Su’aal ka taagan geerida taliyihii ciidammada booliiska iyo guddi baaritaan oo la magacaabay

by admin | Friday, Oct 31, 2014

Muqdisho : HN :– Kaddib markii gallinkii danbe ee maalintii shalay isbitaalka umadda ee magaalada Muqdisho uu ku geeriyooday taliyihii ciidammada booliiska Soomaaliyeed Jen Max’ed Sheekh Xassan, ayaa waxaa soo baxaya shaki laga qabo geerida taliyaha, waxaana uu baaritaan arrintaa ku saabsan ra’iisal wasaaruhu u magacaabay guddi heer wasiirro ah.

Jen Max’ed Xassan taliyihii hore ee ciidamada booliiska ee geeriyootay, waxaa uu ka mid ahaa garabka ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed Max’ed oo u magacaabay xilka taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed, shakiga ugu weyn ee arrintan la xiriirtana waxaa abuuraya dagaal siyaasadeedka hoose ee ka dhax socda garabka madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Guddiga loo saaray in arrintan ay  baaritaan ku sameeyaan waxaa ka mid ah wasiirrka wasaarrada ammniga Qaranka Khaliif Axmed Erag,image27777 wasiirrka caafimaadka iyo wasiirrka warfaafinta Mustafe Dhuxuloow iyo wasiirrka beeraha xukuumada Soomaaliya.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in garabka ra’iisal wasaaraha qorsheynayaan in baaris caafimaad oo dibada ah loo qaado meydka taliyaha geeriyooday ama dhaqaatiir caalami ah loogu keeno gudaha, si loo ogaado sababta rasmiga ah ee uu u geeriyooday taliyihiii ciidamada booliiska, madaama la tuhusan yahay in la sumeeyay.

Lama oga waqtiga kama danbeysta ah ee la aasayo Jen Max’ed Xassan, hasse ahaatee waxaa la leeyahay waxaa la aasi doonaan marka uu dhamaado baaritaanka socda.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!