo hub badan, wuxuuna  maamulaa qaybo badan oo ciidankiisu gacanta ku hayaa.

Ilaaladii waxay go’aan ku gaadheen iney qabtaan Ilmaha yaree ugu horreeya, ee ay arkaan, waxaanna ku soo baxay Samatar oo suuqa sii gelaya, intey qabteen oo laba dible u xidheen, dharbaaxona kala daaleen, ayay baabuurkoodii ku dhex tureen.

Way og yihiin inuusan isagu dhibka u geeysan, waxayse doonayaan inay isku furtaan, si ganacsadde Barrow  uusan  shaqada uga eryin.

 

La Soco Qaybaha dambe

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah