Suuqa kala iibsiga xildhibaannada oo si xowli ah ku socda

by admin | Monday, Dec 1, 2014

Muqdisho : HN :– Iyadoo maalinta bari ah loo ballansan yahay fadhigii gollaha baarlamaanka oo la fillayo in la horkeeno mooshinka ka dhanka ah RW Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, ayaa waxaa si xowli ah u socda suuqa kala iibsiga xildhibannada, iyadoo xafiiska madaxweynaha iyo kan raislwasaaraha ay kala jiidanayaan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya si mid walba ugu danbeyntii uu u hello codka aqlabiyada baarlamaanka.

Xildhibaannada taageersan ra’iisal wasaare Cabdiwali oo todobaadyadii ugu danbeeyay is hortaagay in baarlamaanka howlihiisii caadiga ahaa uu qabsado, ayaa hadda ogolaaday in ay si nabad ah uga qeyb-gallaan fadhiyada baarlamaanka, iyaga oo sheegay in ay isku kalsoon yihiin islamarkaana ku guuleysan doonaan joojinta mooshinka iyadoo la raacayo hab sharci ah.

Guddiyo ka kala tirsan xafiiska madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo RW Cabdiwali ayaa suuqa ku jira kuwaa oo xod-xodasho hoosexildhib ku haya xildhibaannada, waxaana jira sidda wararku sheegayaan ballan-qaadyo kala duwan, sidda xafiiska madaxweynaha oo xildhibaannada u ballan-qaadaya qaarkood in ay  ka mid noqon doonaan xukuumada cusub ee soo socta haddii ay meesha ka saaraan ra’iisal wasaare Cabdiwali, halka ra’iisal wasaaraha laftirkiisa uu bixinayo ballan-qaadyo sidda xildhibaannada qaarkood uu u magacaabi doono wasiirro haddii uu ku sii nagaado kursiga.

Laakiin dadka sidda weyn ugu dhuun-daloola loolanka siyaasadeed ee socda, waxaa ay leeyihii waxaa aad u xoog badan xildhibaannada u jan-jeera dhinaca madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud, madaama mudanayaasha intooda badan ay maanka ku hayaan marka siddan oo kale madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha isku qabtaan in inta badan uu meesha ka baxo ra’iisal wasaaraha.

Maalinta bari ah wax cod ah looma qaadayo mooshinka, laakiin waxaa la fillayaa in loo qeybiyo xildhibaannada si ay u soo aqristaan, kaddibna dooda mooshinka ayo cod u qaadistana maalin laga wadda dhigo, inkastoo haddana wax is badali karaan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!